4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Guddi loo saaray qabanqaabada munaasabadda uu xilka kula wareegayo gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir

 

Sabti, Augusto,24, 2019 (HOL)-Ku-simaha guddoonka maamulka gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle ayaa magacaabay guddi qaban qaabiya munaasabada uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin ka hor xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay in uu noqdo Cumar Maxamed Maxamuud Finish.

Inkastoo guddigan lagu dhawaaqay haddana kuma cadda qoraalka magacaabista waqtiga ay dhaceyso munaasabada xil wareejinta.

Hoos ka Akhriso Qoraalka magacaabista guddiga :- 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]