4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Xafiisyada ka wakiilka ah Maraakiibta Berbera oo aqbalay in ay hoos u dhigaan qiimaha laga qaado ganacsatada

 

Sabti, August, 24,  2019 (HOL)–Murankii ka jiray xafiisyada wakiilada Maraakiibta Berbera iyo wasaaradda Ganacsiga ayaa maanta la soo afjaray ka dib markii muddo laba cisho ah sameeyey shaqo joojin.

Wakiilada Maraakiibta ayaa dadka ganacsatada ah ka qaadi jirey lacag badan, waxaanay dawladdu soo saartay wareegto ah in aanay ka badin lacagta ay qaadaan $85 dollar, haseyeeshee waxay ku doodeen in aanay lacagtaasi ku shaqayn Karin, sidaas darteed ay shaqadoo joojiyeen, taas oo xukuumaddu ku soo saartay amar ah hadii la furi waayo xafiisyada in xafiisyo kale rusqado loo siin doono, xafiisyadoodana la xidhi doona.

Xafiisyada wakiilada maraakiibta Berbera ayaa wasaaradda Ganacsiga ka codsaday in mudda ay ku bedelayaan qiimihii hore loo kordhiyo, taas oo loo ogolaaday in sabtidda soo socota qiimaha ay dadka ka qaadi doonaan laga dhigo $85 dollar, mudadaasi la siiyeyna ay nidaamka ay ku shaqayn jireen ku fadhiisiyaan lacagta cusub ee dawladu go aamisay taasi oo khasab ku noqotay inay ku qanciyaan Shirkadaha caalamiga ah ee ay wakiilada u yihiin.

Dhaqangalka wareegtada Wasaarada Ganacsiga ay fursada ganacsi ama tartan ganacsi u samayn doonta tujaarka doonaysa inay badeecadaha dalka dibidiisa ka keenaan.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid ayaa sheegay in amarkii dawladdu sidaas ku hirgalay, isla markaana hoos loo dhigay qiimihii koontiinarada laga qaadi jirey markii hore.

““barigii hore ganacsatada waxa laga qaadi jirey hadii uu koontiinar la soo dego iyo hadii uu boqol la soo dego waxa halkii koontiinar loogu dhufan jirey ka labaatanka ah fuudhka ah 85 dollar, hadii uu 40Ft yahayna 155 dollar, maanta waxa laga qaadaya hadii uu boqol la yimaado iyo hadii uu toban la yimaadaba 85 dollar, markii ay xukuumaddu baadhis ku soo samaysay qiimaha dekadaha kale ee la jaarka ahi qaadaan la ogaaday in dekadaha jaarka ah laga qaado 85 dollar, shir dheer oo saaka wada galnay waxay aqbaleen inay wakiiladii maraakiibtu hawshaasi fuliyaan, qiimaha la jabiyey waxay tahay mid usoo korodhay shacabka oo ganacsatadu way jabinayan qiimihii ay wax ku iibin jireen”ayuu yidhi gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid.

Xafiisyada wakiilada ayaa saaka shaqdii bilaabay iyagoo ka cabsi qaba ina meesha laga saaro hadii ay amarka dawlada qaadan waayaan, waxaanay xukuumaddu sheegtay in dekadda Berbera oo kaliya laga qaado lacag badan, halka dekadaha jaarka lacag intaas ka yar loogu qabto adeega dadka loogu qabanayo .

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland