4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Xisbiga WADDANI oo eeddo usoo jeediyey xukuumadda madaxweyne Biixi

 

Sabti, August, 24,  2019  (HOL – Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa eedihii ugu cuslaa usoo jeediyey madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa.

Sidoo kale, waxay sheegeen in taariikhda markii ugu horeysay magaalada Badhan laga dajiyey calankii Somaliland, ka dib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ku biireen Puntland.

“Laba sanno oo xukunka kulmiye hayey cabashada shacabku aad buu usoo badanayey, Somaliland calankeeda uu tawxiidku ku qoran yahay muddo sodon sanadood ku beegan waa markii ugu horeysay ee dhulka la dhigo, ceebteeda waxa uu dusha ka saaran yahay cidda xukunka haya oo uu kow ka yahay madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha ee amniga qaabilsan”ayuu yidhi afhayeenka xisbiga WADANI Barkhad Batuun.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in wasiirka Arrimaha Guduhu ku mashquulay komishanka doorashooyinka iyo muranka xisbiyada dhexdeeda, taasina ay keentay in xaalada Bariga Sanaag is bedesho.

“Wasiirkii arimaha guduhu inta uu ku mashquulsana komishanka doorashooyinka iyo muranka xisbiyada waxa galbatay sanag bari, 2018-kii mdaxweynihii Puntland Cabdwali Gaas ayaa yimid Badhan oo dhagax dhigay jaamacad, waxa kale oo yimid wasiirka Qorsheynta Soomaaliya, waxa kale oo jira in ciidan ka tirsan Somaliland ay ku biireen Puntland, waxa shalay dhacay magaalada Badhan badhtankeeda guuto taariikh ku lahayd Somaliland ay ku biireen Puntland, afartaa dhacdo iyo kuwo kale oo soo socda waa la daawanayaa”ayuu yidhi.

Mar kale waxa uu sheegay afhayeenka xisbiga WADANI in xukuumadii loo dirsaday inay xuduudaha qaranka ilaaliso ku bedelatay inay urursato xoolihii ummadda, waxaanu yidhi “Illaalinta xuduuduhu qaranku waxay u baahan tahay hogaamin xilkasnimo leh ee uma baahna hogaamin xoolo urursi u timid, cabsi badan waxay nagaga haysaa saddex sanno ka dib marka uu dhamaado xilkoodu inaan ugu iman wayno dad iyo dal midda, tan iyo intii ay kursigaasi fuuleen shacabka is nec iyo xalin la’aan kala fogaanshihii ay doorashadu keentay baa bulshada ku dhacday”.

Eedahan ayaa yimid ka dib markii guuto ka tirsan ciidanka Militeriga Somaliland oo degan Badhan ku biireen ciidanka Puntland, haseyeeshee illaa maanta kama hadal xukuumadda iyo wasaaradii gaashaandhiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.