4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Iska horimaad ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)- Dagaal culus oo leysku adeegsaday hub kala duwan ayaa duhurnimadii maanta ku dhaxmaray degmada Deyniile gaar ahaan agagaarka xeradii Saban saban ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad u abaabulan hab beeleed.

Dagaalka oo saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah  ee degan deegaanka lagu dagaalamay ayaa salka ku hayay muran dhinaca dhulka oo muddo dheerba halkaa ka taagnaa.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ku dhaawacmay iska horimaadka ku jira xoghayihii degmada Deyniile Mahad Sharaawe oo la sheegay in ay uu hoggaaminayay ciidamada dowladda ee qeybta ka ahaa iska horimaadka.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha dowladda Soomaaliya oo la xiriira iska horimaadkan ka dhacay demada Deyniile.

Ma'aha wax ku cusub magaalada Muqdisho dagaallada ku saleysan muranka dhulka oo ay ku lug yeeshaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]