4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Muqdisho: Dhisme ay ka socotay xaflad Aroos oo dumay


Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)- Illaa 20 ruux ayaa ku dhaawacmay dhisme ay ka socotay xaflad Aroos oo ku yaalla degmada Boondheere ee caasimadda Muqdisho, sida laga soo xigtay xubno qoyska ka mid ah.

Dhismahan ayaa ahaa mid qadiimi ah, waxaana ku sugnaa dad ka badan 20 ruux oo dabaal-degga xafladda arooska ku jiray.

" Gurbaan iyo dabaal-deg ayaa socday, halmar ayaan ka warhelnay inuu dhismaha oo hoos u dumay, dadka dhaawacmayna waxaa ay ka socdeen inta badan qoyska gabadha." sida waxaa u sheegtay warbaahinta haweenay ka mid ah qoyska.

Baabuurta gurmadka deg dega ah ayaa dadka ku dhaawacmay dhismaha dumay xilli hore oo xalay ah ka daabulay, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaallada ku yaalla Muqdisho.

Dhismayaasha qadiimiga ah ee ku yaalla Muqdisho ayaa inta badan waxaa deggan qoysas, kuwaas oo an helin dayactir - waxaana dhowr mar soo baxay digniino loo dirayo qoysaska dhismayaasha deggan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]