Jabuuti oo aan wali ka rajo dhigin Kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Amaanka Qarramada Midoobey
Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)- Ururka Iskaashiga
Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu dowladda Jabuuti ku taageeri doono
ololaha ay ugu jirto Xubinimada aan Joogtada aheyd ee Kursiga Golaha Ammaanka
ee Qarramada Midoobey oo ay kula tartameyso dalka Kenya.
War ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee
OIC ayaa loogu ballanqaaday Jabuuti in ay ku taageeri doonaan kursiga aan
joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, maadaama dowladda
Jabuuti ay ka mid tahay Ururka Iskaashiga Islaamka laakiin Kenya aysan ku
jirin.
Kenya ayaa todobaadkii hore ku guuleysatay
codeyntii uu sameeyay Midowga Afrika ee Kursiga Bariga Afrika xubinta uga
noqonaya 15-ka dal ee Golaha Ammaanka.
Balse Jabuuti Jabuuti ayaa sheegtay in aysan ka
rajo dhigin ololaha ay kursigaas uga jirto, isla markaana ay taageero ka
raadsan doonto dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.
Dalalka ka midka ah Ururka Iskaashiga Islaamka
ayaa ka kooban 57 dowladood, waxayna taas ay ka saacidi kartaa in dowladda
Jabuuti ay ku guuleysato Kursigan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]