4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Qof ku dhintay rasaas lagu furay xaflad Aroos gobolka Mudug

 

Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in qof hubeysan uu rasaas ku furay xaflad Aroos deegaanka lagu magacaabo Lulubsho oo ka tirsan degmda Hobyo.

Dad ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in hal qof uu ku dhintay rasaasta lagu furay xaflada, waxaa sidoo kale jira dad ay dhaawacyo soo gaareen kuwaa loo qaaday degmada Gaalkacyo.

Ninka hubeysan ee rasaasta ku furay Arooska ayaa la sheegay in uu baxsaday, islamarkaana hadda ay ku raad jooggaan Odayaasha dhaqanka deegaan-ka.

Dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dadka deegaanka oo aan ilaa iyo hadda garan sababta uu qofka hubeysan u weeraray xaflad oo aheyd oo kaliya munasabad Aroos.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]