4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Wasiirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug'' Waa been abuur warka ka soo yeeray Ahlu Sunna

 

Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)- Wasiirka Dib-u-hishiisiinta Galmudug Saalax Cabdullaahi Maxamed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay War ka soo baxay Ahlu Sunna oo lagu sheegay in shirka dib-u-heshiisiinta Dhuusa-Mareeb la doonayo in laga qeybgaliyo xubno ka tirsan Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin Odayaal Al-shabaab ah oo soo gaaray Dhuusa-mareeb, islamarkaana Ergooyinkii ka qeyb galaya Shirka dib u heshiinta Galmudug ay sheegeen in Al-shabaab lagu tilmaamay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar ayaa shalay sheegay in ergooyinka shirka dib- u- heshiisinta Galmudug ay tageen deegaanno ay maamulaan Al-Shabaab, islamarkaana ay la dhex imaan doonaan dhismaha Maamulka Cusub ee Galmudug islamarkaana laga cabsi qabo in xubno la shaqeeya Al-Shabaab ay ka mid noqdaan Galmudug.

Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xooggan oo u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo xubnihii horey uga tirsanaa Ahlu Sunna ee markii danbe ku biiray maamulka.

Qoraal ka soo baxay Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in marnaba la aqbali doonin qorshaha dowladda ee la doonayo in deegaannada Ahlu Sunna lagu keeno ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]