4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2019
Ahlu Sunna'' Ma aqbaleyno in ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dowladda federaalka la keeno Dhuusa-Mareeb

 

Jimco, Augusto, 23, 2019 (HOL)-Qoraal dhinacyo badan taabanaya oo ka soo baxay hoggaanka ugu sarreeya Ahlu Sunna Waljameeca ayaa looga soo horjeestay  in ciidamo ka socda AMISOM iyo dowladda federaalka la geeyo Dhuusa-mareeb.

Qoraalka ayaa sidoo kale shaki lagu galiyay qabsoomida shirka dib-u-heshiisiinta Dhuusa-Mareeb, iyadoo lagu eedeeyay dowladda in ay qabsoomida shirka gacanta u galisay dad aan xog ogaal aheyn.

Sidoo kale Ahlusuna ayaa sheegtay inay dowladda Federaalka ay ka caga jiideyso fulinta dhammaan heshiisyadii iyo ballamihii ay la gashay Ahlusuna.

Shirkii Dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug ayaan wali ka furmin degmada Dhuus-Mareeb, waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu jiro khilaaf soo kala dhax-galay guddigii loo saaray qaban-qaabada shirka.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna Waljameeca :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]