4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2019
Madaxweynihii saddexaad oo goor dhaw looga dhawaaqay Kismaayo

 

Jimco, Augusto, 23, 2019 (HOL)- Afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa lagu soo waramayaa in garabka mucaaradka u doorteen in uu noqdo madaxweyne, taasoo ka dhigay in muddo Labo cisho gudahood ah Jubbaland yeelatay ilaa saddex madaxweyne

Marka laga soo tago doorashadii shalay ee Axmed Madoobe waxaa isna Kismaayo uga dhawaaqay in uu madaxweyne yahay Cabdirashiid Maxamuud Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulan magaalada Kismaayo ka dhacay ayeey taageerayaashiisa iyo waliba qaar ka mid ah musharixiintii Isbadal Doonka waxaa ay kaga dhawaaqeen in Cabdinaasir Seeraar yahay madaxweyne Jubbaland, waxaana muuqata in garabkii mucaaradka ee musharixiintii Isbadalka Doonka hadda labo garab u sii qeybsameen.

Kismaayo ayaa u muuqata in ay cagaha galisay khilaaf siyaasaded oo xoog leh, waxaana arintan u eg tahay sanadkii 2013 oo Jubbaland yeelatay ilaa shan Madaxweyne oo iskood isku caleemo saaray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]