Israel oo duqeysay goobo ku yaalla Iraq
Jimco, Augusto, 23, 2019 (HOL)-Israel ayaa fulisay ugu yaraan hal weerar oo ka dhan ah bakhaar hub oo ku yaalla dalka Iraq, waxaa sidaas weriyey wargeyska The New York Times.
Waxaa jiray qaraxyo dhowr ah oo bishan ka dhacay xerooyin lagu
tababaro ciidamo iyo bakhaaro hub, oo ay leeyihiin ciidamada sida
militariga u tababaran ee Xashad Al-Shacbi, oo ah maleeshiyo xulufo la
ah Iran.
Israel ayaa si joogto ah u beegsata bartilmaameedyo Iran ay ku
leedahay Syria, hase yeeshee inay ololoheeda ku ballaariso Iraq, ayaa
dhaawaceysa xiriirka Washington iyo Baghdad.
Sarkaal sirdoon oo Bariga Dhexe ku sugan ayaa sheegay in Israel ay
bishii tagtay duqeysay saldhig ku yaalla waqooyiga Baghdad, halka laba
sarkaal oo Mareykan ah ay sheegeen in Israel ay maalmihii dhowaa dhowr
jeer weerartay Baghdad.
Taliye ku-xigeenka kooxda Xashad Al-Shacbi, Abu Mehdi al-Muhandis oo
naceybkiisa ka dhanka ah Mareykanka ay hoggaamisay in lagu daro liiska
argagixisada, ayaa si aan gabasho lahayn ugu eedeeyey Washington inay
fulisay qaraxyada.
Hase yeeshee Faleh al-Fayyadh, oo ah madaxa rasmiga ah ee kooxda
Xashad, ayaa dib uga laabtay eedeyntaas, wuxuuna sheegay inay socdaan
baaritaanno.
VOA