4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2019
Madaxweynaha kooxda kubadda koleyga ee Toronto Raptors Masai Ujiri oo tababar siiyey 50 gabdhood oo ku nool Muqdisho


Jimco, Augusto, 23, 2019 (HOL)- Ciyaar-yahankii hore ee kubadda koleyga ee caanka  ahaa haatanna ah Madaxweynaha kooxda difaacaneysa horyaalka kubadda koleyga ee NBA-da ee Toronto Raptors, Masai Ujiri oo ay weheliyaan tababarayaasha kooxdiisa ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho maalintii khamiistii si ay u tababaraan gabdho Soomaaliyeed oo kubadda koleyga ciyaara.

Ujiri oo ku jirey safar uu ku marayey Afrika oo hoggaaminaya tababarayaal ka socda kooxda 'The Rafit of the team' ayaa tababar siinaya 50 gabdhood oo ay gacanta ku hayso xarunta Nabadda ee Elman.

Agaasimaha xarunta Nabadda Elman ,Ilwad Elman oo martigelisay  kooxda ayaa ku sheegtay barteedda twitter-ka in booqashada Ujiri iyo kooxdiisu ay dhiirri-gelin u tahay gabdhaha da'da yar ee kubbadda koleyga Soomaaliya inay noqdaan kuwa aad u wanaagsan.

"Farxad aad u badan, qosol iyo dhiirri-gelin dhab ah ayaa maanta ka dhex jirtay hablahan oo loo tababaray inay noqdaan kuwa wanaagsan," ayay tiri Ilwad oo ah Soomaali Canadian.

Wafdiga ayaa agabka tababarka iyo fannaanado ugu deeqay xarunta Nabadda ee Elman taas oo qayb ka ah taageeradooda ku aaddan kobcinta mustaqbalka kubadda koleyga Soomaaliya.

Hay’adda nabadda ee Elman ,waa hay'ad maxalli ah hormuud-na ka ah iney badasho magaca xun iyo wax-yabaaha khaldan ee adduunku ka aminsanyahay Soomaaliya. Markay duniddu ka warbixiso qaraxyada iyo weerarrada ka dhaca Soomaaliya.

Xarunta nabadda ee Elman  waxay dunidda u muujineysaa inay sheekooyin badan oo aan la tabin oo muujinaya in ay jiraan rajooyin  iyo fursad mustaqbal ifaya leh oo ay billow u tahay maalgashiga dhallinyarada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]