4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2019
Kenya oo War ka soo saartay Doorashada Jubbaland

 

Jimco, Augusto, 23, 2019 (HOL)- Dowladda Kenya ayaa War ay soo saartay waxaa ay ku bogaadisay dib u doorashada markii saddexaad madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] kaddib doorashadii shalay ka dhacday Kismaaayo.

Qoaralka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka loogu baaqayo  in ay la shaqeyso dowlad Goboleedka Jubaland, islamarkaana wixii ka  dhex-jira ee khilaaf ahna wadahadal lagu wada xaliyo laguna dhameeyo. 

Warkan ka soo baxay dowladda Kenya ayaa kusoo aadaya xilli  warbaahinta dalkaasi qaarkood ay horay u qorayeen in dowladda Kenya ay taageereyso in dib loo doorto Axmed Madoobe, iyada oo sidoo kale  doorashadii shalay ee Magalada Kismaayo ay dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inaysan aqoonsaneyn.

Kenya ayaa ka hor doorashada qoraal ay soo saartay waxaa ay uga digtay beesha caalamka in la fara-galiyo hannaanka doorashada loo waday, madaama wakiilada beesha caalamka marar badan oo hore ku cel celiyeen in la saxo qaladaadka jira si loo qabto doorasho la wada ogol yahay oo fursad siineysa dhamaan musharixiinta.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya :-

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]