4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2019
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo madaafiic isku weydaarsaday qeybo ka mid ah Shabeellaha Hoose

 

Jimco, Augusto, 23, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay qeybo ka mid ah gobolka madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta  u sheegy in  Al-Shabaaby weerar madaafiic ah ku qaadeen  saldhiga Ciidamada Dowladda lagu tababaro ee Balli-Doogle, islamarkaana ciidamadii halkaa ku sugnaa dhankooda ku jawaabeen madaafiic.

Sidoo kale waxaa ay wararku intaa ku darayaan in madaafiic laga maqlay saldhigyo kale oo ay ciidamada dowladda kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan kuwii dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.

Garoonka Balli-Doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa  waxaa ay Saraakiil Mareykan ah ku tababaraan Ciidamada Dowladda  Soomaaliya,waxaana dhowr mar weeraro madaafiic ah ku qaaday Al-Shabaab.

Gobolka Shabeellaha Hoose maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ka soconaya howlgalo militari oo ay wadeen ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaar ah u tababaray ee DANAB, kuwaa oo Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]