4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2019
Tahriibayaal Itoobiya u dhashay oo lagu dilay dulleedka Hargeysa

 

Jicmo, Augusto, 23, 2019 (HOL)-Labo Ruux oo Dumar ah oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromiya ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay dulleedka magaalada Hargeysa kaddib markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigii ay la socdeen.

Taliye Ku-xigeenka  Booliiska  Somaliland Sareeyo Guuto  Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in rasaaseyntaasi kaddib ay  sameeyeen howlgal ay ku soo qabteen dadkii ka dambeeyay dilka  tahriibayaasha u dhashay Itoobiya.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in dadkan oo ay baacsanayeen ciidamada ka hor inta aan la qaban ay gudaha u galleen guri aan ka fogeyn halka uu weerarku ka dhacay kaas oo laga helay markii ay ciidamadu gudaha u galeen ka badan 800 oo Liitar oo Qamri ah.

''Dableydan weerarka geysatay wey Sarqaan sanaayeen, guriga ay doonayeen in ay gabaadka ka dhigtaanna waxaa laga soo helay Qamri ka badan 800 oo Liitar, gaarigii ay wateen dableyda iyo kii ay Tabriibayaasha ku socdaalayeen labaduba hadda waxaa ay ku jiraan gacanta Laamaha Amniga '' ayuu yiri taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland.

Weerarka ayaa sidoo kale waxaa uu dhaawac ka soo gaaray qaar ka mid ah dadkii saarnaa gaariga oo la sheegay in dhamaantood ay ahaayeen Tariibayaal. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]