4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 31, 2016
Kooxaha Minnesota TC Stars iyo Banaadir (Toronto) oo isugu soo baxay ciyaarta Finalka


Sawirada waa Bakaro Beats, Toronto


TORONTO, July 31, 2016 (HOL)  - Kooxaha ku cayaaray magaca Minnesto TC Stars iyo Banaadir FC ayaa isugu soo baxay cayaarta kama dambeysta ah ee FINAL markii ay ka guuleystiin kooxaha kala ha Minnesota Tigers iyo Ottawa FC.

Cayaartaas ayaa la filayaa in ay  maanta oo Axad ah ka dhacdo garoonka Centineal Park Stadium ee magaalada Toronto.

Dhanka cayaartooyda cuslaatay ee odayaasha waxaa ku guuleystay kooxda k. cagta ee magaalada Boston ee dalka Mareykanka.

Garoonka ayaa waxaa maanta goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad  oo ururka TODAY ay ku martiqaadeen in uu ka soo qayb-galo munaasabadda SOMALIWEEK oo bilaabatay maalintii Axadda ee bishan July 24keedii, 2016

Waxaa maant la soo gabagabeyndoonaa SomaliWeek ee sannad waliba lagu qabto magaalada Toronto ee dalka Canada.

Photo by Bakaro Beats