4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 25, 2016
DAAWO MUUQAAL: Munaasabadii lagu Caleemo saaray UGAAS XASAN Ugaas Khaliif (SAWIRRO)


Isniin, July 25, 2016 (HOL) — Munaasabaddaan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay, lana oran karo waa middii ugu ballaarneyd oo Waaydii ugu Dambeeyay ee ka dhacda Dalka Somalia, ayaa lagu caleemmo-saaray Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Madasha Caleemmo-saarka, ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Saladdiintii ugu badnaa ee Soomaaliyeed, Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia, Siyaasiyiin, Aqoon-yahanno, iyo waxgarad isaga kala yimid qeybaha kala duwan ee dalka.

Ammniga goobta ayaa waxaa si weyn u adkeeyay ciidamada Dowladda FS iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

DAAWO: Munaasabadii Maanta lagu caleemo-saaray Ugaas Xasan Ugaas KhaliifKhubado kala duwan oo halkaas laga jeediyay ayaa bogaadin iyo Hambalyo loogu soo jeediyay Ugaas Xasan oo lagu Ammaanay Sida ay Salaaddiintu sheegeen Doorkii uu ka qaatay Mideynta Nulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Duubabkii dhaqanka ee ka qeyb-galay caleemmo-saarka ayaa ka kala yimid, deegaannada Soomaalida, sidda magaalada Muqdisho, gobollada Galguduud, Mudug, iyo deegaannada maamulka Soomaaliland, Puntland, Koonfur galbeed iyo Gobollada Jubbooyinka, sidoo kale waxaa Madasha ka Dhax-muuqday siyaasiyiin magac ku dhax leh bulshad Soomaalida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya