4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 30, 2015
Ciyaarihii Somali Week Toronot: Winsor iyo TMT Ohio oo soo gaaray Semi-final

Centennial Park Stadium, Toronto
Khamiis, Luuliyo 30, 2015

Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada si xiiso leh uga socda tartankii Somali Week 2015 oo ay soo qaban qaabisay uruka TODAY.

Tartankani oo gaba gabo ku dhow ayaa waxaa ciyaaraha semi-final isugu soo haray kooxda Seif oo la ciyaari doonta TMT Ohio iyo Windsor oo sugeysa Xiddigaha ama Banadir kooxdii soo badisa.

Ciyaarihii Quarter-finals ayaa kooxaha waxay ugaa badiyeen sida tan:

Kooxda TMT Ohio iyo Ottawa Stars ayaa daqiiqadihii ciyaarta loogu tala galay isla dhaafi waayey 1-1. Intaa kadib waxaa loo dhigay Rigooreyaal "Penalties". Rigooreyaashani ayaa waxaa ku guuleysatay kooxda TMT Ohio oo sidaasi ku timid Semi-final.

Ciyaartii kale ee Quarter-finals waxaa wada ciyaaray Hilac iyo Windsor, iyaguna sidoo kale 1-1 ayay isla dhaafi wayeen. Rigooreyaashiina waxaa ku guuleysatay kooxda Windsor.

Ciyaarta harsan ee Quarter-finals waxaa isaga hor imaan doonaa kooxda Xiddigaha iyo Banadir waxaana la ciyaari doonaa maalinta Jimcaha oo ay bishu tahay July 31, 2015.

W/D Mohamed Busuri
[email protected]
www.Xiddigaha.ca