4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
Israsaaseyn Maanta dhexmartay Ciidanka Col Barre Hiiraale & Markab dagaal

Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Iska-horimaad kooban ayaa maanta ku dhexmaray xeebaha gobolka Jubbada Hoose Markab dagaal iyo ciidammo taabacsan Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo saldhig ku leh deegaanka Goob-weyn oo ku dhow magaalada Kismaayo.

C/qaadir Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Col. Barre Hiiraale oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in is-rasaaseyntu ay socotay muddo hal saac ah, uuna markabku dib ugu laabtay badweynta.

“Markab dagaal oo aanan garanayn cid leh ayaa maanta yimid xeebaha ku dhow halka ay ciidamadeennu ku sugan yihiin, waxaana halkaas ka dhacay is-rasaaseyn hal saac socotay, mana jirto wax khasaare ah oo naga soo gaaray,” ayuu yiri C/qaadir.

Sidoo kale, sarkaalkan u hadlay ciidamada Barre Hiiraale ayaa xusay inuu ku billaabay markab rasaas ciidamadeenna, iyaguna ay rasaas ku jawaabteen, taa oo socotay muddo.

“Xoolo ay dhaqanayeen dad shacaba ah ayaa ku dhintay rasaastii markabku soo tuurayay, ciidamadeenna wax dhibaato ah oo gaaray ma jirto, innaguna ma garanayno khasaaraha markabka gaaray,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Waa markii ugu horreysay oo isku-dhac noocan oo kale ah uu Jubbada Hoose ku dhexmaro ciidammo ka amar-qaata Col. Barre Hiiraale iyo markab dagaal oo xeebaha Jubbada Hoose kusoo dhawaaday.

Lama oga dowladda iska leh markabka dagaal, laakiinse dhowr jeer ayaa xeebaha gobolka Jubbada Hoose lagu arkay maraakiib dagaal oo kusoo dhawaaday, iyagoo dib uga laabtay markii ay muddo ku sugnaayeen.

Dhanka kale, sarkaalkan u hadlay ciidanka Col. Hiiraale ayaa xusay in hoggaamiyahooda uu ku sugan yahay Muqdisho, isla markaana heshiiskii ay ula galeen maamulka Jubba iyo dowladda Somalia uu ka socon waayay dhinaca maamulka KMG ah ee Jubba.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda ma jiraan warar madax-bannaan oo iska-horimaadkan xaqiijinaya, waxaana ciidamada Col. Barre Hiiraale oo horay loo sheegay in kuwa dowladda lagu darayo ay weli ku sugan yihiin meel ku dhow magaalada Kismaayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya