4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
Baarlamaanka PL oo Ansixiyay xeerka guddiga KMG doorashooyinka Puntland


Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Golaha wakiilada Puntland ayaa cod oo gacan-taag ah ku meel-mariyay maanta xeerka guddiga KMG ah ee doorashooyinka  Puntland, iyadoo doodda arintan ay soo bilaabtay maalinimadii sabtida ee la soo dhaafay.

Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwanaa ansixinta xeerkan waxaana laga saaray qodobo la isku mari-waayay markii hore qodobbo ay ka mid yihiin; cidda looga dacwoonayo hadii mid ka mid ah guddiga doorashooyinka uu khalad ku kaco.

Waxaa xildhibaanadu ay isku raaceen in xubinti qalad gasha lala kaashan doona hay’adaha garsoorka isla markaana meesha laga saaray arinta ku aadan in madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali la hoos geeyo guddigan.

Guddoomiyaha  guddiga shuruucda barlamanka Puntland  Axmed Jaamac ayaa sheegay in sababta xeerkan loo ansixiyay ay tahay sidii gobolka ay ugu soo bixi lahayeen xisbiyo doorashada danbe u tartama.

Xeerkan maanta la meel-mariyay oo ka koobnaa 24-qodob ayaa cadeynaya habka guddigu u shaqeynayo, awoodaha ay leeyihiin iyo qaabka lagu soo xulanayo, waxaana goobta laga sheegay in xeerkan uu ansax yahay ka dib markii 45-xildhibaan ay u codeysay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]