4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
Dowladda oo sheegtay inay socdaan baaritaanno dhinaca Musuq-maasuqa ah

Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Hanti-dhowrka guud ee dalka, Nuur Faarax ayaa sheegay maanta inay jiraan wasiirro soo maray xukuumadihii ugu dambeeyay ee dalka oo lunsaday Hanti Qaran, kuwaasoo baabuur ay dowladdu leedahay ay ka mid yihiin.

Nuur Faarax ayaa sheegay in wasiirrada haysta Hantida Qaranku leeyahay lala xisaabtami doono haddii aysan soo celin. Inkastoo magacyada dadka uu sheegay inay hantida dowlada haystaan uusan sheegin.

“Waxaa jira baabuur ay dowladdu bixisay oo wasiirradii soo baxay dalka ay weli haystaan oo ay u kireysan tahay waana la xisaabtamaynaa haddii ay soo celin waayaan Hantida ay haystaan,” ayuu yiri Nuur Faarax.

Sidoo kale, Hanti-dhowraha guud ee Qaranka ayaa ugu baaqay xubnahaas in inta aan lasoo qaban ay si ay sharafi leh isaga soo celiyaa, maadaama aysan ahayn mid uu xaq u leeyahay, uusanna haysan karin.

“Cid walba oo hantida Qaranka haysata xalaal uma ahan waana xaaraan, marka intaan lagu soo qaban waa inaad si sharaf iyo diini ah isaga soo celisaa hantidaas, waayo ma haysan kartid wax aadan xaq u lahayn,” ayuu yiri Hanti-dhowraha guud ee Qaranka.

DHAGEYSO: Khudbadda Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka

Hanti-dhowrha guud ayaa intaas ku daray in qorshahoodu uusan ahayn wax kale, balse uu yahay in hantida Qaranka la diiwaan-geliyo lalana xisaabtamo cid walba oo mas’uul soo noqotay ama hadda mas’uuliyad haysa.

“Marka la yiraahdo ha lala isla xisaabtamo inay dhibsadaan madaxdii hore iyo kuwa hadda ma ahan. Ruuxii ogolaada inuu hantida Qaranka iska soo celiyo ma haysano innaga,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay canshuurta, isagoo xusay in dowladi aysan ku dhismi karin wax la siiyay, laakiinse ay u baahan tahay inay canshuur ka hesho shacabkeeda.

Hadalkan ayuu Hanti-dhowraha guud ee dalka ka sheegay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee la-dagaalanka musuq-maasuqa oo lagu qabtay Muqdisho, iyadoo Soomaaliya ay meelo hoose ka gashay dalalka uu ka jiro musuq-maasuqa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya