4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
DHUXULOW: Waa inaan dhallinyarada ka taageerno ka Qaybgalka Siyaasadda


Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Ku-simaha xilka wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay shirka warbaahinta calaamka oo ka dhacay Abuu Dhabi ku sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed gacan laga siiyo sidii ay siyaasadda dalka uga qayb-qaadan lahaayeen.

Dhuxuloow ayaa yiri. “Waxaan aad ugu faraxsanahay muhiimadda gaarka ah ee la siiyay warbaahinta marka ay timaado in lala dagaalo xag-jirnimada iyo argagaxisada. Waxaana muhiim ah in caalamku ka taageero Somalia dhinac walba si ay horumar ballaaran ugu tallaabsato. Sababta aan warbaainta xoogga u saareyno ayaa ah inaan ku guuleysano hanashada iyo kalsoonida shacabka oo muhiim u ah Soomaaliya; waayo marka ay shacabka aaminaan in dowladdu ay wax u qabaneyso ayaa la oran karaa waan hananay kalsoonida shacabka.”

Wasiirka xilka sii haya ayaa hadalkiisa ku daray. “Dal kaligiis lama dagaali karo fikirka xagjirnimada iyo argagaxisda, sabatuna waxay tahay in fikirku uusan lahayn xaduud. Soomaaliya wuxuu xiriir wanaagsan kala dhexeeyaa wadamo badan oo caalamka ah, kuwaasoo ay dani ugu jirto in Soomaaliya oo xasisha dimoqraadiyadina ay ka jirto.”

Ugu dambeyn, Dhuxuloow ayaa khudbaddiisa kusoo gunaanaday “Waan fahamsan-nahay ahmiyadda iyo muhiimadda dhallinyarada ay leeyihiin iyo sida loogu baahan yahay in wax loogu qabto. Waa inaan shaqo u abuurnaa dhallinyarada, waa inaan siinnaa waxbarasho tayo leh. Waana inaan ku dhiirri-gelinaa sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen siyaasadda dalka iyo dimuquraadiyeyntiisa.”

Somalia ayuu sheegay inay ka go’an tahay horumarinta warbaahinta gaarka loo leeyahay, iyadoo Dhuxuloow uu xusay inay ku dhiirri-gelinaa bulshada rayidka ah inay qayb ka qaataan horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya