4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
Sirdoonka Somalia oo soo bandhigay Xasan Xanafi oo Al-shabaab ka mid ahaa


Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Ciidamada nabad-sugidda iyo sir-doonka Somalia ayaa maanta kusoo bandhigay Muqdisho Xasan Xanafi oo ka tirsanaa xafiiska Al-shabaab u qaabilsan dhinaca warfaafinta, kaasoo bilooyin ka hor lagu qabtay dalka Kenya.

Saraakiisha nabadsugidda Qaranka ayaa sheegtay in sharciga la horgeynayo Xasan Xanafi, iyagoo sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilalka wariyeyaal dhowr ah oo lagu dilay Muqdisho sannadihii lasoo dhaafay.

“Xasan Xanafi wuxuu ka mid ahaa xubnaha Al-shabaab ee ka dambeeyeen dilalka tiro ka mid ah wariyeyaasha ka howlgali jiray Muqdisho, cadaaladda ayaan la hor-geyn doonaa,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha sir-doonka Soomaaliya.

Wariye ka tirsan idaacadda Radio Muqdisho ayaa sheegay inuu ku booqday Xasan Xanafi mid ka mid ah xabsiyada ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka Soomaaliya, inkastoo aanu sheegin xabsigaas.

“Markii aan xabsiga ku booqanayay wuxuu u muuqday qof iska caadi ah oo mararka qaar wuu dhoolla-caddeynayay, balse wuxuu tuhunsanaa inuu yahay qof dambiile ah,” ayuu yiri C/raxmaan Al-Cadaalla oo ka mid ah madaxda Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa arintan ka hadlay ururka Qaranka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo sheegay inay tani caddeyn u tahay in qof walba oo dambi gala gacanta lagu soo dhigi doono sharciga la horkeeni doono.

“Runtii waan soo dhweynaynaa qabashada Xanaf iyo soo bandhigidiisa, tani waxay cadeyn u tahay in cid walba oo dhibaatooyin u geysata suxufiyiinta Soomaaliyeed maalin uun la horkeeni doono sharciga,” ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo Radio Muqdisho la hadlay.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Xanafi Xaaji Maxamuud ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada sirdoonka Kenya dhowr bilood ka hor, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya soo bandhigto Xasan Xanafi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya