4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
Ururka suxufiyiinta PL oo Cambaareeyay Goodin loo jeediyay Weriye Ducaale


Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Ururka saxafiyiinta Puntland ee magaciisa loo soo gaabiyo MAP ayaa dhaliilay qaabka taliyaha booliska gobolka Nugaal Axmed Cabdulaahi Samatar (Layli) ula dhaqmey weriye ka tirsan Radio Garowe oo lagu magacaabo Cali Cabdi Ducaale.

Taliye Layli iyo ciidan uu wato ayaa wariyaha ugu tegey xarunta uu ka hawlgalo iyagoo ugu hanjabey in xabsiga loo taxaabi doono haddii  uu joojin waayo xad gudubka uu ku wado sharciga, waa sida taliyuhu hadalka u dhigaye.  

Weriye Cali DucaaleWeriye Cali Cabdi Ducaale oo Hiiraan Online uga waramay sida wax u dheceen ayaa sheegay in lagu qabsaday war uu baahiyey maalmo kahor kuna saabsanaa dibad-bax ay sameeyeen wadayaasha gaadiidka yarayr oo ka cabanayey cashuuro dheeri ah oo dowladdu kusoo rogtey.

" taliyuhu wuxuu igu qabsadey warkaas aan baahiyey, wuxuuna ii sheegay in warkaas horay loo mamnuucay baahintiisa dowladuna raali ka ahayn...waxan u sheegay in dadku xor u yihiin inay dareenkooda cabiraan, kadibna waxaa laygu hanjabey in lay xiri doono" Cali ayaa yiri.

Hanjabaadda taliyaha booliska gobolka Nugaal ayaa kusoo aadeysa xilli dhowaan dowladda Puntland ku amartay shirkadaha isgaarsiinta gaar ahaan Golis inay hawada ka saarto  qaar kamid ah shabakadaha wararka laga daalacdo ee Soomaalida.  Shabakadaha la xanibay waxaa kamid ah: Puntlandtoday.com, Puntlandnow.com, Puntlander.com, Galgalanews.com iyo Jidbale.com. 

Dhowaan magaalada Garoowe waxaa lagu xiray guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug kadib markii uu qabtay shir-saxaafadeed uu waxqabadka dowlada ku dhaliilay.  

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xilligii uu marashaxa ahaa waxyaabihii u ballan qaaday ay kamid ahayd dhowrista xuquuqda warbaahinta iyo weliba xoriyatul qowlka.  

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected] 
Puntland, Soomaaliya