4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
Ururka Soomaalida aan xuduudda lahayn oo looga dhawaaqay dalka Australia


Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Ururka la magac-baxay Soomaalida aan xuduudda lahayn ayaa looga dhawaaqay dalka Austalia, kaasoo ujeeddadiisu tahay sidii uu u mideyn lahaa Soomaalida wada-daggan, hadana kala degen dalka Austalia, kaasoo ay fikirkiisa lahaayeen dhallinyaro Soomaaliyeed.

Kulanka uu ururkan ku qabtay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa lagu sheegay inuu la-dagaalamayo qabyaaleysiga, isla markaana uu dadaal u galayo sidii Soomaalida ku nool dalkaas ay hal cod u yeelan lahaayeen.

“Ururkan waa urur Soomaaliyeed, inkastoo fikirkiisa uu qof ka yimid, hadana waa idinka kuwii meel-marin lahaa… Sababta nagu kalliftay inaan ururkaan sameyno waa innagoo eegayna danta guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo qaybsanaanteenna inay wax badan ku dhumayaan, taasna laga gudbo,” ayuu yiri C/qaadir Maxamed Cabtoosh oo ka mid ah dhallinyaradii ururkan aasaasay.

Sidoo kale, Sheekh Ciise oo ka mid ah culummada Australia ayaa ka hadlay dhibaatada uu qabiilku leeyahay, isagoo sheegay in qabiilku uu yahay mid ay dadku isku gartaan, balse uu leeyahay saameyn xun oo ah qabyaaleysiga taas ayaanu Islaamku la dagaalamayaa.

“Nebi Muxamed NNKH lama dagaalamin qabiilka, waana wax jira qabiil oo dadka ayaa isku garta, balse wuxuu la dagaalamay saameyntiisa xun ee ah qabiileysiga. Runtiina dhallinyarada ururkan sameeyay fikir fiican ayay keeneen, waxayse u baahan yihiin iyagana in tijaabo la geliyo,” ayuu yiri Sheekh Ciise.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia ku nool ayaa waxay leeyihiin ururro badan oo is-diiddan, taasna waa midda loo sababeeyo inay guulo ka gaari waayaan siyaasadda dalka ay ku nool yihiin, maadaama Soomaalida ku nool dalalka kale ee reer galbeedka ay ugu yaraan xubno ku leeyihiin golayaasha deegaanka dalalka ay ku nool yihiin.

“Ururro badan oo Soomaaliyeed ayaa ka jira magaalada Melbourne, balse urur shaqadiisu dibadda taallo oo bulshadu ay wada aragto ma jiro. Waana taas tan dhibaatada ugu weyn dhalaxsiisay Soomaalida dalkan ku nool,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Ciise.

Waa markii ugu horreysay oo urur noocan oo kale ah looga dhawaaqo dalka Australia, kaasoo fikirkiisa ay lahaayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool Austalia, kuwaasoo kala ah Maxamed Yuusuf Shuuriye iyo C/qaadir Maxamed Catoosh, kuwaasoo u soo bandhigay fikirkood aqoonyahan, culummada iyo Soomaalida dalkaas ku nool oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya