4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
Qaramada Midoobay oo ka hadashay la-dagaalanka Musuqmaasuqa Caalamka

Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa maanta oo 09 Dec, 2014 ah kuna began maalinta caalamiga ah ee la-dagaalanka musu-maasuqa waxay ku sheegtay in musuq-maasuqu uu yahay arrin muuqata oo ka jirta dunida kaasoo dhibaato ba’an u geysata dadka saboolka ah, curyaamisa kobaca dhalqaale ee ka dhexeeya dadka.

Waxaana QM ay warbixinteeda ku xustay in musuq-maasuqu yahay mid dib dhac ku keena adeegyada asaasiga ah sida lacagta aadka loogu baahan yahay.Malaayiin lacago ah ayuu mugdiga musuq-maasuqu saameeyay.  

“Annagoo sannadkan u dabaal-dagayna maalinta caalamiga ah ee la-dagaallanka musuq-maasuqa, waxaan mar kale ugu baaqeynaa dadka meel walba oo ay joogaan inay ka qayb-qaataan jaridda sil-siladaha musuq-maasuqa,” ayaa lagu yiri warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay. 

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in sannadka soo socda, caalamku uu isla meel dhigi doonaa jadwal-hawleed horumarineed oo dhaxalgal ah, kaasoo loogu talo-galay wixii ka dambeeya sannadka 2015-ka. jjeeddadeenu tahay in la xoojiyo shaqsiyaadka, lana dhiirri-geliyo xukuumadaha, ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ah sidii ay gacan uga geeysan lahaayeen in malaayiin qof laga saaro saboolnimada iyo in dadka dhammaantiis ay gaaraan barwaaqo iyo karaamo kawada dhexeeysa.

“Cirib-tirka musuq-maasuqa iyo saameyntiisa ayaa lagama maarmaan u ah fayo-qabka mustaqbalka,” ayaa warbixinta Qaramada Midoobay lagu yiri mar kale. Si loo burburiyo darbiyada dhaa-dheer ee musuq-maasuqa, waxaan ku boorrinayaa dal kasta inuu ansixiyo isla markaana hirgeliyo heshiiska QM ee cirib-tirka Musuq-maasuqa.

“Tallaabooyinka lagu guuleystay ee heshiiskan ee dhanka ka-hortagga, dambi ka-yeelidda, iskaashiga caalamiga ah iyo dib-u-soo celinta hantida ayaa laga gaaray guulo muhiim ah, laakiin waxaa jira wax kale oo badan oo ay tahay in laga hawlgalo,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Iyadoo intaas lagu daray. “Xafiisyada dowladaha ee adeegyada dadweynaha waa inay dhawraan hal-beegyada ugu sarreeya ee daacadnimada iyo sharafta, waana inay xaqiijiyaan in magacaabista jagooyinka ay noqdaan kuwo ku saleysan mudnaanta tayada, anshaxa, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka waa inay hagaan shaqaalaha dowladda iyo weliba madaxda la soo doortay.” 

Dhanka kale, ganacsiyada gaarka loo leeyahay ayaa la sheegay inay kaalin  muhim ah ka qaadan karaan dhaqan wanaagsan ee ganacsiga. Shirkadaha ganacsiga waxay tallaabooyinka ka-hortagga musuq-maasuqa u bedeli karaan taageero adag oo ku aaddan horumar dhaxalgal ah. 

Ugu dambeyn, warbixnta QM waxaa qof kasta ugu baaqaysaa inuu gacan ka geysto soo af-jaridda musuq-maasuqa iyo in loo midoobo lagana shaqeeyo cadaaladda iyo sinnaanta dunida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya