4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
Qoysas ka mid ahaa Qoxootigii Soomaaliyeed ee Kenya oo dib loo soo Celiyay
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Ku dhawaad 100 qoys oo kamid ah qaxootigii Soomaaliyeed ee mudada dheer ku noolaa dalka Kenya ayaa dib loo soo celiyay, iyadoo soo celinta qaxootigan ay iska kaashanayeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootoga (UNHCR), dowladda Kenya iyo maamulka Jubba.

Qaxootigan ayaa waxa ay shalay gelinkii danbe soo gaareen soohdinta ay dowladda Kenya la wadaagto Soomaaliya ee dhanka deegaanka Dhoobleey, waxaana dadkani soo daabulay basas iyadoo ay wehlinayeen qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay.

Xaflad lagu kala wareegayay qaxootiga ayaa lagu qabtay soohdinta labada dal ee duleedka Dhoobleey, waxaana halkaasi ka hadlay madax ka tirsan dowladda Kenya, kuwaasoo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in kadib mudo ka badan 24 sano ay maanta dib usoo celiyaan qaxootigii Soomaaliyeed ee ku noolaa Kenya, iyagoo sheegay in tallaabadani ay astaan u tahay nabadda kasoo iftiimeeyso Soomaaliya.

Wasiirka iskaashiga Caalamiga ah ee maamulka Jubba Mudane Max’ed Nuur Shambara oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay uga mahadcelinayaan mudada dheer ee ay martigelisay qaxootiga Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin in qaxootigu ay maanta dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Qoysaskan dib loogu soo celiyay Soomaaliya ayaa la geeyay deegaanka Dhoobleey, iyadoo aysan jirin goob loo diyaariyay oo ay dagaan.

Dhawaan ayaa wafdi ka socday hay’adad UNHCR oo soo gaaray magaalada Kismaayo waxa ay sheegeen in ay bilaabi doonaan dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya