4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
Wafdi ka Socday Britain oo Kismaayo Kula Kulmay Madaxda Maamulka Jubba


Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Wafdi ka socday dowladda UK islamarkaana uu horkacayay danjiraha dowladda UK  u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo wafdigani uu kulamo la qaatay wasiirro iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Jubba.

Wafdiga ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba.

Intaa kadib ayaa wafdigii ka socday dowladda UK waxa uu hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo kulan kula qaatay laamaha amniga maamulka Jubba iyo weliba xubno ka tirsan wasiirada, iyadoo kulankaasi ay dibad-joog ka ahayd saxaafadda.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyay wasiirka maaliyadda Maamulka Jubba, waxa uuna sheegay in madaxdii ka socotay dowladda UK ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa dhinacyada amniga iyo horumarinta deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubba.

Wasiirk arimaha bulshada maamulka Jubba Macalim Max’ed Ibraahim ayaa dhankiisa sheegay in dowladda UK ay hore barnaamijyo horumarineed uga fulisay Jubooyinka, waxa uuna xusay in ay isku afgarteen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Dowladda UK ayaa hore magaalada Kismaayo uga fulisay barnaamijyo horumarineed oo ay kamid tahay dib u dhis ay ku sameeysay garoonka kubadda cagta ee degmada Kismaayo.

............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.