3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 9 , 2014
DAAWO: Dowladda Somalia oo dib ula wareegtay maamulka Hawada Somalia












Click here
12/9/2014 11:34 AM EST
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Iska-horimaad kooban ayaa maanta ku dhexmaray xeebaha gobolka Jubbada Hoose Markab dagaal iyo ciidammo taabacsan Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo saldhig ku leh deegaanka Goob-weyn oo ku dhow magaalada Kismaayo.

12/9/2014 8:30 AM EST
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Golaha wakiilada Puntland ayaa cod oo gacan-taag ah ku meel-mariyay xeerka maanta guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland,iyadoo doodda arintan ay soo bilaabtay maalinimadii sabtida ee la soo dhaafay.

12/9/2014 7:50 AM EST
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Hanti-dhowrka guud ee dalka, Nuur Faarax ayaa sheegay maanta inay jiraan wasiirro soo maray xukuumadihii ugu dambeeyay ee dalka oo lunsaday Hanti Qaran, kuwaasoo baabuur ay dowladdu leedahay ay ka mid yihiin.

12/9/2014 7:32 AM EST
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Ku-simaha xilka wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay shirka warbaahinta calaamka oo ka dhacay Abuu Dhabi ku sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed gacan laga siiyo sidii ay siyaasadda dalka uga qayb-qaadan lahaayeen.

12/9/2014 6:55 AM EST
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Ciidamada nabad-sugidda iyo sir-doonka Somalia ayaa maanta kusoo bandhigay Muqdisho Xasan Xanafi oo ka tirsanaa xafiiska Al-shabaab u qaabilsan dhinaca warfaafinta, kaasoo bilooyin ka hor lagu qabtay dalka Kenya.

12/9/2014 4:09 AM EST
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Ururka saxafiyiinta Puntland ee magaciisa loo soo gaabiyo MAP ayaa dhaliilay qaabka taliyaha booliska gobolka Nugaal Axmed Cabdulaahi Samatar (Layli) ula dhaqmey weriye ka tirsan Radio Garowe oo lagu magacaabo Cali Cabdi Ducaale.

12/9/2014 3:29 AM EST
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Ururka la magac-baxay Soomaalida aan xuduudda lahayn ayaa looga dhawaaqay dalka Austalia, kaasoo ujeeddadiisu tahay sidii uu u mideyn lahaa Soomaalida wada-daggan, hadana kala degen dalka Austalia, kaasoo ay fikirkiisa lahaayeen dhallinyaro Soomaaliyeed.

12/9/2014 2:54 AM EST
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa maanta oo 09 Dec, 2014 ah kuna began maalinta caalamiga ah ee la-dagaalanka musu-maasuqa waxay ku sheegtay in musuq-maasuqu uu yahay arrin muuqata oo ka jirta dunida kaasoo dhibaato ba’an u geysata dadka saboolka ah, curyaamisa kobaca dhalqaale ee ka dhexeeya dadka.

12/9/2014 1:17 AM EST
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Ku dhawaad 100 qoys oo kamid ah qaxootigii Soomaaliyeed ee mudada dheer ku noolaa dalka Kenya ayaa dib loo soo celiyay, iyadoo soo celinta qaxootigan ay iska kaashanayeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootoga (UNHCR), dowladda Kenya iyo maamulka Jubba.

12/9/2014 1:02 AM EST
Talaado, December 09, 2014 (HOL) — Wafdi ka socday dowladda UK islamarkaana uu horkacayay danjiraha dowladda UK u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo wafdigani uu kulamo la qaatay wasiirro iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Jubba.