8/19/2025
Today from Hiiraan Online: Fateh’s mayoral bid energizes Somali diaspora in Minneapolis
Wararka Maanta- Talaado, Mar 6 , 2007
Ciidamadii ugu horeeyay ee Uganda ka socda oo Daqiiqado ka hor ka degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Talaado, March 06, 2007(HOL): Labo diyaaradood oo mid ka mid ah  ay waday Gawaarida Gaashaaman ee Ciidamada Uganda ayaa saakay ka degay garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

Labo Taangi oo lagu sheegay in ay yihiin kuwo aaney rasastu karin oo ay saaran yihiin dhowr toban askari oo ka tirsan Ciidamada ay Uganda u soo direyso Soomaaliya ayaa noqday ciidamadii ugu horeeyay ee Uganda ka socda ee saakay soo caga dhiga magaalada Muqdisho.

 

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ciidamadan ay ka soo degayaan ayaa waxaa haatan ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Saaraakiil Ciidan oo ka kala socda Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Uganda, iyo Hogaamiye kooxeedyadii hore.

 

Mas’uuliyiinta  garoonka ku sugan ee ka qeyb-qaadanaya soo dhaweynta Ciidamada Uganda waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle, Jen. Levi oo ah Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Uganda ee ka howlgelaya Soomaaliya, Jen. Maxamed Nuur Galaal, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

 

Ilaa iyo haatan lama shaacin inta ay tiro la egyihin ciidamada Uganda ka socda ee maanta imaanaya dalka Soomaaliya caasimaddiisa Muqdisho, hayeeshee waxaa soo bilaabatay daad-gureyntooda, iyadoo ay xusid mudan tahay in Qalabka culus ee Ciidamadan ay dhinaca Dekedda Muqdisho ka soo degayaan.

 

Ammaanka Waddooyinka gala garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana loo diiday dadweynuhu in ay u dhawaadaan garoonka oo tan iyo markii ay la wareegtay Dowladda Federaalka noqday mid aad u mashquulsan.

 

Wixii ku soo kordha Ciidamada Uganda ka socda ee Maanta ka soo degaya garoonka Diyaaradaha Muqdisho kala soco Website-kan Hiiraan Online

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia