Wararka Maanta Arboco - Sept 21, 2005










·
·
  Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maanta Geed Nabadeed ku abuuray Degmada Jowhar
  Golaha Horumarinta Nabadda oo maanta Seminaar u furay Odayaal Dhaqameedyo iyo Haween Soomaaliyeed












Machadka Nabadda Soomaaliyeed oo maanta xus weyn u sameeyay maalinta Nabadda Adduunka

Arbaco, September 21, 2005(HOL): Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimayay oo lagu maamuusayay maalinta Nabadda Adduunka ee 21-ka September ku beegan ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho, iyadoo xafladdaasina uu soo agaasimay Machadka Nabadda Soomaaliyeed (Somali Peace Institute).

Furitaankii xafladdan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Machadka Md. C/llaahi Maxamed Xasan (Black) oo sheegay in ay ayaan darro tahay in xuskan sanadkan ee maalinta Nabadda Adduunka uu ku soo beegmo iyadoo Dowladdii Federaalka Soomaaliyeed ee loogu talagalay in ay dadka dhibaatada ka bixiso ay iyadii kala qeybsan tahay, isla markaana uu jiro wel wel ku saabsan in iyadii dhexdeeda uu dagaal ka bilowdo.

C/llaahi Black waxaa uu sheegay in Machadkan Nabadda oo la aas aasay bishii July 2004 uu diyaariyay Bayaan Nabadeed oo la dhigay Hotellada, Dugsiyada iyo Jaamacadaha Waxbarashada Muqdisho si ay dadka u saxiixaan, iyadoo qorshuhuna yahay in ay saxiixaan dad toban kun oo ruux gaaraya.

Guddoomiyaha Machadka Nabadda Soomaaliyeed waxaa kale oo uu sheegay in Machadka Nabadda ay qorshaha ugu jirto in uu baahinta Nabadda ku gudbiyo qaab waxbarasheed, iyadoo dadka la siin doono waxbarasho, taasoo uu Machadka la kaashan doono Hay'ado kale oo caalami ah.

Sidoo kale wuxuu Md. C/llaahi Black madashii xafladda ka jeediyay dhambaal uu soo diray aas aasihii Machadka Nabadda oo haatan ku maqan dalka dibaddiisa Md. C/risaaq Shiikh Aadan, kaasi oo dhambaalkiisa uu isugu jiray hambalyo ku aadan xuska maalinta Nabadda Adduunka iyo weliba baaq uu u jeediyay xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu ka dalbaday in ay nabadda u hiiliyaan, isla markaana ay khilaafkooda ku xaliyaan qaab nabaddoonnimo ah.

Intaas kadib ayaa waxaa xafladdan ka hadlay mas'uuliyiin kala duwan oo ka socotay bulshada qeybaheeda kala duwan oo aan ka xusi karno Ururrada u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda, Duubab Dhaqan, xubno ka socday Dowladda Federaalka, Ardayda Dugsiyada Waxbarashada iyo weliba waalidiin.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hadal ka jeediyay munaasabaddan ayaa waxaa uu sheegay in noolaha ku nool adduunyada noocii ay doonaanba ha ahaadeenee ay u baahan yihiin nabadgelyo, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo dhowrista Nabadda. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas waxaa uu ugu baaqay xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee is-khilaafsan in ay dadka ka daayaan wel welka ay ku hayaan, isla markaana ay ka hortagaan in khilaafka u dhaxeeya uu u gudbo gacan ka hadal.

Waxaa xusid mudan in ay maamuuska maalinta Nabadda ka qeybgaleen Arday ka socotay Dugsiga Hoyga Xamar, kuwaasi oo muujiyay sida ay uga xun yihiin nabadgelyo la'aanta ka jirta dalka iyo sida ay ugu baahan yihiin in la soo celiyo sharcigii iyo kala dambeyntii.

Idman Cali Xasan oo ahayd gabar aan da'deeda ku qiyaasay toban sano, isla markaana la ii sheegay in ay tahay Ardayad wax ka barata Dugsiga Hoyga Xamar, Dibaddana laga keenay ayaa waxay jeedisay hadal aad u kiciyay dareenka intii dhegeysaneysay, waxayna Idman jeedisay baaq ku wajahnaa in ay Ardayda Soomaaliyeed doonayaan Nabad, Dowlad soo celisa sharcigii iyo kala dambeyntii, waana in la joojiyaa ayay tiri Idman wax kasta oo keeni kara colaad iyo dagaallo hor leh oo dalka ka dhaca.

Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo Guddoomiye ka ah Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa iyaduna jeedisay eraygeeda ku aadanaa maalinta Nabadda Adduunka, waxayna Maryan oo hadalkeeda aad u kululaa ay sheegtay in Soomaaliya ay weysay maamul wanaagsan, saab xiriiriye, sharci iyo kala dambeyn kadib markii la eryay dowladdii hore, “Caalamku maanta si nabadgelyo ah ayuu ku dabaaldegayaa laakin annagu waxba nalama ahan nabadda waayo maalin walba ayaa horteena dad lagu dilaa, lagu heystaa, gabdho lagu kufsadaa” ayay tiri Maryan Awreeye oo intaas ku sii dartay “shacabka Soomaaliyeed haatan waxaa la soo gudboonaatay cabsi, argagax iyo wel wel dagaal, anigu ma dhihi karo Soomaaliya nabad ayaa ka jirta, cid kastana taas wey ogtahay, mar walba oo labo tallaabo loo qaado dhinac nabadgelyada, hoggaamiyayaasha toban tallaabo ayay u qaadaan dhinaca nabadgelyo darrada, sidaas darteed waxaan caalamka ka codsanayaa aniga oo ku hadlaya magaca haweenka iyo caruurta in ay naga kaxeeyaa wadankan oo ay na geeyaan meel ka wanaagsan Soomaaliya oo aan ahayn meel lagu noolaan karo”.

Maryan Awreeye waxay sheegtay in Dadka Soomaaliyeed ay 15-kii sano ee ugu dambeeyay ay ku soo kifaaxeen kifaax kan ugu xun oo wax walba la isku sameeyay, waxayna tilmaantay in uusan haatan muuqanin jawi saamaxaya in laga baxo xaaladahaas qaraar ee ka dhashay sharci iyo kala dambeyn la'aanta ka jirta Soomaaliya.

Inj. Suudaan Cali Axmed oo la dhashay Halyeey Elman Cali Axmed oo la dilay isagoo nabad iyo nolol u raadinayay dadka Soomaaliyeed, isla markaana madax ka ah Hay'adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasabaddan, wuxuuna Suudaan yiri “waan ognahay in aysan nabad jirin balse niyadda ayaan ka oyneynaa, waxaana xuska maalintan ka qeybqaadaneynaa Inaga oo aan nabad heysan”.

Suudaan waxaa uu ka hadlay waxqabadkii walaalkiis Elman ee dhinaca nabadda wuxuuna xusay in Elman uu u geeriyooday halku dhig ahaa Qoriga Dhig, Qalinka qaado, isagoo weliba hub ka dhigis ku sameynayay maleeshiyooyin uu barayay xirfado kale oo uu ku shaqeystaan, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen gaadiid kaxeynta, farsamada korontada, cilad bixinta gaadiidka iyo kuwo kale.

Suudaan waxaa kale oo uu sheegay in ku dhaqanka Qabiilka uu meel xun ka gaaray Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan Koofurta dadka ku nool, wuxuuna tusaale u soo qaatay labo fannaan oo saaxibo ahaa oo hadana la isugu aaray (Nuur Cusmaan “Jeyte” iyo Qaasim Axmed Raage “Qaasim Qaxweyste”).

“Sida ay tiri walaasheey Maryan Awreeye caalamka kama codsaneyno in meel kale na geeyaan balse waxaan ka rabnaa in ay naga qabtaan hoggaamiyayaasha hor tagaan in aan nabaddii helno, isla markaana ay maxkamadeeyaan'ayuu yiri Inj. Suudaan oo sheegay in shacabka ay la dagaalami doonaan hoggaamiyayaasha hubeysan, “Kuwii aan Nabadda in ay soo celiyaan ka sugeynay waa kuwaas Jowhar iyo Muqdisho kala jooga”ayuuna yiri.

Xaliimo Caddow Cosoble oo ku hadleysay magaca hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dowlad kasta oo Soomaaliya loo soo dhiso laga soo hor jeedi jiray, balse ay dowladda haatan dhisan tahay mid iyadii iska soo horjeeda, “idinkuma jiro nin saqiir ah iyo nin aanan ninka kale aqoonin, waad is-taqaanaan ee isu tanaasula, Kooxdii SRRC la oran jiray iyada ayaa hadda dowladda ugu badan, waana is-yaqaanaan, waxaan leeyahay markii aad loolanka ku jirteen ee shirka socday waad is-rabteen ee hadda maxaad isku diideysaan”ayay tiri Xaliimo Caddow oo farriintaas u direysay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Xaliimo Caddow waxaa kale oo ay intaas ku dartay in haddii aan Qarannimo la helin aanan nabadgelyo la heli doonin, iyadoo intaas sii raacsatay in Aqoonyahannada ku dhex jira Dowladda Federaalka ee aan ka qeybqaadaneynin sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada khilaafka u dhaxeeyo ay ku dhex baabi'i doonaan, magac xumana ay ka dhaxli doonaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayay Xaliimo ku tilmaantay mid aan damiir lahayn oo aan danihiisa aqoonin, “War Shacabyahow jiifka ka kaca, oo banaanbaxyo ku muujiya dareenkiina nabaddoonnimo”ayayna tiri, iyadoo intaas ku dartay in xubnaha dowladda haddii ay ka joogi waayaan colaadaha ay abaabulayaan la arki doono wasiir aag dagaal yaala oo xabad haleeshay, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) ayaa isaguna qudbad aad u dheer ka jeediyay xuska munaasabaada Maalinta Nabadda Adduunka, wuxuuna Jinni Boqor sheegay in machadka soo qaban qaabiyay xuskaas uu yahay mid magac wanaagsan oo caalami ah heysta, isagoo ku gaabsaday in noolaha Adduunyada ku nool oo dhan uu u baahan yahay nabad.

Intaas kadib Jinni Boqor waxaa uu u galay qeyb kale oo ka mid ah qudbaddiisa, taasi oo uu ugu jawaabayay dadkii eedaha u soo jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee meesha ka hadlay, “Golayaasha Dowladda waa kala qeybsan yihiin, wixii na laga sugayay iyo hashii la rabay in ay dhasho oo caano laga maalo, isla markaana ay noqoto maati koris waa ay dhicistay, waa run waxa la inaga sheegayo, canaan-na waan mudan nahay, laakin shacabka Soomaaliyeed waa in uu noqdaa mid nool oo wax saxa, isla markaana ciddii gardaran uu gardarro saaro”ayuu yiri Jinni Boqor oo si u difaacayay xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan.

Jinni Boqor waxaa uu dhaliilay hadalkii uu dhawaan madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ka jeediyay New York, wuxuuna tilmaamay in madaxweynaha looga baahnaa in uu caalamka u jeediyo in si kale loogu gurmado dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, halkii uu ka dalban lahaa in laga qaado cunaqabeynta hubka.

“Taas micnaheedu waxaa weeye aan hub soo iibsado, isla markaana aan diyaaradihii Itoobiya iyo Maraakiib aan Badda keeno si ay dadka u laayaan, Itoobiyana waan ognahay waxay sida Virus-ka hergebka iyo kan Aids-ka u qeybisaa Rasaas waayo dalkeeda ayaa waxaa ku yaala warshaddii rasaasta sameyneysay”ayuu yiri Jinni Boqor oo intaas ku daray in aan UN-ka lagala hadlin dadka Soomaaliyeed ee jeelalka ku jira iyo kuwa Badaha ku dhamaanaya wax ka qabashadooda.

Jinni Boqor waxaa uu ka hadlay hadal mar walba loogu cel celiyo Dowladda Federaalka xubnaheeda oo ah in Shirkii labo sano loo fadhiyay Kenya aaney wax natiijo ah ka soo bixin, wuxuuna arrintaas mar uu ka hadlayay yiri “Caalamka wax uu ku dhameeyo seminaar 3 maalmood ah ayaan labo sano u fadhinay Kenya, wax kalena maaheyne talada annaga ma lahayn, shirkana cid kale ayaa wadatay, siyaasiyiintii wax kala tabaneysayna si toos ah uma aysan wada hadlin, hayeeshee waxaa ka soo baxay shirkaas oo ka dhashay Axdi KMG ah, Guddoomiye Baarlamaan, Madaxweyne iyo Xukuumad, mana la dhihi karo waxba kama soo bixin”.

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) wuxuu sheegay in markii nin kasta uu wax noqday uu bilaabay in uu la leexdo wixii uu Axdiga u fasaxayay, isla markaana uu yiraahdo waxaa soconaya waxa aan anigu doonayo, “Taasi waa wixii lagu eryay Dowladdii hore oo kali talis ahayd, waxaan qabaa haddii lagu dhaqmo 71-ka Qodob ee Axdiga KMG ah waa dhamaanayaa khilaafka u dhaxeeya Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee kala jooga Muqdisho iyo Jowhar, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisal Wasaaraha wixii loo soo doortay waxay ahayd in ay dadka isu doonaan oo ay dib u heshiisiin ka dhex bilaabaan, isla markaana ay xiix iyo maax ka dhigaan laakin nasiib darro taasi ma dhicin, dhaxalkeediina wuxuu noqday in dowladdii ay labo u kala jabto”ayuu mar kale yiri Xildhibaanka.

“Sanadkii inooga lumay Kenya ka hor haddii aan Xamar imaan lahayn oo aan ka howl bilaabi lahayn, isla markaana aan dhaqaalaha yarka ah ee aan helno aan dib ugu dhisi lahayn caasimadda Muqdisho waxay noqon lahayd sida Paris oo kale”ayuu mar kale yiri Jinni Boqor oo intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay ka soo daaleen dagaallo iyo colaad hor leh, isla markaana aysan Dowladda Federaalka ka rajeyneynin in ay dagaal dib ugu abuurto.

Jinni Boqor waxaa uu ka hadlay xumaha ku dhaqanka Qabiilka, inkastoo sida uu yiri haatan dadku ay ka sii korayaan adeegsigiisa, “Hadda haddii ay Qolayaha Jowhar iyo Balcad isku dhacaan waan hubaa in aaney Hoggaamiyayaasha Muqdisho ii dileynin sabab la xiriirta in aan C/llaahi Yuusuf isku reer nahay balse waa suurowdaa in wiil yar oo dhalinyaro ah uu arrintaas darteed ii dilo kadib marka loo sheego in aan Reerka ku soo duulay ka soo jeedo” ayuuna yiri Jinni Boqor.

Prof. Maxamed Nuur Shiikh Cali oo ka socday Hay'adda Cilmi Baarista iyo Wada tashiga CRD ayaa isna ka hadlay munaasabaddan, wuxuuna sheegay in nabad lagu heli karo dadka oo dhamaantood u ololeeya sidii lagu soo dabaali lahaa, iyagoo ka fogaanaya ku dhaqanka qabiilka, “qabiil marka aad tahay oo aad ku dhaqmeyso dadka waa ka soocan tahay balse haddii aadan qabiil u adeegeynin dadka waad u siman tahay”ayuu yiri Prof. Maxamed Nuur oo intaas ku daray in Nabadda iyo Dowladnimada aysan qiimo lahayn haddii aaney dadku Soomaalinimada iyo Islaannimada ku dhaqmeynin “Maanta haddii qof yiraahdo yaa tol ah waa la difaacayaa balse hadii uu yiraahdo yaa Muslim ah ma jirto qof u imaaneysa, marka arrintaas sow la yaab ma lahan”ayuuna Professorku weydiiyay dadkii dhegeysanayay.

Prof Maxamed Nuur waxaa uu dib u qooraansaday xiligii gobonimo-doonka iyo halgankii dhalinyaradii Leegada, wuxuuna carabka ku dhuftay in dhalinyaradaas ay ahaayeen kuwo Soomaalinimada ku weyn tahay oo aanu qabiilka wax macno ah u lahayn, “Dad baa iyagoo halgan Soomaalinimo-doon ah ku jira wadnuhu istaagay, marka anigu waxay ila tahay in Nabaddii iyo Dowladnimadii ay soo celin karaan dad Soomaalinimada ku weyn tahay sidii dhalinyaradaas oo kale”ayuuna yiri Professor Maxamed Nuur Shiikh Cali.

Dhanka kalena, Hotello dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho iyo goobo kale ayaa maanta lagu qabtay xus loo sameeyay Maalinta Nabadda Adduunka, iyadoo ay halkaasina ka hadleen mas'uuliyiin ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka iyo weliba kuwo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Col. Barre Hiiraale iyo Jen. Moorgan oo maanta isa saamaxay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Aawgeed

Arbaco, September 21, 2005(HOL): Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dejinta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa maanta dad badan oo u dabaal degayay xuska maalinta caalamiga ah ee nabadda waxay hortooda ka muujiyeen in ay iska saamaxeen colaaddii horay u dhexmartay, iyagoo haatana ku wada sugan magaalada Muqdisho.

Labadan mas’uul ayaa maanta waxay caddeeyeen in ay iska saamaxeen wixii xumaan ahaa ee horay u dhexmaray, iyagoo sheegay in ay yihiin siyaasiyiintii ugu dambeysay ee uu dhexmaray dagaal la sheegi karo, isla markaana ay haatan ka heshiiyeen dhibaatadii ka dhex dhacday, iyagoo dadka Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay nabadda jiritaankeeda adkeeyaan.

Dhanka kalena, Muuse Suudi Yalaxow ayaa maanta mar uu ka hadlayay munaasabaddan wuxuu eedeyn dusha uga tuuray Idaacadaha Muqdisho, wuxuuna ku eedeeyay inay yihiin kuwa wada fowdada dalka ka jirta, "Hal meel kaliya ayay nabad darrada ka socotaa waana Idaacadaha oo dadka balaayo sheeg hurdada uga kicinaya, waxaan ballanqaadeynaa in aan sameyno hal raadiye oo nabadda u hiilin doona"ayuuna yiri Muuse Suudi oo sheegay in ay Idaacadaha iska hor geeyaan dadka, iyagoo mararka qaarkood wareysta dadka isku kacsan siyaasad ahaan, taasina ay mararka qaar ka dhashaan wax aan fiicneyn.

Muuse Suudi waxaa uu sheegay in ay tahay maalinta nabadda mid mudan in la xusuusto, isagoo xaqiijiyay in ay ku dadaalayaan sugiddeeda, inkastoo uu walaac ka muujiyay Idaacadaha oo uu mar kale ku celiyay in ay lug jiidayaan sidii dadka isugu soo dhawaan lahaayeen.

Munaasabaddan oo ka dhaxday Hotelka Amiira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Cusmaan Cilmi Boqorre, Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo xubno kale oo ku dheeraaday ka hadalka qiimaha Nabadda.

Xildhibaanad Maryan Cariif oo ka hadashay munaasabadan ayaa sheegtay in xaalka ay ku jiraan xubnaha dowladda Federaalka Soomaaliyeed uu yahay mid aan u qalmin dadka Soomaaliyeed oo ku dhex jira dhibaatooyin noocyo kala duwan leh, sidaas darteedna xubnaha labada gole ee Muqdisho iyo Jowhar kala jooga looga baahan yahay in ay u tanaasulaan shacabka, "Anigu ma lihi xubnaha Jowhar jooga kuwa Xamar ha u tanaasulaano, Kuwa Xamarna kuwa Jowhar ha u tanaasulaano, balse waxaan leeyahay shacabka aan u tanaasulno"ayayna tiri Xildhibaanadda oo markaay intaas ay tiri uu u dhacay sacab aad u xooggan oo hadalkeeda lagu ayidayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maanta Geed Nabadeed ku abuuray Degmada Jowhar

Arbaco, September 21, 2005(HOL): Xaflad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee nabada, isla markaana ay soo diyaariyeen Ururrada COGWO,Women Care iyo urur haween ah oo ka dhisan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa maanta ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay hor joogeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.

Madaxweyne Yuusuf oo xafladdan qudbad ka jeediyay ayaa wuxuu kaga hadlay marxaladda uu haatan dalka ku sugan yahay iyo tii uu horay u soo maray, wuxuuna carrabka ku dhuftay madaxweynaha in Soomaaliya ay nabadgelyo darro wax badan ka bi’isay, isla markaana ay dhibaatadii dhacday ku taalo dadka Soomaaliyeed dhafoorkooda, isagoo taas ula jeeday bur burka dalka soo gaaray.

Madaxweyne Yuusuf waxaa uu sheegay in haddiiba la dhimanayo ay isaga la wanaagsan tahay in la dhinto iyadoo nabad jirayaal la yahay, "Nabadda dhalinteeda iyo meel marinteeda waxaa laga yaabaa in aynu u dhimanno"ayuuna yiri Madxweynaha oo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed sanadkan kiisa kale in ay xusaan iyagoo nabaddii oo dhab ah heysta.

Intaas kadib madaxweynaha wuxuu ku talaalay xarunta Women Care ee magaalada Jowhar Geed Nabadeed, kaasi oo uu ka codsaday dadka in ay waraabiyaan si uu u baxo, isagoo ka sii afeeftay in uu geedkaas haraad u dhinto, isla markaana la yiraahdo markii uu geedkan tallaalayay Madaxweynaha daacad kama ahayn iyo ereyo kale.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa kale oo uu sheegay in colaad aysan faa’iido lahayn, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo, isagoo tilmaamay in muhiimadda nabadda ay leedahay ay garan karaan dad dagaal soo arkay sida Soomaalida oo kale, "colaad dhafooradeyna ayay ka muuqataa, haddii ay kheyr leedahay Soomaaliya ayay ka muuqan lahayd, colaad wax bey bur burisaa, laakin haddii uu qof naftiisa u yaabo dantaa ku qasbeysa in uu is-difaaco, taasi micnaheedu ma ahan in uu dagaal hurinayo, isaguna duullaan yahay, hadde hadduusan is-difaacin qaar aan nabad rabin ayaa noloshiisa iyo jiritaankiisa bur burinaya"ayuuna mar kale yiri Madaxweynaha oo intaas ku sii daray in ay karti iyo raganimo tahay in ay u tagaan oo markaasina ay baryaan xubnaha ka soo horjeeda, inkastoo dadka qaarkiis ay taasi u arki karaan doqonnimo iyo daciifnimo.

Madaxweynaha intii uu hadlayay ma uusan soo hadal qaadin waxyaabihii uu kula soo kulmay dalka Mareykanka oo uu dhawaan ka soo laabtay, inkastoo la filayo in uu caawa ku faah faahiyo arrimaha socdaalkiisii Mareykanka xaflad ka dhici doonta xaruntii hore ee Xiriirka Shaqaalaha ee magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa xafladdan ka hadlay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, wuxuuna ku dheeraaday qiimaha ay nabadda u leedahay guud ahaan aadanaha iyo noole kasta, gaar ahaana shacabka Soomaaliyeed oo maanta baahi u qaba, isagoo carrabka ku adkeeyay in dadka looga baahan yahay in ay nabadda ku dadaalaan sidii loo soo celin lahaa, wuxuuna magaalada Jowhar oo xarun KMG u ah uu ku tilmaamay mid u qalanta in ay dowladda Federaalka degto, marka loo eego dhinaca ammaankeeda oo ka hagaagsan magaalooyin kale oo dalka ku yaala.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia







 




Golaha Horumarinta Nabadda oo maanta Seminaar u furay Odayaal Dhaqameedyo iyo Haween Soomaaliyeed

Arbaco, September 21, 2005(HOL): Golaha Horumarinta Nabadda Soomaaliyeed ayaa maanta Hotelka Bin Cali ee Degmada Yaaqshiid waxaa uu seminaar ku saabsan Dhalinta Nabadda iyo Horumarinteeda uga furmay 50 Oday Dhaqameed iyo 20 Haween ah oo la doonayo in ay dadka Nabadda gaarsiiyaan, iyagoo isticmaalaya awoodo gaar ah oo ay arrintaas meel marinteeda u leeyihiin.

Guddoomiyaha Golahan Md. Maxamed Cabdi Taakow ayaa saxafiyiinta u sheegay in ujeedada laga leeyahay semaarkan oo furitaankiisa lagu soo beegay maalinta Nabadda ay ahayd sidii Odayaal Dhaqameedyada loo bari lahaa sida ugu haboon ee ay dadka u gaarsiin karaan Nabadda bacdamaa ay yihiin Odayaal wax dhaqa.

Sidoo kalena Haweenka Seminaarkan ka qeybqaadanaya ayuu sheegay Guddoomiyaha in iyana loo doortay in ay nabadda gaarsiiyaan qoysaskooda, kadibna ay dadka intiisa kale ku sii baahiyaan, iyaga oo adeegsanaya qaabka deriseynta. Horayna seminaarro midkan oo kale ah ayuu Golahan u qabtay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo iyana la baray qaabkii ay Nabadda ugu faafin lahaayeen Degmooyinka ay ka taliyaan.

Md. Maxamed Cabdi Taakow kale oo uu sheegay in Golahoodu uu sidoo kale ku howlan yahay sidii uu dabagal ugu sameyn lahaa waxyaabihii sababay in ay bur buraan shirarkii horay Soomaalida loogu soo qabtay iyo waxa sabab u noqon kara in ay bur buraan mirihii ka soo baxay shirkii ugu dambeeyay ee mudada labada sano ka badan loo fadhiyay dalka Kenya.

Ugu dambeyntiina Golaha Horumarinta Nabadda Soomaaliyeed waxaa uu isna maanta ka qeybgqaatay xuska maalinta caalamiga ah ee Nabadda, iyadoo xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo maalintan lagu maamuusayayna lagu qabtay isla Hotelka Bin Cali ee Seminaarka uu ka furmay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia







 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online