Wararka Maanta Sabti -Sept10, 2005










  Lataliyaha khaaska ah ee Ra'iisulwasaare Ghedi ee arrimaha baarista iyo soosaaridda batroolka oo ku xiran xabsiga Oslo
·
·
·












Lataliyaha khaaska ah ee Ra'iisulwasaare Ghedi ee arrimaha baarista iyo soosaaridda batroolka oo ku xiran xabsiga Oslo.

Sabti, September 10, 2005(HOL) - Jariiradda maalinlaha ah ee aad loo qadariyo lana yiraahdo Dagsnaeringsliv "Business Daily" ee kasoo baxda magaalo madaxda Norway, Oslo, ayaa caddadkeedi; 197 ee soo baxay 27 August 2005 waxaa ku soo baxay maqaal cinwaankiisu ahaa marki ingriis lagu turjumo " The Oil Baron's Wild Ride" waxey uga hadleysey nin noorwiiji ah oo magaciisa layiraahdo Magne Adreas Meier oo boolisku xabsiga dhigeen sababo la xiriira dembiyo dhaqaale oo ey kamid yihiin 1) Sarrifid jeegag been abuur ah 2) U dirid BankGiro been abuur ah sharikado badan oo noorwiiji ah taas oo uu uga khiyaameeyey lacag malaayiin ah. iyo dembiyo kale oo khiyaamooyin iyo been abuurid la xiriira. Magaalkaa dheer ee ku saabsanaa Magne Andeas Meier waxaan kasoo qaadaneynaa inta Soomaalida ka khuseysa, waana sida hoos ku qoran:

Magne Andeas Meier sannado badan ayuu ku riyoonayey sidii uu kheyraadka qaaradda Afrika gacanta ugu dhigi lahaa, khaas ahaan batroolka, dahabka iyo dheemanka. Si uu riyadiisaas u meel mariyo wuxuu magaalada London ku asaasey billowgii desember 2002, sharicad uu ugu magac daray <<Inverse International ltd>> oo ey shirko ku noqdeen ganacsade Hindi ah oo, magaciisana la dhoho Rakesh Rajan degganna London. Maal gelinta ey ku sameeyeen sharikadda Inverse International waxey aheed £100 oo keli ah waxaana cinwaan looga dhigey guriga Rajan oo cinwaankiisu yahay Clarendons Garden ee London. Ujeedada sharikaddan laga lahaa waxey aheyd in gacanta lagu dhigo xuquuqda baarista iyo soosaaridda batroolka Afrika, ka gadaalna laga gado xuquuqdaas sharikadaha waaweyn ee batroolka ee caalamka.

Inverse International waxey u kacdey sidii gantaalki kadin markii labo todobaad asaaskeedi kedib wasiirka macdanta iyo tamarta ee Somaliland Mr. M. A. Farah uu ku dhawaaqey in uu heshiis ballaaran la galay Inverse International iyo Magne Andeas Meier, heshiiskaas oo ku wajahan baarista iyo soosaarka batroolka dhulka Somaliland. Wuxuu mudane Farax caddeeyey in sharikadihii hore ee u imaan jirey ey ahaayeen dallaaliin laakiin hadda ey heshiis la galeen "professionalki" oo Inverse International ey tahay shirkad weyn oo adduunka dacalladiisa batroolka kasoo saarta. Mr. Magne Meier Isna wuxuu ballan qaadey inuu doollar ku kharqin doono Somaliland oo uu faqrinimada ka saari doono, kana shaqeyndoono sidii dowlad loogu aqoonsan lahay.

Magne Meier iyo Saaxiibkii Rajan waxey kusoo laabteen London si ey u iibiyaan heshiiskii ey lasoo galeen Somaliland lakiin cid ka gadata wey waayeen. Madaxdi Somaliland marki ey wax hadal ah ama lacagihii uu ballanqaadey Mr. Meier ka waayeen wey kansaleen heshiiskii ey la galeen Inverse International ltd. Mr. Meier si uu xoogaa dhaqaale ah u soo saaro wuxuu billaabey in uu gado saamiyo ey laadahay sharikad been abuur ah ee uu ugu magac darey SUDACO oo uu leeyahay waa sharikadda batroolka ee dowladda Sudan oo private laga dhigayo, Arrinkaas oo dhaqsi u fashilmey isna. Heshiisyo kale oo ku wajahan xuquuqda baarista iyo soosaarka batroolka ee uu lasoo galey dowladda Mauritania iyagana waxba waa ka naaso caddaa waayeen.

Mr. Meier wuxuu ku soo laabtay Oslo markii irdihi oo dhan isasoo xireen, waxaase calafkiisi isbedeley marki uu la kulmey wiil dhallinyaro ah oo soomaaliyeed magaciisana layiraahdo Liibaan Cabdiraxmaan oo Oslo deggan. Liibaan wuxuu Norway degganaa muddo toban sano ah beryihii horena taxi ayuu wedi jirey haddana wuxuu ka ganacsadaa kaararka telefoonada ee dibedaha lagu waco. Liibaan oo ey isxigaan madaxweyne Cabdullahi Yusuf wuxuu ku riyoonayey inuu "General Consul" ama safiir Somalia uga noqdo Norway. Mr. Meier wuxuu u sheegey Liibaan inuu arrimahaas ka caawin karo oo uu jecelyahay Afrika, ganacsi badan iyo saaxiibo badan oo heersare ahna ku leeyahay qaaradda. Waxaa kale ee uu u sheegey inuu xuquuqda baarista iyo soosaaridda batroolka Somaliland isagu leeyahay. Waxaa kale ee uu u sheegey in qunsuliyadda soomaaliyeed uu ugu deeqayo xafiis, uuna aqoonsi uga raadindoono dowladda Norway oo uu saaxiibbo badan ku leeyahay. Waxaa kale ee uu ugu deeqay in si uu u caawiyo dowladda soomaaliyeed uu diyaar u yahay inuu lataliye u noqdo madaxdeeda.

Bishi May ee sannadkan ayey Mr. Liibaan iyo Mr. Meier u duuleen Nairobi si ey ula kulmaan madaxda Dowladda Fidraalka ah, waxaana gacmo furan kusoo dhaweeyey Ra'iisulwasaare Cali Maxamed Ghedi. Mudane Ghedi wuxuu isla maalinti ku xigtey soo saarey dekreetto uu Liibaan ugu magacaabayo qunsulka soomaaliyeed ee Norway, Mr. Meierna lataliyaha khaaska ah ee Ra'iisulwasaaraha ee arrimaha baarista iyo soosaarridda batroolka iyo macdanta.

Marki Mudane Liibaan iyo Mr. Meier ey Oslo kusoo laabteen waxey kulan la yeesheen wasaaradda arrimaha dibedda ee Norway si loogu aqoonsado Liibaan qunsulka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Norway. Wasaaradda arrinaha dibedda wey ka guddoontey waraaqihii magacaabista waxeyna u sheegtey in siyaasadda Norway ee Soomaaliya ku aaddan waqtigan ey tahay sug oo arag maaddaama dowladdii cusbeed kala qeybsanatay labo magaalana kala deggantahay oo aanu hadda qunsulka cusubi hawlgeli karin ee ey baxnaani doonaan bal sida xaal noqdo arrimaha Soomaaliya.

Mr. Meier wuxuu daabacdey business card uu ku qortey inuu yahay lataliyaha ra'iisulwasaaraha Soomaaliya iyo Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Norway. Sidii uu ballan qaadeyna wuxuu gurigiisa xafiis ka siiyey Liibaan. Kadib markii Mr. Meier isku deyey inuu sarrifto jeek been abuur ah oo qiimihiisu ahaay € 381 758;- ayaa billowgi August lagu xirey magaalada Oslo oo uu xabsiga weyn ku sugaa maxkamad. Liibaan waa laga saarey xafiiskii uu siiyey Mr. Meier, warqad uu wasaaradda arrimaha dibedda Norway u direyna wuxuu ku sheegey inuusan wax lug ah ku laheyn dembiyada lagu haysto saaxiibki Mr. Magne Andreas Meier oo uu isagu weli yahay qunsulka Somalia ee Norway.

>>Maqaalka aan intaas uga baxno<<

Faallo iyo digniin.

Waxaan hadda ka hor maqaal la magac baxay "Does Somalia Need OIL/Gold?" oo kusoo baxay HOL uga Hadley dhibaattooyinka uga imaan kara qaranka iyo ummadda soomaaliyeedba in xilligan laga baaro ama laga soo saaro batrool ama macdan kale dhulkeenna. Waxyaabaha aan ka digayey waxaa ka mid ahaa in qarankeennu dayacanyahay oo aanu hadda leheyn aqoontii iyo maamulkii uu ku dhacsan lahaa xaqqiisa, sharikado iyo dowlado naga awoodbadanna gacanta ku dhigi doonaan kheyraadkaas isaga ah. Sharikadahaas iyo dowladahaas shisheeye wexey isku deyi doonaan si ey ugu takrifalaan kheyraadkaas, iney sii daciifiyaan awoodda soomaalida oo ey laaluushaan hoggaamiye kooxeedyada kala deggan waddanka dacalladiisa si aan loo helin cid kula xisaabtanata kheyraadkaas. Waxaan ognahay in hoggaamiye kooxeedyadani ey iibinayaan hooyadi dhashey haddii loo gaaro qiimo fiican oo aney wax damiir iyo wadaninimo ah leheyn.

Waxaan ka digey in dagaalka sokeeye uu u gudbi doono heer gobol oo qabiilkasta meesha uu deggenyahay sheegandoono kheyraadka laga helo kana difaacandoono qabiillada kale. Waxaan ka digey in midnimadi iyo jiritaanki qaran soomaaliyeed meesha ka bixi doonaan, shacabka soomaaliyeedna aaney arki doonin munaafacaadka kheyraadkaas, balse ey usoo jiidi doonaan cuqubo iyo raffaad dheeraad ah.

Waxaan beryahan maqalnaa dawladda fidraalka garabkeeda Jowhar oo ku casuumaya caalamka iney iyaga kalasoo xiriiraan wax alla wixii ku saabsan baaritaanka iyo soo saaridda batroolka iyo ineey arrimahaas durba isku maandhaafsan yihiin maamulgoboleedka Puntland oo iyagu heshiisyo lagaley sharikado shisheeye eney baaraan gobolkaas. Waxaa hubaal ah in adduunku tuhun weyn ka qabo in Soomaaliya ey ku fadhiso batrool aad u farabadan, dowlado badan iyo sharikado badanna ey u faro jimicsanaayaan sidii mar un ey gacanta ugu dhigi lahaayeen batroolkaas oo aan ugnahay halka ey mareyso baahida dunidu u qabto maanta.

Waxgaradka soomaaliyeedow hadhow ha dhihina nalooma digin.
Maxamed Faarax Xuseen,
Xubin ka tirsan maamulka sare ee waaxda cilmibaarista dhaqaalaha,
Hey'adda tirokoobka ee Noorweey (Statistics Norway).
E-mail: mrashid114@hotmail.com






 




Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan oo ku eedeeyay Midowga Afrika in uu la safan yahay Xubnaha Dowladda ee Jowhar ku sugan

Sabti, September 10, 2005(HOL): Xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan oo maanta shir ku yeeshay Hotelka Saxafi ayaa gunaanadkii shirkooda waxay soo saareen hadal saxaafadeed ay ku cambaareynayaan Miwoga Afrika oo ay sheegeen in uusan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka u dhaxeeya xubnaha Dowladda Federaalka, isla markaana waxay qireen in uu la safan yahay xubnaha Dowladda ee Jowhar ku sugan.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo saxafiyiinta la hadlayay shirkaas kadb ayaa wuxuu sheegay in shirkooda ay ku cambaareeyeen Midowga Afrika, isagoo xusay in eedeyntooda ay timid kadib dulqaad ay in muddo ah sameynayeen, isagoo tilmaamay in haatan wixii ka dambeeya ay soo bandhigi doonaan qaladaadka uu gelayo Midowga Afrika oo sida ay yiraahdeen hiilada uu u sameynayo xubnaha dowladda ee Jowhar ku sugan ay noqoneyso mid sii fogeyneysa xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya dhinacyada Dowladda Federaalka.

Md. Dhaqane waxaa uu sheegay in Midowga Afrika uu tan iyo 10-kii May uu soo waday tallaabooyin ka dhan ah xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna si gaar ah u xusay in uu soo dhaweeyay natiijo ka soo baxday kulan uusan guddoomin guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan, kaasi oo lagu dalbayay in ciidamo aan la kala soocin loo diro Soomaaliya, isagoo intaas ku sii daray in Midowga Afrika uu mar kale si diblumaasiyadeed u taageeray xubnaha labada gole ee Jowhar ku sugan kadib markii uu Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay u gudbiyay dalab ku saabsanaa in Ciidamo la geeyo Soomaaliya, balse taasi wuxuu sheegay in uu diiday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay u mahadceliyeen.

Shirkii maanta ay isugu yimaadeen xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan oo ay ka qeybgaleen in ka badan 70 Mudane, isla markaana uu shir guddoominayay Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday todobaadkii hore gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Bay iyo Bakool iyo Banaadir kadib markii ciidamo aad u tiro badan oo ka yimid deegaano ka tirsan Puntland la geeyay meelo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe , inkastoo shirkii maanta ay ka maqnaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Maxamed Caydiid, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xildhibaan Cusmaan Caato iyo Wasiirka Amniga Qaranka Xildhibaan Maxamed Qanyare oo isagu maanta dalka dib ugu soo laabanayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia





 




Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay shaqaalaheeda dib ugu celiso Jowhar iyo UN-ka oo arrintaas soo dhaweynaya

Sabti, September 10, 2005(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday Shaqaalihii u shaqeynayay Qaramada Midoobay ee horay uga baxay magaalada Jowhar in ay dib ugu laabtaan xafiisyadoodii, iyadoo Qaramada Midoobay loo sheegay in ciidamada ay ka baqeen ee meelo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe la dejiyay ay yihiin kuwo lagu xoojinayo ammaanka oo aan dagaal u socon.

Ilaa 13 shaqaale ah oo ka howlgelayay xafiisyo UN-ka ku leeyahay magaalada Jowhar ayaa Khamiistii loo duuliyay magaalada Nairobi iyo Magaalada Waajid ee gobolka Bakool kadib markii laga cabsaday in ay saameeyaan dagaallo dhexmara garabyada iska soo horjeeda ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa beeniyay warar horay u soo baxay oo sheegayay in maleeshiyooyin Arbacadii la geeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ay yihiin kuwo lagu weerarayo meelo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay shaqaalihii UN-ka in ay dib ugu noqdaan Jowhar, “waxaan idiin xaqiijinayaa in aaney jiri doonin wax weerar ah oo ay ciidamadaas qaadayaan, ujeedada loo keenayna kaliya waa mid nabadgelyo sugid ah”ayuuna yiri Wasiirka oo intaas ku daray “Aad baan uga xunnahay in shaqaalihii UN-ka ay baxaan, hayeeshee waxaan ugu baaqeynaa in ay soo noqdaan”.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador Francois Lonseny Fall ayaa Khamiistii sheegay in uu aad uga wel welsan yahay xiisadda ka dhex oogantay dhinacyada dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, isagoo ugu baaqay dhinacyadaas in aysan xaaladda faraha ka bixin isla markaana ay xadeeyaan dhaqdhaqaaqyadooda, tiyoo weliba uu sii xusuusiyay in aan tallaabo Mileteri lagu xalin karin khilaafka u dhaxeeya.

Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Maxamed Qanyare Afrax ayaa isagoo u waramayay todobaadkii hore Jariidada East African Standard ee Kenya ka soo baxda waxaa uu ku eedeeyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi in ay jebiyeen Axdiga KMG ah ee lagu soo heshiiyay, kaasi oo sida uu yiri dhigaya in la sii wado dib u heshiisiinta, isagoo caddeeyay in ay mas'uuliyiintaas dhulka ku sii daayeen Soomaaliyeed.

Dhanka kalena, Qaramada Midoobay oo shaqaalaheedii horay uga baxsatay magaalada Jowhar ayaa waxay u muuqataa mid u dhego nuglaaneysa baaqa ka soo yeeraya dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ah in ay dib u soo celiso shaqaalaheeda, iyadoo ku dhawaaqday in ay sii wadeyso howlihii ay ka waday Soomaaliya.

Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in sababtii ay u daadgureeyeen shaqaalahooda ay ahayd arrin dhinaca ammaanka la xiriirtay, wuxuuse tilmaamay in tallaabada ay qaadeen ay ahay mid KMG ah.

Shaqaale la bixista ay sameysay Qaramada Midoobaya ayaa timid kadib markii xubnaha labada gole ee Magaalada Muqdisho ku sugan ay soo saareen warsaxaafadeed ay digniin ugu jeedinayeen Hay'adaha Samafalka iyo Shirkadaha Diyaaradaha ee ka howlgala magaalada Jowhar, iyagoo digniintoodaasna la xiriiriyay in ay deegaanadaas xiisad colaadeed ka jirto.

Laakin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay u waramayay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay in aysan noqon mid rumeysata sida uu yiri tahdiidka iyo borobogaanka laga faafinayo ee ah in xiisad colaadeed jirto, “Qaramada Midoobay haddii ay rumeystaan tahdiidka iyo borbogaanka la faafinayo annagu qasbi meyno, xorna weeye, waxaanse xusuusineynaa in laga doonayo in ay noqdaan dad mabda' leh oo aan iska baxeynin xiligii ay doonaan sabab la'aan, hadana iska soo laabanaya”ayuuna yiri Madaxweynaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia







 




Qaramada Midoobay oo Maraakiibta Caalamka ugu baaqday in ay isha ku hayaan Doomaha Badda ku daadiya Tahriibayaasha Soomaaliyeed

Sabti, September 10, 2005(HOL): Dhimashada sii kordheysa ee ka taagan Badda Cas ayaa waxay ku xambaartay Qaramada Midoobay in ay soo saarto baaq ay ku dalbaneyso in lagu hor istaago dadka rajo dhigga jooga ee isaga tallaabaya Badaha Soomaaliya iyo Yemen iyagoo saaran Doomo qariban oo aan hagaagsaneyn.

Hay'add Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dunida iminka aysan gacmaheeda ka laaban doonin dhibaatada tahriibka Soomaalida, iyadoo boqolaal ama kumaan kun oo Soomaali ah ay noloshooda qatar ku galayaan gacmaha kooxo leh doonyo qaraab ah oo arxan daran.

Sarkaal u hadlay UNHCR oo lagu magacaabo António Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay culeys ku saaraan maamulka Puntland in ay joojiyaan tahriibayaasha badda ku dhamaada ee mar kasta ka baxa xeebaha Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Mr. António Guterres waxaa uu intaas ku daray in ay sidoo kale ugu baaqayaan Maraakiibta Caalamka in ay isha ku hayaan doomaha wada dadka tahriibayaasha ah, kuwaasi oo iyagoo ogsoon u bareeraya qatar aaney ka soo noqoneynin, isagoo sidoo kalena carrabka ku dhuftay in ay ugu baaqayaan dowladaha Gobolka in ay intii karaankooda ah gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa tahriibayasha ka taga Badweynta Hindiya ee u gudba Badda Cas.

Maalintii Khamiista ee todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii markab ganacsi oo laga leeyahay wadanka Denmark uu badbaadiyay 39 ruux oo Soomaali ah oo mudo bil ah ku saxriirsanaa Xeebaha Waqooyi ee Wwadanka Jabuuti. Hay'adda UNHCR ayaa waxa ay amaan u jeedisay shaqaalaha markabkaasi oo ay ku amaantay naxariista ay u muujiyeen dadka tahriibayaasha ahaa, iyagoo raacay Sharciga Caalamiga ah ee Qaxootiga u yaala.

Dad lagu qiyaasay 150 ruux ayaa ku dhintay gacanka Cadmeed seddexdii Asbuuc ee la soo dhaafay sida ay ku warbixisay UNHCR. Dadkaas 75 ka mid ah iyagoo nool ayaa lagu qasbay in ay biyaha Badda isku tuuraan, waxaana kaliya meydkooda la helay 25 ruux, Halka 39 kale oo dadkaasi ka mid ah iyo doontoodiina uu badbaadiyay Markab laga leeyahay dalka Denmark, inkastoo mid ka mid ah dadkaas uu geeriyooday ka hor intii aan la daweyn lala gaarin.

Dhacdadii ugu dambeysayna waxay dhacday Jimcadii kadib markii ay ciidamada ilaalada Yemen heleen labo doomood oo siday dad tahriibayay, kuwaasi oo tiradooda dhameyd 120 ruux. Toban qofood oo dadkaas ka mid ah waxaa laga helay qeybta Matoorka ee Doonta, labo kalena waxaa la ogaaday in ay Meyd yihiin kadib markii xeebta la geeyay, iyadoo 13 kalena ay horay u dhinteen intii ay doonta tahriibka dheer ku jirtay, waxaana meydka dadkaas lagu tuuray Badda kadib markii ay dadka nool ee doonta ku soo haray ay door bideen in ay culeyska iska kala yareeyaan.

Sida ku xusan warbixinta ay soo saartay UNHCR dad aad u badan oo tahriibayaal ah ayaa sanad kasta ku dhinta Badda Gacanka Cadmeen, kuwaasi oo meelo ay ka mid tahay magaalada Boosaaso ee gobolka Waqooyi Bari Soomaaliya ka raaca doomo aan hagaagsaneyn, iyadoo dadkaasina aalaaba ay baxaan xili ay cimilada degan yihiin oo ku aadan inta u dhaxeysa bilaha September iyo March.

Si kastaba arrinta ha ahaatee, Dadkaas halista Badda ku dhex tahriibaya ayaa waxay ka ordayaan Nabadgelyo darro ka jirta meelaha ay ka tagaan iyo weliba shaqo la'aan la soo deristay, waxayna noqdaan dadkaas kuwo ay baddu liqdo oo aan dib loo arag iyo kuwo badbaada oo gala xerooyin Xaqooti oo ku yaala dalka Yemen, kuwaasi oo ay gacanta ku heyso Hay'adda UNHCR.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2005 Hiiraan Online