Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in haddii ay guuldareysato Dowladdiisa ay Soomaaliya noqon doonto hoyga Argagixisada    


Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed

Axad, September 04, 2005(HOL): “Waan jeclahay Britain”, Madaxweynaha Soomaaliya oo horay qab qable dagaal u ahaa ayaa sidaas igu yiri, “xaqiiqdii qeyb iga mid ah ayaa British ah” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Yuusuf isagoo taabanayay calooshiisa, wuxuuna ii sheegay in magaalada London lagula tallaalay beer wiil 27 sano jir ah oo Ingiriis ahaa. Hadalkan waxaa lagu lagu daabacay Jariidada the Telegraph ee ka soo baxday dalka Ingiriiska, iyadoo warbixinta warkanna uu jariidada ku dhigay Wariye madaxweynaha wareystay.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in haddii ay guuldareysato dowladdiisa kadib marka ay beesha caalamka taageeri weyso uu dalka Soomaaliya noqon doono mid guuldareystay, caasimaddiisana sida uu yiri waxay noqon doonaa mid gacanta u gasha kooxo Islaamiyiin xag jirro ah, kuwaasi oo weeraradooda argagixiso u gudbin doona dalalka gobolka iyo guud ahaan caalamka.

“Haddii aan guuldareysanno Soomaaliya waxay noqon doontaa guriga argagixisada iyo Islaamiyiin xag jirro ah”ayuu yiri madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo Dowladdiisa ay ka dhalatay wada hadallo muddo sanado ah loo fadhiyay dalka Kenya. “laakin annagu lacag ma heysanno, waa in aan ku tiirsanaanaa wadamada Reer galbeedka, kuwaasi oo aanan garaneynin waxa ay sameynayaan”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha

Wariyaha warbixinta ka qoray madaxweyne Yuusuf iyo Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda madaxweyne Yuusuf oo la helay kadib 14 shir nabadeed oo Soomaaliya loo qabtay ay tahay mid ka baqeysa in ay tagto magaalada Muqdisho sabab la xiriirta in ay argagixiso joogto, waa sida uu Madaxweynaha u sheegaye.

Ilaa Nus Malyuun dad ah ayaa dhintay mudadii 14 sano ahayd ee ay colaadaha, cudurada loo dhinto iyo macluulaha ka jireen dalka Soomaaliya, inkastoo mudadaas ay kaalmooyin ka heli jireen dadka Soomaaliyeed Dowlado reer Galbeed ah oo ay Britain ugu horeyso.

Sanadkii 1995-kii waxaa bur buray isku day ay beesha caalamka ku dooneysay in ay ku badbaadiso dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo xiligaas ku jiray xaalad bani'aadannimo oo aad u adkeyd, howlgalkaas oo ahaa mid rajo soo celin ahna wuxuu istaagay kadib markii dadkii la badbaadinayay ee shacabka ahaa ay rasaaseyn ku bilaabeen dadkii u soo gurmaday.

Maanta, Xoogagga reer Galbeedku kuma dhacaan in ay cagta dhigaan Soomaaliya, taasina waxaa ugu wacan iyagoo baqdin ka qaba waxyeelo ka soo gaarta kooxo mintidiin islaamiyiin ah iyo kuwo argagixiso ah oo la sheego in ay Soomaaliya joogaan, sababtaas darteed ayaana dalka Soomaaliya la deriska ah ee Jabuuti loo geeyay ilaa 1,800 oo ciidamo Mareykan ah, kuwaasi oo howsha ay qabanayaan lagu sheegay in ay tahay mid argagixiso la dirir ah.

Cadawga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxay sheegaan in C/llaahi Yuusuf uu ciidamo ku ilaaliya kursigiisa kala yimid dalka Itoobiya oo Soomaaliyana ay cadaawad kala dhaxeyso, hayeeshee madaxweynuhu wuxuu sheegay in uusan jirin wararkaas laga faafiyay, laakin wariyaha warbixintan diyaariyay ayaa sheegay in uu deegaanka Waajid oo u dhow xuduudka Ogaadeeniya uu ku arkay Saraakiil Itoobiyaan ah oo tababaraya Ciidamo Qaran Soomaaliyeed oo cusub.

Si aan u xaqiijino sheegashooyinka madaxweynaha ee ah in magaalada Muqdisho ay joogaan kooxo Islaamiyiin mintid ah waxaan tagnay Muqdisho annaga oo ahayn kooxdii ugu horeysay oo saxafiyiin ajnabi ah oo halkaas booqata tan iyo markii Febraayo sanadkan lagu toogtay magaalada Muqdisho barnaamij soo saare u shaqeyneysay BBC-da oo lagu magacaabi jiray Kate Peyton.

Dowladda C/llaahi Yuusuf waa ay kala qeybsan tahay sababtaas darteed ayayna Kate Peyton ku tagtay magaalada Muqdisho iyadoo casuumaad ka heshay siyaasiyiin u sheegay in ay magaalada Muqdisho tahay mid ammaan ah. Dhawaan waxaa Muqdisho weliba xaaskiisa hortiisa lagu dilay C/qaadir Yaxye oo u ololeynayay Nabadda, kaasi oo aan saaxibo isku dheer ahayn.

Shiikh Xasan Daahir Aweys

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culumaa'udiinka ka tirsan urur diimeedka Al-Itixaad Al-Islaami ayaa sheegay in Mareykanku ay ugu eedeysan yihiin in ay yihiin Al-Qaacidada Geeska Afrika, iyadoo horayna loogu daray liis uu Mareykanku soo saaray kadib qaraxyadii 11-kii September 2001 lagu bur buriyay Daarihii Mataanaha ahaa ee Twin Towers-ka, iyadoo kooxo kale oo sirdoonno ahna ay la xiriiriyeen diyaaradihii Helocopters-ka ahaa ee Muqdisho looga soo riday Mareykanka intii uu socday Dagaalkii 1993-kii dhexmaray ciidamadii Unosomo iyo Xoogaggii uu hoggaaminayay Marxuum Jen. Caydiid.

“Ma tahay Argagixiye” ayuu Wariyaha weydiiyay Sheekha, wuxuuna Sheekhu ku jawaabay “Anigu ma ahi dembiile, waxaan ahay siyaasi”ayuuna ku gaabsaday Sheekha oo sida wariyuhu soo qoray intaas ku daray in Ururka Al-Itixaad Al-Islaami uu la mid yahay Ururrada Xamaas iyo FIS oo ka kala dhisan Dalalka Palestine iyo Aljeria. “weligeen nagulama helin dembi aan ka galnay reer galbeedka, sidaasoo ay tahay Reer Galbeedku waxay nagu dhejiyaan in aan argagixiso nahay, wax kalena ma ahan waxay ka baqayaan oo ay ogyihiin in wadan dhan ku qabsan karno mabaadii'da aan rumeysannahay.

“Maalin walba waxaa na dul heehaabaya diyaaradaha Mareykanku leeyahay oo ay ka mid tahay tan loo yaqaano AC130, kuwaasi oo raadinaya wax aan la ogeyn”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo ka mid ah culumaa'udiinka sida weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya isla markaana darajada Clonel ka gaaray dhinaca ciidamada mileteriga.

Shiikh Xasan waxaa uu si cad ugu sheegay wariyihii wareysanayay in uu doonayo in uu dalka Soomaaliya ka abaabulo dowlad Islaami ah, “Ujeedkeygu waa in aan dalka Soomaaliya ka hirgelino dowlad Islaami ah, kadibna wadamada kale ee gobolka ilaa Adduunka oo dhan”ayuu yiri Shiikh Xasan oo carrabka ku dhejiyay in ay damacaasi ku fulin doonaan si jihaad ah iyo si nabadgeliyo oo aan wax dhiig ah ku daadanin.

Sirdoonka Reer Galbeedka ayaa waxay sheegaan in ay Soomaaliya ku dhuuntaan argagixiyayaal ajnabi ah, hayeeshee sheegashooyinkaas wuu beeniyay Shiikh Xasan Daahir Aweys, wuxuuna sheegay in uusan isagu shakhsiyan ka baqeynin in uu Mareykanku soo weeraro amaba uu qabto, “Qofka Muslimka ah dhimasho kama cabsado, haddii noola soo weeraro waxa aan rumeysannahay ama xabsi noola dhigo kama tanaasuli doono yoolka aan hiigsaneyno” ayuuna Sheekha yiri.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2004 Hiiraan Online