Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
UN Report

2007 DV
 




Wararka Maanta - Arboco - Oktooba 26, 2005










·
· Dalladda Culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo Gudniinka Fircooniga weerar ku qaaday
· Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo labo gaari oo Tikniko ah iyo 180 Milyan oo Shillin Soomaali ah ugu deeqay Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan
· Xuseen Caydiid oo maanta ku dhawaaqay in uu furay Masjidka Isbaheysiga Islaamka kadibna u amba baxay Dalka Cameroon
· Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Imaamyada 30 Masjid oo Muqdisho ku yaala oo ka wada hadlay Toosinta Dadka baadiyeysan












Minnesota: Tirada Qaxootiga Soomaalida ah oo La Rajaynayo Inay Laba Jibbaaranto

Arboco, October 26, 2005

Amb. Francois Lonseny Fall
Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minneasota oo ah xaruunta ugu weyn ee Soomaalida Waqooyiga Amerika

Minneapolis, MN (HOL). Saraakiisha ka howl gala dibu dajinta qaxootiga ayaa tibaaxay in tirada qaxootiga Soomaalida ah ee Minnesota uu kordhayo laba iyo tobanka bilood ee foodda inagu soo haysa.

Qiyaastan ay saraakiishu bixiyeen ayaa ku soo beegantay iyadoo uu Madaxweyne Bush todobaadkii hore ku dhawaaqay in Mareykanku uu aqbali doono illaa iyo 70,000 oo qaxooti ah, inta u dhaxeysa bishan October 1-deeda illaa iyo September 30-keeda sanadka 2006-da.

Tirada rasmiga ah ee qaxootiga gobolkan Minnesota soo dagi doona wuxuu ku xirnaan doonaa sida ay qaraabadooda halkan joogta noloshooda u damaanad qaadaan, amaba u codsadaan in loogu keeno, iyo sida jawiga guud ee gobolku ugu wanaagsan yahay daryeelka qaxootiga.

Waxaase la isku raacsan yahay in tirada qaxootiga Soomaalida ee Minnesota uu sidiisa u sii xooganaan doono, hadaanuu kobcin, sida uu xaqiijiyey John Borden oo agaasime ka ah hay’adda International Institute of Minnesota oo caawisay boqolkiiba affartan soo gallootiga Minnesota sanadkii 2004-ta.

Mr. Borden ayaa tibaaxay in dardartii qaxootiga Itoobiyaanku uu guud ahaan is dhimay, ayna u badan tahay in Soomaalida iyo qaxootiga Galbeedka Africa ay soo badan doonaan “Soomaalidana farxad badan lagu arki doono” ayuu raaciyey.

Baarliin Adan iyo Cadar Kaahin ayaa kamid ah dadka aad ugu faraxsan ineey qaraabadoodu ku wehliyaan Minnesota “Aad baan ugu faraxsanahay inaan soo dhaweeyo qoryskeyga” ayeey tiri Baarliin. Halka Cadar Kaahin oo saygeeda sugeysay affarsanadood ay tiri “ Waa waqti dheer. Waan daalay”.

Guud ahaan soo gallootiga Mareykanka ayaa aad isu dhimay wixii ka dambeeyey weeraradii argagixiso ee September 11, walow ay misana soo laba kacleeyeen. Gobolkan Minnesota ayaa kaalinta saddexaad ka galay tirada qaxootiga Mareykanka oo dhan sanadkii hore, qayb ahaana waxaa taa sabab u ahaa qaxootigii badnaa ee laga soo daabulay xeryaha qaxootiga ee dalka Thailand oo ay ka buuxaan dad ka soo barakacay dalka Laos oo isirkoodu Hmong yahay.

Xigasho: Kare 11 News

C/raxman Ceynte
Hiiraan Online
Minneapolis, MN
[email protected]






 




Dalladda Culumaa'udiinka Soomaaliyeed oo Gudniinka Fircooniga weerar ku qaaday

Arbaco, October 26, 2005(HOL): Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Guddoomiye ku xigeenka Dallada Culumaa'udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhibaatada Gudniinka Fircooniga uu leeyahay aysan weli dadku fahamsaneyn, wuxuuna caddeeyay in Gudniinka Fircooniga uusan meel ka soo geleynin shareecada Islaamka.

"Asal ahaan guditaan waxaa la yiraahdaa haragga in la gooyo waa marka aan ragga dhinaciisa u kacno, seddex faa'iido ayayna ragga u leedahay gudista, (1) wasaq ku keydsameysa oo ka harta (2) dahaarada oo noqota mid sugan (3) Dareenka dhinaca jinsiga oo noqda mid jooga"ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud.

Dhinaca Dumarka guditaankooda ayuu hadana ka hadlay Shiikha, wuxuuna yiri "Haragga meesha kore ku yaala ee Soomaalida magaca u taqaano ayaa wax yar laga taabanayaa, guditaanka la idiin sheegayo waa intaas, isaga laftiisa bahalkaas magaca leh waxay kutubta qaar qabaan in wax yar laga gooyo, sharci ahaan meesha ma soo geleyso qalitaan, qodbid iyo arrimo kale".

Shiikh Nuur Baaruud waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka dhibaatada ka imaan karta ku talax tegidda Gudniinka Fircooniga ee Dumarka, gaar ahaan gabdhaha, isagoo caddeeyay in haddii la xayuubiyo oo lagu talaxtago ay diyo ku waajibeyso qofkii sida xun wax u guday.

Shiikha oo ka qeybgelayay kulan looga hadlayay dhibaatada Gudniinka fircooniga oo ay soo qaban qaabisay Hay'adda SONNASO ee la dagaalanto Aids-ka ayaa waxaa kale oo uu intaas ku daray in qofka bani'aadamka ah jirkiisa aan micno darro loo jar jari karin, isla markaana aysan shareecada Islaamka meelna ka soo geleynin, "Gabadha loo gudo gudniinka fircooniga waxaa laga galay dembi weyn, mar kale waxaa dembi laga galay ninka guursaday oo aan qanacsanaan heleynin, mar kalena waxaa dembi kale laga galay Ilmaha ay dhaleyso Haweeneyda oo soo maraya jir aad loo qodbay oo odxo ah"ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud oo intaas ku daray in gabdhaha fircooniga loo gudayo marka ay dhalayaan ay qasab tahay in la goo-gooyo, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhacdo ay isku darsamaan xubintii daranka iyo tii ay saxarada soo mareysay, taasina ay keento in uu Mustaqbalkeeda ku dumo.

Shiikh Nuur waxaa uu sheegay in ay diyo ka waajibeyso haddii gabdhaha la xayuubiyo oo bushimaha laga jaro xubinta taranka, isagoo marka uu xukunkaas ridayayna soo daliishanayay Kutub Islaami ah, "Ha loo sheego dad wax guda ee mindiyaha la ordayo in ay dembi tahay in ay jarjaraan Xubinta Taranka Gabdhaha, isla markaana ay meg ku waajibeyso qofkii sidaas yeela"ayuu mar kale yiri Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo sheegay in burbur fara badan oo ku yimid qoysas dhisnaa uu salka ku hayo gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha loo gudo waayo ayuu yiri gabadhii waxaa laga qaaday dareenkii, weyna korman tahay oo maba taqaano waxa uu galo iyo waxa uu gudo ninka qabo ee ay u dhaxday.

Sidoo kale waxaa kulankan ka hadlay Dr. Maxamed Dheere oo guddoomiye ka ah Hay'adda Sonnaso ee kulankan soo qaban qaabisay, wuxuuna Dhaqtarku ka hadlay dhibaatada uu gudniinka fircooniga ah leeyahay, isagoo si gaar ah u soo qaatay in marka la sameynayo gudniinka fircooniga ah la isku qodbo xubintii dhalmada iyo tii kaadida soo mareysay, "gabadhii sidaas loo gudo waxay soo martaa dhibaato xoog leh iyo wel wel fara badan waayo dhiiggii caadada ayay dhibaato ka mareysaa, mar kalena waxay cabsaneysaa oo ay aad uga naxeysaa guurkii ay gashay, iyadoo is leh tolow maxaad la kulmi doontaa, mar kalena waxay dhibaato ka mudataa dhalmada"ayuu yiri Dr. Maxamed Dheere oo ku baaqay in laga waantoobo ku sii dheganaashaha gudniinka fircooniga ah oo ah mid aan meelna ka soo geleynin Diinta Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo labo gaari oo Tikniko ah iyo 180 Milyan oo Shillin Soomaali ah ugu deeqay Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, October 26, 2005(HOL): Kadib shir ay maanta magaalada Jowhar ku wada yeesheen mas'uuliyiinta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa gunaanadkiisii waxaa ka soo baxay go'aanno sheegayay in ay labada gobol ku heshiiyeen in ay yeeshaan iskaashi ku saabsan dhinacyada Siyaasadda, Dhaqanka iyo Nabadgelyada.

Guddoomiyaha Maamulka Shabeelaha Dhexe Md. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shirkaas kadib saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in maamulkiisa uu ugu deeqayo maamulka Gobolka Hiiraan lacag iyo gaadiid hub saaran yahay oo wax looga qabanayo Arrimaha Ammaanka Gobolkaas.

"Maamulka Gobolka Hiiraan waxaan siineynaa lacag dhan 180 Milyan oo Shillin Soomaali ah, labo gaari oo Toyota pick up ah oo hub saaran yahay, sidoo kalena waxaa u fududeyn doonaa maamulka gobolka Hiiraan Dukumiintiyadii ay lacagta ku qaadan lahaayeen"ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in labada gobol uu weligood ka dhaxeyn jiray xiriir soo jireen ah balse uu xiriirkaas mar walba xumeyn jiray maamulkii Dowladdii hore ee Mileteriga ahayd.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Md. Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) oo isna kulankaas kadib saxafiyiinta la hadlay ayaa sheegay in uu si weyn u soo dhaweynayo xiriirka wada shaqeyneyd ee dhexmaraya labada gobol, isagoo maamulka Shabeelaha DHexe-na uga mahadceliyay deeqda uu siiyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somali






 




Xuseen Caydiid oo maanta ku dhawaaqay in uu furay Masjidka Isbaheysiga Islaamka kadibna u amba baxay Dalka Cameroon

Arbaco, October 26, 2005(HOL): Ra'iisal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xuseen Maxamed Caydiid ayaa maanta xaruntiisa Villa Somalia waxaa uu kulan kula qaatay mas'uuliyiin ka socday Culumaa'udiinka Soomaaliyeed iyo weliba Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho, kuwaasi oo ay ka wada hadleen sidii dib loogu furi lahaa Masjidka Isbaheysiga Islaamka oo aaney dadku si caadi ah ugu tukan muddo 14 sano ah kadib markii ay si dadban u xirmeen Waddooyinkii soo geli jiray Masjidkaas.

Xuseen Maxamed Caydiid oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in waddooyinka taga Masjidkaas ay ahaayeen kuwo u xirnaa arrimo ay Siyaasaddu ka mid tahay iyo kuwo ammaan, wuxuuna dalbaday Wasiirka in waddooyinkaas dib loo furo si ay u sahlanaato in Masjidkaas dib loo furo, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed markii ugu horeysay ku tukadaan Salaadda Ciidda Soonfur ee soo socota.

Kulankii dhexmaray Culumaa'udiinka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo si caadi ah ku soo geba gebooday ayaa waxaa kale oo uu Xuseen Caydiid ka codsaday mas'uuliyiintii uu la kulmay in ay ka shaqeeyaan nabadeynta gobolka Banaadir, isagoo intii hadlayayna mahadcelin u jeediyay Wasiirka Amniga Qaranka Md. Maxamed Qanyare Afrax oo uu sheegay in uu furay Wadada Maka Al-Mukarama oo xirneyd mudadii 14 sano ahayd ee aynu ka soo gudubnay, inkastoo dadka weli ay ka baqayaan in ay wadadaas ugu socdaalaan sidii ay beri ahaan jirtay.

Dhanka kalena Xuseen Maxamed Caydiid oo isla maantaba socdaal shaqo ugu amba baxay dalka Cameroon waxaa kale oo uu ugu baaqay xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan in ay la shaqeeyaan maamulka gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha ka yahay Md. Maxamuud Xasan Cali (Cadde), iyadoo xubnaha uu baaqaas u jeediyana ay ku howlan yihiin sameynta maamul kale oo uu yeesho Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Imaamyada 30 Masjid oo Muqdisho ku yaala oo ka wada hadlay Toosinta Dadka baadiyeysan

Arbaco, October 26, 2005(HOL): Mas'uuliyiin ka socotay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Imaamyada 30 Masjid oo Muqdisho ku yaala ayaa maanta kulan saacado qaatay waxay ku yeesheen Xarunta Maxkamadda Islaamiga ah ee Warshadda Caanaha, iyadoo kulankaasna looga wada hadlayay sidii loo sii dardargelin lahaa howlgallada Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho.

Imaamyada Masjidyada ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan howlgallada ay Maxaakiimta Islaamiga ah Muqdisho ka wadaan, iyagoo tilmaamay in howlgalladaas ay yihiin kuwo loo baahnaa bacdamaa ay soo baxeen dad sii baadiyoobaya iyo goobo lagu hayo waxyaabo anshax xumo ah oo lid ku ah Shareecada Islaamka.

Kulankan ayaa looga dooday qodobo ay ka mid ahaayeen iskaashi dhexmara Imaamyada Masjidyada iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho, in la sameeyo Sanduuq Dhaqaale loogu uruurinayo Maxkamadaha, in Imaamyada ay ka qeybqaataan wacyigelinta dadka, in hantida la kala heysto la isu celiyo iyo qodobo kale.

Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa kulankaas ka sheegay in aysan Maxkamadaha u joojin doonin howlgallada ay wadaan hadallo ka soo yeeraya dad caddeystay in ay doonayaan in ay dadka baadiyeeyaan.

Shiikh Shariif waxaa uu beeniyay hadallo beryahaanba magaalada Muqdisho la isla dhexmarayay oo sheegayay in Maxkamaduhu ay iska daayeen Shineemooyinka lagu daawo Isboortiga, "Shineemo waa Shineemo mana kala duwana Rag iyo Dumar gaalo ah oo iyagoo qaawan iska daba ordaya iyo Aflaanta kale"ayuuna yiri Shiikha oo ka deyriyay sida ay noqoneyso Islaannimada qof taageeraya Gaalo, isla markaana leh "aniga waxaan la jiraa koox hebel ama ciyaaryahan hebel".

Qalabkii ay ka soo qaadeen Shineemooyin ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ka howlgaleen ayuu Shiikh Shariif sheegay in aaney dib u celin doonin, isagoo caddeeyay in qalabkaas loo adeegsan doono waxyaabo ka kheyr badan wixii lagu daari jiray oo markaasina ay dadku faa'iido ka heli doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online