Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo




Wararka Maanta Sabti - Oktooba 01, 2005










·
  Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Xildhibaan Barre Hiiraale oo ka wada hadlay isu soo dhaweynta Xubnaha Dowladda Federaalka ee kala jooga Muqdisho iyo Jowhar
  Markab Dowladda Federaalka u sida Gaadiid iyo Raashin oo ku xiran Dekedda Dabiiciga ah Ceel Macaan
·
  DOWLAD ISLAAMI AH: DAAD KU SOO FOOL LEH DOWLADDA CUSUB EE SOOMAALIYA












Maraakiibta Dagaalka Mareykanka oo bilaabay in ay Burcadda Badaha ka Badbaadiyaan Maraakiibta Ganacsi ee ku sii jeeda Soomaaliya

Sabti, October 01, 2005(HOL): Ciidamada Mareykanka ee ka mid ah kuwa Isbaheysiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, isla markaana saldhiggoodu yahay dalka Jabuuti ayaa todobaadkii hore ku dhaqaaqay howlgal ay kaga hortegayeen in kooxda Burcad Badeed-da ah ee ku sugan nawaaxiga Xeebta Xarardheere ay qafaashaan Maraakiibta ganacsiga ee ku sii jeeda Dekedda dabiiciga ah Ceel Macaan ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah labo Markab oo Dekedda Ceel Macaan ku soo xiratay kadib hanjabaad ka timid kooxdii ay u af-duubnaayeen labada Markab ayaa u caddeeyay saraakiil dhinaca howlaha Badda ah oo ku sugan Dekedda Ceel Macaan in Markab kuwa dagaalka ah oo uu leeyahay Mareykanka ay ka soo wadeen xeebta Eyl oo ay ku sugan yihiin iyagoo soo galbiyay ilaa ay soo dhaafsiiyaan nawaaxiga Xeebta Hobyo iyo Xarardheere, halkaas oo ay xoog ku leeyihiin kooxaha qafaasha Maraakiibta shisheeye iyo kuwa ganacsiga ee ku soo jeeda Soomaaliya.

Markabkaas oo lagu magacaabo Team Emirate ayuu kabtankii la socday sheegay in sidoo kale marka ay laabanayaan ay Maraakiibta Mareykanka ugu tegi doonaan Xeebta Mareeg oo ka sokeysa Dhul Xeebeedka khatarta ah ee lagu ugaarsado Maraakiibta, iyadoo Markabkii kaas ka horeeyay oo lagu magacabo Hero uu qudhiisa caddeeyay in ay soo gudbiyeen Maraakiibta dagaalka ee Ciidamada Mareykanka, taasoo macnaheedu ahaa in kooxdaasi laga go’adoomiyo in ay dhibaateeyaan Maraakiibta ganacsi ee ku sii jeeda Soomaaliya iyo weliba kuwa shisheeye ee maraya xeebaha Soomaaliya.

Jen. Maxamed Nuur Galaal oo markii la af-duubay Markabkii ganacsi ee Ibnu Batuuta ayaa baaq u jeediyay beesha Caalamka, gaar ahaan ciidamada uu horkacayo Mareykanka ee ilaaliyaha xeebaha Soomaaliya, isagoo ka codsaday in ay wax ka qabtaan dhibaatada iyo cunaqabateynta ay kooxaha af-duubta Maraakiibta u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaadna mooddaa in baaqaas Jananka laga soo jawaabay bacdamaa ay Maraakiibta Mareykanka iyo Isbaheysigiisa u soo dhaqaaqeen meelihii laga sheegayay in ay taalo Isbaarada Badda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Xildhibaan Barre Hiiraale oo ka wada hadlay isu soo dhaweynta Xubnaha Dowladda Federaalka ee kala jooga Muqdisho iyo Jowhar

Sabti, October 01, 2005(HOL): Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo dhawaanahan waday isku day uu meesha kaga saarayo khilaafka u dhaxeeyo xubnaha Dowladda Federaalka ee ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa la soo weriyay inuu Talaadadii hore qadka isgaarsiinta wada hadal kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay ka wada hadleen sida la isugu soo dhaweyn karo xubnaha is-khilaafsan ee dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kalena la sheegay in uu Barre Hiiraale aqlabiyad xoog leh uu arrintaas kaga helay xubnaha Baarlamaanka oo Sabtidii hore kulan ku yeeshay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu qorshaha arrintan aad u soo dhaweeyay, isagoo sheegay in uu diyaar u yahay in wada hadalladaas lagu yeesho meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya marka laga reebo magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho oo ay haatan ku kala sugan yihiin xubnaha is-khilaafsan, sida ay xaqiijiyeen siyaasiyiin aad ugu dhow dhow Col. Barre Hiiraale.

Qorshahan nabadeynta ah ee uu xubnaha Dowladda ka dhex wado Barre Hiiraale ayay wararku sheegayaan in uu Mucaarado xoog leh kala kulmay Wasiirrada Amniga iyo Ganacsiga Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi, kuwaasi oo la sheegay in ay Barre Hiiraale ka hor istaageen kulan uu Talaadadii hore kula ballansanaa xubnaha Baarlamaanka in la magacaabo guddigii geli lahaa howsha wada xaajoodka ee lagu xalinayo khilaafka dowladda Federaalka, waxayna warar aan la xaqiijin sheegayaan in uu Barre Hiiraale aad uga carooday hadallo ad-adag oo uu kala kulmay labadaas Wasiir oo u sheegay in ay iyagu ku xiran tahay howsha wada xaajoodka.

Warar kale ayaa iyaguna waxay sheegayaan in mid ka mid ah wasiirradaas uu Barre Hiiraale ku wargeliyay in uu dib isaga laabto magaalada Kismaayo, taasoo la sheegay in uu Barre Hiiraale aqbalay balse uu ka baajiyay safarkaas Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan oo la sheegay in uu u ballan qaaday in howshaas la dhameystiri doono kolka uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho dhawaan, walow aan la ogeyn in uu Shariifka ka dhabeyn doono ballanqaadkiisaas iyo in ay jiidan doonto diidmada hoggaamiye kooxeedyada Wasiirrada noqday ee Muqdisho awoodda ku leh.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Markab Dowladda Federaalka u sida Gaadiid iyo Raashin oo ku xiran Dekedda Dabiiciga ah Ceel Macaan

Sabti, October 01, 2005(HOL): Markab Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u sida gaadiid kala duwan iyo raashin ayaa la soo weriyay in uu ku soo xirtay Dekedda Dabiiciga ah ee Ceel Macaan, sida ay sheegeen saraakiil ka howlgasha dekeddaas.

Markabkan oo sida ilaa 70 Gaari oo isugu jira noocyo kala duwan iyo Matooro Dab dhaliyayaal ah oo uu wehliyo Raashin ayay wararku sheegayaan in ay halkaas kula wareegi doonaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo la filayo in ay gaaraan Dekeddaas marka ay dhamaato howsha dejinta Markabkaas bartamaha todobaadkan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dowladda bixisay deeqdaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in dowladda Talyaaniga ay bixisay, iyadoo ay qeyb ka tahay taageero ay u ballanqaadeen mas’uuliyiinta Talyaaniga Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi kolkii uu dhawaan booqday dalkaas.

Wararku waxay sheegayaan in deeqdan ku socota Dowladda federaalka ay kala sidaan labo Markab oo midkani uu yahay kii ugu soo horeeyay ee soo gaaray Dekedda Ceel Macaan, iyagoo ka soo qaadaya deeqda ay wadaan Deked ku taala magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta.

Dekedda Dabiiciga ah ee Ceel Macaan ayaa u muuqata mid ay haatan Dowladda Federaalka u isticmaaleyso in ay ka soo degsato kaalmooyinka u socda, walow aan la ogeyn in ay marka dambe canshuur ka qaadan doonto iyo in kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha oo seminaar u furtay Saraakiil Soomaaliyeed

Sabti, October 01, 2005(HOL): Seminaar ay ka qeybqaadanayaan 30 ka mid ah Taliyayaasha Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmay Hotelka Ambassador, iyadoo uu seminaarkaasina uu xariga ka jaray Guddoomiyaha Hay’adda INXA Md. C/naasir Axmed Cusmaan.

Seminaarkan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadamiga ayaa Taliyayaashaasi lagu bari doonaa macluumaad la xiriira Dhowrista Xuquuqda Aadanaha, bacdamaa ay hormuud u yihiin qeybaha cadaaladda sida uu sheegay Madaxa baarista Xadgudubyada Xaruntaas Md. C/llaahi Calas Jimcaale.

Seminaarkan oo socon doona muddo seddex cisho ah ayay Taliyayaasha ciidamada ka qeybgelaya ahaayeen kuwo xiran labiskooda ciidan, iyadoo qaar ka mid ah ay sheegeen in ay aad u soo dhaweynayaan in ay helaan seminaarro noocaas oo kale ah, wuxuuna seminaarkan ka mid yahay seminaarro xiriir ah oo ay xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ay dhawaanahan siineysay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




DOWLAD ISLAAMI AH: DAAD KU SOO FOOL LEH DOWLADDA CUSUB EE SOOMAALIYA

Sabti, October 01, 2005(HOL): Dhawaaqa dhismaha Dowlad Islaami ah waxaa uu todobaadkii hore ka soo yeeray qaar ka mid ah urur diimeedyada ka jira Soomaaliya oo markan adeegsanaya magac la mid ah kuwii ay adeegsan jireen jabhadaha ka abuurmay Soomaaliya markii la riday Dowladdii hore ee Mileteriga, kaasi oo ah Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed.

Inkastoo shirweynaha golahaasi cusbo looga dhigay qaar ka mid ah siyaasiyiin aan magac weyn lahayn oo ku hungoobay in ay ka dhex muuqdaan masraxa siyaasadda ee xiligan ayaa misana laga dhex sawiran karay in ay shirkaasi majaraha u hayeen xubnaha labo urur diimeed oo u muuqda kuwo ku shirkoobay in ay xididada u siibaan dowladda cusub ee Soomaaliya, walow cadaawadda ay u qabaan dowladda aaney ahayn mid ay xiligan si buuxda u muujiyaan maadaama ay aad isugu dhow yihiin qeyb ka mid ah dowladda oo ah kuwa ku sugan Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Md. Cusmaan Cilmi Boqorre oo lagu martiqaaday furitaankii shirweyne daad ku ah dowladda Federaalka ayaa ka jeediyay hadal aan ahayn midkii loogu yeeray, wuxuuna ka digay in shirweynaha golahan uu ka soo baxo wax dhibaato ku ah shacabka, taasoo u muuqatay in uu ogaa xanta la isla dhexmarayay ee ahayd in shirkaasi lagu dhisayo dowlad Islaami ah, maadaama ay ka qeybgelayeen xubno laga keenay deegaano aad u kala fog oo Soomaaliya ka tirsan, waxaana laga yaabaa in dareenka laga qaaday shirkaasi iyo shakiga uu muujiyay Guddoomiye ku xigeenka ay dib u dhigtay xitaa haddii ay qorsheysneyd in lagu dhawaaqo Dowlad Islaami ah.

Guddoomiye ku xigeenkaas ayaa la soo weriyay in uu canaan badan kala kulmay xubnaha kale ee Baarlamaanka, iyagoo ku eedeynaya in uu albaabka u furayay daad ku soo socda Dowladdooda, taasoo muujineysa in xitaa isu soo dhawaanshaha ka dhaxeeya wadaadada ku jira Golaha iyo Xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho ay tahay mid sahal u bur bureyso marka ay timaado in la soo damaaciyo awoodda dowladda, marka laga soo tago mowqifka fog ee ay mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan Jowhar ay ka qabeen dhaqdhaqaaqa kooxda ku mideysan Golaha, kuwaasi oo sheegay in ay yihiin Wadaado hubeysan oo dadka jaha wareerinaya.

Shirkii Golahan ayaa ugu dambeyntii looga dhawaaqay in loo diyaargaroobayo dhismaha Dowlad Islaami ah oo sida la sheegayo howsheeda bilaabaneysa bilaha ka harsan sanadkan, waxaase laga yaabaa in arrimo farsamo doorkan looga dib dhigay waayo waxaa dhinaca kale suuqa ku jira dhaqdhaqaaqyo u muuqday kuwo lagu baadi goobayo dib u heshiisiinta xubnaha Dowladda Federaalka, taasoo waxa ay dhisaan ka dhigi kartay mid sahasha in ay mideyso dowladda is-khilaafsan, waxaanse haatan la ogeyn sida ay uga war sugayaan xaaladda ay ku dambeyneyso Dowladda cusub, taasoo khilaafkooda oo sii xoogeysta uu noqonayo mid mar kasta fursad siinaya xubnaha golahan oo warbaahinta si xoog leh uga sheegaya in shareecada Islaamka mooyee aaney jirin wax kale oo Soomaaliya lagu badbaadin karo, iyagoo si xoog leh u dhaliilay maamulladii soo maray Soomaaliya oo ay ku kala tilmaameen mid Jahliga ama Dimoqraadiyadda, kii ka dambeeyay ee shuuciyadda iyo midka Qabaa’ilka iyo Qabqablayaasha ee xiligii bur burka, waxayna ku beer laxawsanayaan shacabka in markan la tijaabiyo kacaan Islaami ah oo ka hirgala Soomaaliya oo aan ku dhisneyn Dimoqraadiyad ama 4.5 oo ah nidaamka ay Qabaa’ilka wax ku qeybsadaan.

Dabcan waa arrin aad u dhib badan hanashada awoodda ay ku taamayaan Urur Diimeedyada, inkastoo uu mid ka mid ah aas aasayaasha golahan oo ah Shiikh Xasan Daahir Aweys uu sheegay si loo gaaro hadafkaas in loo baahan yahay in la helo hub iyo hanti, walow aaney iminka qudheeda ahayn kuwo faro maran, sida loo soo dhisayo Dowladdaasna laga yaabee inay noqoto sida ay iminka qabqablayaashu ku soo xusheen xubnaha Baarlamaanka ay ka tirsan yihiin, taasoo ah in ay u doorteen hadba cidda la fikirka ah.

Ugu dambeyntiina dhawaqa ka soo yeeray Golaha ay u badan yihiin Wadaadada hubeysan ee Soomaaliya ayaan noqon doonin mid ku dhamaada meel cidlo ah, waxaanse la ogeyn in daadka ka soo socda uu xaaqi doono hoggaamiye kooxeedyada iyo xubnaha kale ee ku jira Dowladda Federaalka ama ha mideysnaadeen ama haku yimaado daadkaas iyagoo isu heysta sida ay haatan tahay xaaladdooda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online