Arab News



Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka waa weyn ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku yaala Xeebaha, waana xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Haddaba si aan ugu kuurgalno xaaladaha nabadgelyo, caafimaad, Waxbarasho iyo nololeed ee dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaan dhowaan booqasho ku tegay magaaladaas aniga oo la socday Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada Tashiga CRD oo halkaasi safar shaqo ku tagtay.

Muuqaalka Magaalada Marka

Inkastoo ay tahay magaalo xeebeed yar hadana marka aad eegto daaraha magaalada kuuma muuqanayaan bur bur uga yimid dagaalladii sokeeye ee aafeeyay magaalooyinka kale ee dalka Soomaaliya, dhismooyinka magaaladana badankood waa kuwo qadiimi ah oo marka aad dhex marto ku soo xusuusinaya xaafado ka mid ah degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafadda AW-Aweyska, Koodka Xamar Weyne iyo Wadadii Via Roma.

Dhinaca Koofureed magaalada waxaa kaga xeen daaban Badda, dhinaca Waqooyigana waxaa ka heysa Buur muuqaalkeedu uu mucjiso yahay marka aad eegto oo aad fuusho. Mar aan dul fuulnay buurta dhusheeda ayaa naloo sheegay in buurto ay tahay mid ay ku ganeen inkaarta asmada loo yaqaanQomiyadda Biyamaalka xili ay la dagaalamayeen Gumeystihii Talyaaniga.

Magaalada waxaa ku yaala dhowr xaafadood oo aan ka xusi karo Howlwadaan, Horseed, Wadajir iyo kuwo kale oo ku yaala faras magaalka, waxayna dadka ku nool xaafadahanay yihiin kuwo aan isu jeedin oo ku kala jeeda danahooda, yacni sida dadka Muqdisho oo kale isma arkayaan oo isma qoomayaan.

Magaalada waxaa ka howlgala Shirkado Isgaarsiineed oo kala ah Hormuud, Telecom iyo NationLink, kuwaasi oo qaarkood bixiya adeeg koronto sida shirkadda Telecom oo kale oo bixisa koronto 24 saac ah. Sidoo kale magaalada waxaa warka magaalooyinka kale iyo Adduunka u soo tebiya labo Idaacadood oo magaalada Saldhigyo ku leh, kuwaasi oo kala ah Horn Afrik iyo Shabelle, waxaa soo wehliya Wargeysyada ka soo baxa magaalada Muqdisho oo iyagu magaalada barqadii gaara kadib marka la saaro gaadiidka ugu horeeya ee Xamar ka taga.

Nuur Cali Jimcaale (Si Naxariis leh) waa ganacsade muddo 14 sano ah ku noolaa magaalada Marka, wuxuuna ka hadlay qaabka dadka ugu wada nool yihiinn magaalada Marka, "Magaalada Marka waxaan deganahay muddo 14 sano ah, si qaxootinimo ah ayaan ku imid, hayeeshee waxaan u qeybiyay magaalada Marka xaafadaheeda seddex qeybood (a) qeyb waa shidan tahay cawo iyo maalin, dadkoodana waa isku dhex jiraan, haba soo dhexgalo mid cuqdo qaba, aniga aragtideyda cudurka Aidska waxaa ka daran qabiilka, aidska waa ku dilaa, laakin qabiilka waa wax xun oo uf ah. (b) xaafad maalintii indhaha ayay isku heysaa habeenkii ayay shidan tahay, (c) Xaafadna habeen iyo maalin indhaha ayay isku heysaa geb waaye, intooda dhanna dad ayaa ka buuxa, tusaale aniga waxaan deganahay xaafadda Horseed habeen iyo maalin indhaha ayay isku heysaa, dhulkeeda waa raqiis, ka gudub xaafadda Ruusiya la yiraahdo maalintii waa densan tahay dadkeedu habeenkii ay shaqeystaan, xaafadda dhexe habeen iyo maalin waa shidan tahay dadkeeduna waa isku dhex jiraan, kaalay arag sida ay u nool yihiin, marka waxaa ku talo bixinayaa in labada xaafadood ee kale ay ku daydaan xaafadda dhexe ee isku dhafka ah, Soomaaliduna sidaas ha yeelaano, guurkana hala badiyo si dhibaatada u yaraato.".

Xaaladda Nololeed

Xaaladda Nololeed ee dadka ku dhaqan magaalada Marka waa mid degan, maciishadda quutul daruuriga ah waa raqiis, mararka qaarkoodna waxaa dhacda in raashin ama badeecooyin kale oo laga keenay Xamar ay ka qiimo jabnaadaan marka ay Suuqyada Muqdisho yaalaan. Hotellada oo kale waa kuwo qiimo jaban raashin iyo jiif marka aad isku darsato 24-kii saac waxaa kuugu filan ilaa 50.000 Sh. So ah oo qiimo ahaan ka hooseysa $4 Dollar.

Dadku waxay ka xoogsadaan oo ay noloshooda ku tiirsan tahay Badda, Beeraha, Shirkado iyo Hay’ado magaalada ka howlgala iyo mehrado kale oo khaas ah, inkastoo ay jiraan kuwo aan shaqo u foofin oo dibadda laga soo biilo.

Xaaladda Ammaanka

Magaalada Marka Ammaankeeda 100% waa sugan yahay, dadkuna waxay socdaan ama ganacsadaan xiligii ay doonaan, ma arkeysid wax hub ah oo magaalada lagula dhex socda, kaliya waxaad rag hubeysan ku arkeysan iridka Saldhiga Degmada Marka, kuwaasina ma ahan kuwo dhibaato u joogee waa Ciidamo qaba labis u gaar ah oo nabadgelyada magaalada sugaya.

In uu ammaanka sugan yahay waa kuu cadeyn kara magaalada gudaheeda waxaad ku arkeysaan Rag ka soo jeeda qowmiyadaha aan hubeysneyn sida tan Banaadiriga oo magaalada ku dhex heysta Taleefoonnada gacan qaadka ah, gaar ahaan kuwa qaaliga ah oo weliba Volume-koodu uu aad u dheer yahay, halka Magaalada Muqdisho oo kale aysan xitaa dadka hubeysan sidaasi yeeli karin oo cod Taleefoonka la iska xiro ama Gariir la saarto (Vibrating Alert).

Yaa suga ammaanka Magaalada Marka

"Ammaanka guud ahaan xasilintiisa dhib badan ayaa laga soo maray, waxaana suurtageliyay in ammaanku sugmo dadka deegaanka iyo ciidan tababaran oo uu maamulku leeyahay oo mushaari ah, kuwaasi oo u kala jira Mileteri, Boolis iyo Asluub" sidaasi waxaa yiri Taliyaha Saldhigga Degmada Marka Md. Maxamud Salaad Siyaad (Sanjabiil) oo aan kula kulmay magaalada Marka.

Md. Sanjabiil waxaa uu sheegay in ay magaalada Marka ka mamnuuceen in hub lagu dhex wato, iyadoo hubka yaalana ay yihiin kuwo ay diiwaangeliyeen oo ay ka warqabaan, waxaana hubkaasi heysta inta ganacsato iyo hay’ado ka howlgala gobolka.

"Canshuur ma qaadno ee waxaan qaadnaa lacag taakuleyn ah oo aan badneyn, taasi oo aan ku celino isla dadka dhexdiisa, waayo waxaan ku sugnaa ammaankooda, jidadka ayaan ku dayactirnaa, bacaad celin ayaan ku sameynaa, hay’adaha bulshada gobolka ayaan wixii aan ka gaarsiin karno aan wax ka siinnaa"ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Degmada Marka Md. Maxamuud Salaad Sanjabiil oo ka jawaabcelinayay su’aal ahayd waxa ka jira in ay dadku ka qaadaan lacago canshuur ah oo aaney awoodin.

Md. Sanjabiil waxaa uu beeniyay in Xabsiga Degmada Marka uu yahay mid aaney maxaabiista ku xiran heysan xuquuqdii ay u baahnaayeen, wuxuuna arrintaas ka yiri "Xabsiga Gobolka Hotel ayaad moodeysaa marka aad soo aragto, maxaabiistu waxay leeyihiin Musqulo, wey meyrtaan xiligii ay doonaan, Baasto iyo Hilib ayayna cunaan".

"Hadda gobolka kama jiraan falal dilal ah oo hub la isu adeegsaday, weyse jiraan dhaawacyo ka dhashay Tooreey iyo Daqarro kale oo la isu geystay, kuwaasina wey ka dhacaan meel kasta oo ammaan ah oo dunida ka mid ah" ayuu mar kale yiri Taliyaha Saldhigga Degmada Marka Md. Md. Maxamuud Salaad Siyaad Sanjabiil oo ka warbixinayay in ay dilal hub la isu adeegsaday ka dhacaan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo in kale.

Muran kama taagna in maamulka Shabeelaha Hoose uu xoog ku qabsaday gobolkaas, inkastoo Sanjabiil uu ku doodayo in ay meesha geysay Dowladdii Carta ee uu Hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan, hayeeshee waxaa u suurtageliyay in uu sidan u xoogeysto isla markaana uu ammaanka soo celiyo dadka gobolka oo ah dad nabadeed, kuwaasi oo uu ka dhex saaray maamulka koox yar oo dhibaato ku heysay.

Shiikh Maaxi Yuusuf Axmed waxaa uu ka mid yahay dadka degmada Marka ku nool, gaar ahaana wuxuu ka soo jeeda Qowmiyadaha meesha loogu yimid, wuxuuna qabaa in maamulka gobolka Shabeelaha Hoose uusan dalabkooda ku imaan oo uu iska soo dul degay, hayeeshee wuxuu hadana qirayaa in uu wax badan u qabtay, isla markaana ay u duceynayaan mas’uuliyiintiisa.

Maamulka Shabeelaha Hoose ee xaruntiisu tahay magaalada Marka waa mid ay Guddigiisa fulinta ku jiraan inta badan beelaha ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose, inkastoo Qowmiyadda Banaadiriga aysan wax awood ah ku lahayn, sida uu ku doodayo Shariif C/raxmaan Maxamuud Dhega weyne oo sheegaya in aan laga talo gelin maamulka gobolka, walow uu hadana leeyahay "nabad buuxda ayaan ku heysanaa gobolka, maamulkana raali ayaan ka nahay".

Dhinaca Waxbarashada

Dhinaca Waxbarashada degmada Marka waxaa ku yaala dugsiyo isugu jira Hoose, Dhexe iyo Sare, kuwaasi oo ay maalgeliyaan Hay’ado Carbeed iyo Mid Local ahaan u shaqeysa oo lagu magacaabo Cosv, dhamaantoodna waxay dabooleen baahidii waxbarasho ee gobolka, inkastoo ay Jaamacadaha dadka gobolku u doontaan Magaalada Muqdisho.

Xaaladda Caafimaad

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa uu leeyahay 3 Isbitaal oo midka ugu weyn uu ku yaalo degmada Marka, halka labada kalena ay ku yaaliin degmooyinka Qoryooley iyo Baraawe, waxayna dhamaantood daboolaan adeegyada caafimaad ee dadka gobolka u baahan yihiin

Madaxa Caafimaadka Gobolka Shabeelaha Hoose Dr. Cabdi Cabdulle Xirsi ayaa warbixin naga siiyaya xaaladda caafimaad ee gobolka, wuxuuna sheegay in Isbitaalladaas ay ka howlgalaan dhaqaatiir joogto ah iyo kuwo aanan joogto ahayn oo tiradoodu ilaa shan ay gaareyso iyo weliba shaqaale caafimaad oo 80 ruux gaaraya, kuwaasi oo mushaar ahaan loo siiyo lacag aan badneyn oo dadka laga qaado" Muddo labo sano ah ayaa laga joogaa markii hay’ad Cusbitaalka Guud ee Degmada Marka taakuleyn jirtay ay naga tagtay tan iyo xiligaas wixii ka dambeeyayna waxaa howlaha caafimaadka ku soo wadnay si la mid ah iskaa wax u qabso" ayuu yiri Dr. Cabdi Cabdulle Xirsi oo intaas ku sii daray in Isbitaalka Degmada Marka oo ay kaalmeyn jireen Hay’adda Talyaaniga ah ee Cosv iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool uu sii shaqeyn karo toban sano ee soo socota.

Marka laga soo tago seddexda Isbitaal ee uu gobolku leeyahay waxaa jiro 11 MCH, 12 Xarumood oo ka yar MCH-yada iyo 3 xarumood oo lagu daweeyo dadka qaba cudurka TB-da iyo weliba kooxo caafimaad oo guur guura, dhamaantoodna waxay qabtaan adeegyada caafimaad ee ay dadku u baahan yihiin.

Dr. Xirsi waxaa uu intaas ku daray in Isbitaalka guud ee degmada Marka uu u dhameystiran yahay qalabkiisa, wuxuuna leeyahay dhowr qeybood oo kala ah: Qalliinka, Dawada, Dumarka, Caruurta, Shubanka, Bukaan Socodka, Sheybaar weyn oo casri ah, iyadoo ay yaaliin 100 sariirood oo inta badan la jiifo 50 ka mid ah. Dadka Isbitaalka daweynta loo keeno ayuu Dhaqtarku sheegay in ay u badan yihiin kuwo qaba Cudurrada Kuleylaha, Malaariyada, Dhiig karka iyo Sokorta.

Isbitaalka Marka waxaa kale oo uu leeyahay qeyb wax lagu barto, waxaana sanadkii hore lagu tababaray ilaa 100 Arday oo 60 ka mid ah la siiyay shahaadooyin muujinaya in ay kalkaaliyayaal caafimaad noqon karaan, waxaana howlahaas waxbarista ah iska kaashaday Isbitaalka Marka iyo Jaamacada Banaadir ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho.

Xiligan aan ku aadnay gobolka Shabeelaha Hoose wuxuu u ahaa mid uu jiilaalku si aad ah u saameeyay, dhulka intiisa badanna wuu oomanaa, iyadoo xoolaha iyo dadka Miyiga ku dhaqanna ay ahaayeen kuwo abaarsaday oo caato ah, isla markaana dhowraya Raxmadda Alle iyo Roobkii Guga oo wax xoogaa aad moodo in uu ka soo dib dhacay.

Si kastaba, Arrintu ha ahaatee, dadka ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose raali ayay ka yihiin maamulka uu hoggaamiyo Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde), waxaana taasi ugu wacan iyadoo uu u soo celiyay ammaankii iyo kala dambeyntii, walow ay jiri karaan dad caloosha cuqdo ugu haya oo hadana aanan muujin waxa ay qabaan.

Salaad I. Xasan (Xiis)
Marka, Soomaaliya
E-mail: [email protected]






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online