Clik Here for more
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News





Wararka Maanta - Sabti, March 12, 2005










· Xukuumadda Prof. Geedi oo barnaamijkii ay u gudbisay Baarlamaanka aan ku xusin ciidamo ka socda dalalka safka hore balse xeelad kale isticmaashay
  HOGGAAMIYAYAASHII KU HESHIIN WAAYAY 9 QODOB MAKU HESHIIN KARAAN 30 QODOB?
· Dowladaha IGAD oo go’aan ku gaaray in iyaga mooyee aaney cid kale ciidan u soo diri karin Soomaaliya












Xukuumadda Prof. Geedi oo barnaamijkii ay u gudbisay Baarlamaanka aan ku xusin ciidamo ka socda dalalka safka hore balse xeelad kale isticmaashay

Sabti, March 12, 2005 (HOL) @20:30GMT: Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xukuumadda Prof. Cali Maxamed Geedi ay barnaamijkii ay u gudbisay Guddoonka Baarlamaanka ee ku saabsanaa keenista Ciidamada Shisheeye aaney ku xusin Ciidamo ka socda Dalalka Safka hore in la geeyo gudaha Dalka Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in arrintaas bedelkeed ay Xukuumaddu ku caddeysay qoraalkeeda in ay Xubnaha Baarlamaanka ay cod u qaadaan in Soomaaliya la keeno kaliya ciidamo Shisheeye oo wax ka qabta ammaanka iyo goobaha ay degeyso Dowladda iyo weliba Xarumaha kale ee muhimka u ah ilaha dhaqaalah.

Xukuumadda Prof. Geedi ayaa ka rajeyneysa Xildhibaanada Baarlamaanka in ay codka u qaadaan in loo baahan yahay Ciidamo shisheeye iyo in kale taasoo laga yaabo in ay meesha ka saarto digniintii ay Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Hawiye ka bixinayeen in haddii lagu soo daro doodda Baarlamaanka Ciidamada safka hore ay gebi ahaanba ka bixi doonaan Dowladda.

Doodda arrintan ayaa la filayaa in ay muran badan dhaliso, maadaama aaney Xildhibaanada badankood diidaneyn keenista ciidamada shisheeye balse ay kuwa ka soo horjeeda dalalka safka hore ku adkeysan karaan in Baarlamaanku uu caddeyn ka bixiyo nooca dalalka ay ciidamada ka imaanayaan ka hor inta aan loo gudbin cod bixinta, waxaana laga yaabaa in Xukuumaddu xeelad ahaan ay u soo gudbiso qorshahaas in si isku duub ah loogu codeeyo in la keeno ciidamo shisheeye oo markaas kadib ay ku jiri karaan kuwa dalalka safka hore.

Qoraalka Xukuumadda oo uu xiligan gacanta ku hayo Guddoonka Baarlamaanka ayay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in ay jirto fikrad ah in guddi gaar ah oo baarlamaanka ka tirsan loo saaro barnaamijka Xukuumadda ee keenista ciidamada ka hor inta aanan codka maya iyo haa loo qaadin.

Weli ma jiro waqti sugan oo loo qabtay kulanka baarlamaanka ee doodda barnaamijka ay Xukuumaddu iska soo gudbisay, waxayna warar kala duwan ay sheegayaan in dabayaaqada todobaadkan ay qabsoomi doonto doodda arrintaas, gaar ahaan marka ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihiisa u amba baxaan Xarunta Jaamacadda Carabta oo ah magaalada Qaahira ee dalka Masar, halka ay warar kalena sheegayaan in lala sugi doono soo laabashada wafdigaas uu hoggaaminayo Madaxweynaha, iyadoo dhinaca kalena ay magaalada Entebbe ee dalka Uganda ay ka socdaan kulamo looga hadlayo sidii ciidamo ka socda dalalka IGAD loo keeni lahaa Soomaaliya, waxaana sidoo kale la sheegayaa in laga yaabo in uu kulan labada maalmood ee soo socda uu dhexmaro Madaxweynaha Dalka Kenya Mr. Mwai Kibaki iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Sh. Aadan, kaasi oo ku wajahan muranka ka taagan xiisaddan ee ay ku kala qeybsan yihiin Xubnaha Dowladda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




HOGGAAMIYAYAASHII KU HESHIIN WAAYAY 9 QODOB MAKU HESHIIN KARAAN 30 QODOB?

Waa Maxay Sirta Bandhig siyaasadeedka Jilayaasha Reer Muqdisho?

Sabti, March 12, 2005 (HOL) @20:30GMT: Waxaa laga yaabaa in aad is-tiraahdid 50 Xildhibaan oo ka soo jeeda beelaha Hawiye arinta ay ka cabanayaan waa mid culeyskeeda leh oo dhabar jab ama bur bur ku keeni karta dowladda Federaalka, haddii aan loo dhego nuglaanin waxa ay ka digayaan, isla markaana aan lagu taageerin waxa ay qorsheysteen in ay qabanayaan.

Cabashadan iyo digniinta daba taala waa mid ku kulmisay Xildhibaanada intaas la eg ujeedooyin kala duwan, iyadoo la rumeysan yahay in ay ku jiraan qaar badan oo ogsoon in waxa ay ka hadlayaan ay yihiin kuwo xasaasi ah, isla markaana ay u arkaan fursad ay dhaqaale kaga heli karaan in laga soo fujiyo fikradda ay ku dhegan yihiin, gaar ahaan marka ay timaado in uu baarlamaanku cod u qaado arrinta ay diidan yihiin ee ah keenista ciidamada safka hore, bacdamaa ay ogsoon yihiin in ay tahay mid ay daneynayaan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo weliba Dowladaha IGAD, halkaasna waxaa ku hari doona marka ay dhabta timaado kuwo badan oo u sacabo salaaxanaya in ay diidmadooda ku helaan sunuud ay ku sii joogaan, maadaama aanu jirin mushaar la siiyo xubnaha baarlamaanka. Kuwa fikraddan ay u qarsan tahay shakigoodu waa mid meesha ku jira, wuxuuna Maxamed Qanyare ka digay in ciddii ka baxda maxkamad ay beesha ka dhex muteysan doonto.

Jilaaga ugu daran ee shakiga weyn laga qabay oo ahaa Xuseen Caydiid ayaa ugu dambeyntii lagu soo xero geliyay markii qodobada 30-ka ah ee lagu heshiiyay lagu weyneeyay xilkiisa wasiirnimo oo uu shaki ka qabay in dhinac laga bililiqeysanayo, waayo waxaa si cad loogu sheegay heshiiska in Wasaaradda Arrimaha Gudaha loo mari doono maamul u sameynta gobolka Banaadir, isla markaana uu isagu siyaasad ahaan hoggaamiyo inta saxiixday heshiiskii la gaaray, si maqsuud looga dhigo, loogana soo gooyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kagadaal markii ay xubnaha kale ka niyad jabeen safar uu Xuseen Caydiid ugu yimid magaalada Baydhabo.

Go’aanka ay ka qaateen diidmada ciidamada safka hore ee ay ku hanjabeen in ay ka baxayaan dowladda haddii la keeno golaha Baarlamaanka ayaa muujinaya in aaney daacad ka ahayn dhowrista Axdiga KMG ah ee ay u dhaarteen, kaasoo qaba in la raaco fikradda iyo go’aanka inta badan, waxayse u eg tahay in soo jeedinta arrintaas ay saxiixayaasha ku dhex jiraan xubno ay u qarsan tahay maqas ay ku kala jaraan dowladda Federaalka, waxayna gaartay in Muuse Suudi uu sheego in haddii uu C/llaahi Yuusuf uu ka laaban waayo dalabkiisa ay la mid tahay in aanu dalku madaxweyne lahayn, halka uu Cusmaan Caato ku hanjabay in ay dooranayaan madaxweyne cusub, laakin labaduba marna ma ogoleyn ciidamo safka hore iyo kuwo kaleba.

Qorshaha ay soo bandhigeen hoggaamiyayaashan ee sugidda ammaanka caasimadda iyo maamul u sameynta ayaa u muuqda mid aanu hirgelintiisa dhab ka ahayn oo ay kaliya ku muujinayaan in ay yihiin kuwo nidaam doon ah balse muhiimadoodu tahay sidii ay ku marsan lahaayeen diidmadooda ciidamada safka hore amaba caga jugleyntooda loogu arko qatar ku timid dowladda, waayo waxaa horay u jiray qodobo ay qaarkood horay u gaareen oo 9 qodob ka koobnaa oo isla Muqdisho ku saabsanaa, sida Cali Mahdi iyo Jen. Caydiid oo heshiis 9 qodob ka koobnaa maamul ugu sameyn waayay Muqdisho iyo mar kale Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid oo La-Guddoomiyeyaal ah oo uu sidoo kale shaqeyn waayay heshiis 9 qodob ka koobnaa, halka TNG-dii C/qaasim iyo Golihii Samatabixinta Muuse Suudi oo 10 qodob caasimadda nabad ugu keeni waayay, markaas intee la egtahay rajada in 30 qodob ay hoggaamiyayaal kala ujeedo ah wax uga qabtaan Muqdisho, tiiyoo ay ganacsatada iyo Maxaakiimta Islaamiga ah oo ka soo horjeeda ay leeyihiin soo gudbiya tirada hubkiina iyo ciidankiina. Waxaa hubaal ah in todobaad kadib iska daa in heshiiskan la fuliyee ay mar kale kala dhuuman doonaan, iyagoo dhexdooda isu careysan yihiin sidii lagu yaqiinay oo midba midka kale uu mar eedeeyo, haddiise ay ka dhabeyn lahaayeen waxay dan we-yn u noqon lahayn dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana kuwa reer Muqdisho iyo Dowladda Federaalka intaba.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 




Xukuumadda Prof. Geedi oo barnaamijkii ay u gudbisay Baarlamaanka aan ku xusin ciidamo ka socda dalalka safka hore balse xeelad kale isticmaashay

Sabti, March 12, 2005 (HOL) @20:30GMT: Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xukuumadda Prof. Cali Maxamed Geedi ay barnaamijkii ay u gudbisay Guddoonka Baarlamaanka ee ku saabsanaa keenista Ciidamada Shisheeye aaney ku xusin Ciidamo ka socda Dalalka Safka hore in la geeyo gudaha Dalka Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in arrintaas bedelkeed ay Xukuumaddu ku caddeysay qoraalkeeda in ay Xubnaha Baarlamaanka ay cod u qaadaan in Soomaaliya la keeno kaliya ciidamo Shisheeye oo wax ka qabta ammaanka iyo goobaha ay degeyso Dowladda iyo weliba Xarumaha kale ee muhimka u ah ilaha dhaqaalah.

Xukuumadda Prof. Geedi ayaa ka rajeyneysa Xildhibaanada Baarlamaanka in ay codka u qaadaan in loo baahan yahay Ciidamo shisheeye iyo in kale taasoo laga yaabo in ay meesha ka saarto digniintii ay Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Hawiye ka bixinayeen in haddii lagu soo daro doodda Baarlamaanka Ciidamada safka hore ay gebi ahaanba ka bixi doonaan Dowladda.

Doodda arrintan ayaa la filayaa in ay muran badan dhaliso, maadaama aaney Xildhibaanada badankood diidaneyn keenista ciidamada shisheeye balse ay kuwa ka soo horjeeda dalalka safka hore ku adkeysan karaan in Baarlamaanku uu caddeyn ka bixiyo nooca dalalka ay ciidamada ka imaanayaan ka hor inta aan loo gudbin cod bixinta, waxaana laga yaabaa in Xukuumaddu xeelad ahaan ay u soo gudbiso qorshahaas in si isku duub ah loogu codeeyo in la keeno ciidamo shisheeye oo markaas kadib ay ku jiri karaan kuwa dalalka safka hore.

Qoraalka Xukuumadda oo uu xiligan gacanta ku hayo Guddoonka Baarlamaanka ayay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in ay jirto fikrad ah in guddi gaar ah oo baarlamaanka ka tirsan loo saaro barnaamijka Xukuumadda ee keenista ciidamada ka hor inta aanan codka maya iyo haa loo qaadin.

Weli ma jiro waqti sugan oo loo qabtay kulanka baarlamaanka ee doodda barnaamijka ay Xukuumaddu iska soo gudbisay, waxayna warar kala duwan ay sheegayaan in dabayaaqada todobaadkan ay qabsoomi doonto doodda arrintaas, gaar ahaan marka ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihiisa u amba baxaan Xarunta Jaamacadda Carabta oo ah magaalada Qaahira ee dalka Masar, halka ay warar kalena sheegayaan in lala sugi doono soo laabashada wafdigaas uu hoggaaminayo Madaxweynaha, iyadoo dhinaca kalena ay magaalada Entebbe ee dalka Uganda ay ka socdaan kulamo looga hadlayo sidii ciidamo ka socda dalalka IGAD loo keeni lahaa Soomaaliya, waxaana sidoo kale la sheegayaa in laga yaabo in uu kulan labada maalmood ee soo socda uu dhexmaro Madaxweynaha Dalka Kenya Mr. Mwai Kibaki iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Sh. Aadan, kaasi oo ku wajahan muranka ka taagan xiisaddan ee ay ku kala qeybsan yihiin Xubnaha Dowladda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






 





Hiiraan Online
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2004 Hiiraan Online