Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News




C/llaahi Shiikh Xasan oo maanta saxaafadda u soo bandhigay Kaarto ay Dowladda Itoobiya ku qabsaneyso Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya

Arbaco, March 02, 2005 (HOL) @18:00GMT: C/llaahi Shiikh Xasan oo ka mid ahaa Wafdigii Xaqiiqo raadinta, dhowaana lagu xiray deegaanada Puntland ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ku faah faahinayay gunta hoose ee wixii lagu xiray, isagoo sidoo kalena soo bandhigay Kaarto Mileteri oo ay diyaariyeen Saraakiil Soomaaliyeed oo ay Ciidamo ka socda dowladda Itoobiya ku qabsanayaan magaalooyin ka tirsan dalka Soomaaliya.

C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu ka qiseeyay safarkii guddigii xaqiiqo raadinta min Muqdisho ilaa Puntland, isagoo caddeeyay in guddigan uu ahaa mid aanan la mid ahayn guddiyadii xaqiiqo raadinta ee horay u yimid Soomaaliya sanadihii 2003 oo labo jeer ahayd, 2004 iyo 2005, wuxuuna intaas ku sii daray in xubnaha wafdigan ay u badnaayeen saraakiil ciidan, kuwii uu yaqiinayna uu kaliya kala socday rag uu ka xusay Dr. Edmore Kambudzi oo Midowga Afrika ka socday.

C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu meesha ka saaray warar ka soo baxay maamulka Puntland oo sheegayay in uusan ka mid ahayn wafdigii xaqiiqo raadinta, wuxuuna maanta soo bandhigay oo uu saxaafadda tusay dukumiintiyo caddeynayay in uu wafdigaas ka tirsanaa.

C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in socdaalkii guddiga Xaqiiqo raadinta ee socdaalka ku maray deegaano ka tirsan Soomaaliya intii u dhaxeysay 14-kii ilaa 27-kii bishii hore ee Febraayo uu ahaa mid ujeeddo gaar ah laga lahaa, isla markaana lagu uruurinayay warbixinnada dadka, gaar ahaan kuwa qaba fikirka in ciidamo shisheeye dalka la keeno.

"Waxaa ila soo hadlay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika Md. Maxamed Cali Foam, kaasi oo iga codsaday in aan guddiga xaqiiqo raadinta la shaqeeyo inta ay joogaan Muqdisho, una diyaariyo dadka ay la kulmayaan iyo tas-hiilaadka kale ee ay u baahan yihiin, taasina waxay caddeyneysaa in aan Guddiga ka mid ahaa" ayuu yiri Md. C/llaahi Shiikh Xasan oo intaas ku daray in intii uu la socday wafdiga oo meelo ka mid ah Muqdisho booqanayay in uu arkay waxyaabo ka dhan ah howlaha xaqiiqo raadinta ah ee loo soo xil saaray.

"Markii Guddiga howshiisii Muqdisho ka dhameystay ayaan si iskey ah u goostay in aan u raaco meelaha kale ee ay dalka ka booqanayaan bacdamaa aan arkay waxyaabo aan indhaha laga qabsan karin, Meelihii ay Muqdisho Guddiga ka tageen waa laga diiday in ciidamo shisheeye la keeno dalka Soomaaliya, inkastoo ay jireen dad qabay in ciidamo la keeno balse aan lagu soo darin kuwa dalalka safka hore" ayuu mar kale yiri Md. C/llaahi Sh. Xasan oo caddeeyay in meelihii ay wafdigu booqanayeen ee uu la tegay uusan Guddigu wax mushaar ah ku lahayn, si iskiis ahna uu isu dabarayay.

"Waxaan tagnay Jowhar, intii aan halkaas ku sugneyn ayuu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Xiriir la soo sameeyay Jen. Badmaceeye, isagoo weydiiyay wixii u qabsoomay, Muqdisho dadkii ay kula kulmeen sida uu fikirkooda ahaa iyo wixii uu ahaa Bamkii Muqdisho ku qarxay ee Mootada lagu soo xiray" ayuu hadana yiri C/llaahi Sh. Xasan oo sheegay in meeshaas ay wax uga baxeen, meeshana uu ku jiray qorshe weyn oo ay madaxda dowladda ku lug leedahay.

C/llaahi Sh. Xasan wuxuu shirkiisa ku soo bandhigay Kaarto magaceedu yahay Mogadishu Area Operation, taasoo uu caddeeyay in uu diyaariyay Jen. Cusmaan Shiikh Badmaceeye, wuxuuna isagoo sharaxaya kaartadaas uu yiri "Sida aad u jeedaan waxay tilmaameysaa kaartadaan weerar ku soo socda Gobollada Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka, weerarkaasoo ay soo qaadayaan ciidamo 11 kun gaaraya oo ay leedahay Dowladda Itoobiya, waxaana u qorsheysan in ay gobolladaas kala gooyaan, kadibna ay Gobolka Banaadir ka soo galaan labo waddo oo ah tan Afgooye iyo tan Balcad oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

"Arrintaas waxaan si fiican u ogaadya markii aan tagnay Baydhabo, xiligaasoo uu Jen. Badmaceeye saraakiil reer Baydhabo ah u sheegay in ay u diyaargaroobaan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamo Itoobiya ka imaanaya, isla markaana ay miinooyinka ka saaraan deegaanada Xuduudka ku yaala, haddiiba ay jiraan meelo horay loo miineeyay, sidoo kalena ay soo sahmiyaan meesha ay gobollada Bay iyo Shabeelaha Hoose isaga xirmaan" ayuu ma kale yiri sarkaalkaas la socday Guddigii Xaqiiqo raadinta.

Baydhabo ayuu sheegay C/llaahi Sh. Xasan in uu hadana mar kale kula soo hadlay Jen. Badmaceeye C/risaaq Jurille oo ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Federaalka, kaasi oo Jananka weydiiyay halka ay wax u marayaan, kana codsaday inta uusan Baydhabo ka bixin in uu xaqiijiyo waddooyinka ka baxa Baydhabo ee xiriirka la leh gobollada kale ee howlgalku ku wajahan yahay.

"Markaas waxaan weydiiyay waxa loo socdo xaqiiqo raadin iyo in dalka la kala googooyo oo ciidamo aysan dadka raali ka ahayn lagu soo hoggaamiyo, wuxuuna ii sheegay Jananku in isagu uu yahay nin arrimo farsamo ahaan loogu soo daray, balse go'aanka arrintaas uu yahay mid lagu gaaray shirkii Abuja ka dhacay ee ay isugu tageen madax Afrikaan ah ee uu ka mid ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed" ayuu mar kale yiri C/llaahi Sh. Xasan oo maanta hurdada uga kiciya dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda dhegeystay warbixintiisa Sir Culus iyo Dibindaabyo lala soo maaganaa.

Sida aan la wada soconayba C/llaahi Sh. Xasan intii uu ku sugnaa Baydhabo wareysi ayuu BBC-da siiyay, kaasi oo uu si fikriyan ah u sheegay in aaney dadka dooneynin in dalka Soomaaliya la geeyo ciidamo ka socda dalalka safka hore, taasina wuxuu sheegay C/llaahi Sh. Xasan in ay ka caroodeen mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika oo ninkii hoggaanka u ahaa ku soo canaantay in aaney wanaagsaneyn waxa uu ku hadlay.

Warbixintiisa ayuu sii watay, wuxuuna sheegay in ay tageen magaalada Beledweyne oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kadibna ay uga sii gudbeen magaalada Gaalkacyo oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirro ka socday maamulka Puntland oo uu ka xusay C/raxmaan Faroole iyo Saciid Jaamac Qoorsheel, kuwaasoo markii ay wafdiga caga dhigeenba weydiiyay wafdiga qofka la yiraahdo C/llaahi Sh. Xasan, dabadeedna uu isu sheegay, meeshaas waxaa iiga muuqatay ayuu yiri in aan ahay nin tilmaan gaar ah u leh.

"Intii aan joognay Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta maamulka Puntland ayaa waxaa dood na dhexmartay aniga iyo Wasiirradii, waxaana dooneynay in aan booqano qeybta kale magaalada maadaama ay ku nool yihiin dad kale oo aan maamulkooda ka tirsaneyn, taasina aad ayay uga dhiidhiyeen raggii maamulka Puntland ka socday, waxayna ku doodeen in ay Mudug iyaga ka wada taliyaan, markii ay sidaas yiraahdeen ayaan ku iri goorma ayaad wada qabsateen, sanadkii hore 2004 markii aan imaaneynay ma heysane?, adigu calaa ayi xaal waan booqanay dhinacii kale waxayna noo sheegeen in aysan dooneyn in dalka la keeno ciidamo shisheeye, gaar ahaan kuwa safka hore" ayuu warbixintiisa ku sii daray C/llaahi Sh. Xasan.

Kadib Wafidii waxay u gudbeen magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka Puntland, waxayna halkaas kula kulmeen mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxweyne Cadde Muuse, kaasi oo ay warbixin ka dhegeystay, "Kadib waxaa la gaaray xiligii ay wafdiga Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka degayeen Garowe, waxaana noo yimid mid ka mid ah Wasiirrada maamulka Puntland, kaasi oo nagu wargeliyay in aan ka baxno Hotellka aan ku jirno oo aan Madaxweynaha wax ka soo dhaweynayo, waxaanse u sheegay in aan howl u joogno Garowe, soo dhaweyna aysan howsheena ahayn, kadib wuxuu igu yiri ma adigoo Puntland jooga ayaad sidaas u hadleysaa, anna waxaan mar kale ugu jawaabay Madaxweynuhuba xalay wuxuu joogay Jowhar, dhulkiisana ma ahayn" ayuuna yiri.

C/llaahi Sh. Xasan waxaa uu sheegay in intii uu Puntland joogay si gaar ah dhaqdhaqaaqyadiisa loola socday ilaa la gaaro ugu dambeyntii in laga qaado Taleefoonkiisii Mobile-ka ahaa, Baasaboorkiisii iyo Dukumiintiyo kale oo uu watay, iyadoo mar lagu armay uu diro dhamaan Nambarrada ku keydsan taleefoonkiisa, isla markaana uu weydiiyo sida ay u arkayaan booqashada wafdiga Madaxweynaha, in ciidamo shisheeye dalka la keeno iyo weliba in caasimadda la wareejiyo, markaas wuxuu u sheegay C/llaahi Sh. Xasan dadkii amarkaas siiyay in aysan taasi suurtageleynin maadaama nambarrada ku keydsan taleefankiisa ay ku jireen dad dhoofay, kuwo dhintay iyo weliba kuwo uusan dooneynin in uu la hadlo.

"Iyadoo xoriyadda sidaas la iiga qaaday, xabsi ku yaala Garowe-na la igu xiray ayaa nin ka socday Jaamacadda Carabta oo wafdigana ka tirsanaa waxaa uu isku dayay in uu la hadlo raggi meesha igu xiray, waxayna ugu jawaabeen isagana haddii uu soo dhaafo Diblumaasinimadiisa in ay isna xirayaan, sidaas ayuuna isaga gaabsaday" ayuu hadalkiisa ku sii daray C/llaahi Sh. Xasan oo intaas sii raaciyay in isagoo aanan dib loogu soo celin Taleefoonkiisii, Baasaboorkiisii, iyo Alaabo kale oo laga reebay diyaarad laga soo saaray magaalada Gaalkacyo, taasoo keentay Garoonka No. 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ka soo degay Shalay subaxnimadii.

Sirtan culus ee uu maanta daaha ka rogay C/llaahi Sh. Xasan ayaa qabsatay magaalada Muqdisho kadib markii ay isu dhiib dhiibeen dadka Muqdisho oo Idaacadaha kala socday, waxayna sirtan noqoneysaa mid dadka Soomaaliyeed ku sii fogeyneysaa cadaawadda ay u qabaan Dowladda Itoobiya oo iyadu u soo baxbaxsaneysa in ay Ciidamo ay iyadu la baxeyso dhaqaalaha ku baxaya u soo direyso Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online