Afar
Gabdhood oo mataano ah oo ku dhashay Isbitaalka
Guriceel ee Gobolka Galgaduud |
Afar gabdhood oo mataana ah ay ku dhashay
Isbtilaaka Tuulada Guri Ceel oo ka tirsan
gobolka Galgaduud.gabar
Waalidiinta dhalay mataanahan oo la kala
yiraahdo Jamaad Cabdi Siyaad iyo Nuur Warsame
Fiidow oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay
inay ka yimaadeen dhulka baadiyaha ah ee agagaarka
Guriceel oo ay markii ay Jamaad Foolatay ay
dhashay gabarta ugu horreysa ay si aad ah
u dhiigbaxday kaddibna loola soo cararay Isbitaalkan,
oo ay markaas 24 saac dabadeedna ay dhashay
saddexda gabdhood ee kale.
Waalidiinta carruurtan oo ay ka muuqato dhibaatooyin
badan ayaa waxay ii sheegeen inay si weyn
ugu qanacsan yihiin daryeelkii caafimaad iyo
waliba gurmadkii ay ka heleen Isbitaalkan.
Qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa
ii sheegay inay hooyad caruurtan ay ku shuubeen
Dhiig, kana daaweeyn cudurka maleriayada oo
si xun u hayay Jamaad cabdi.
Haddii aad rabto
inaad kaalmeyso Afarta gabdhood ee mataanaha
ah iyo waalidiintooda waxaad kala soo
xiriir kartaa e-mailka ah : mataanaha@hiiraan.com
|
Waxaa isla Isbitaalkaas lagu qabtay xaflad
Saanad Guurada 1aad ka soo wareegtay aasaaska
Istarliin Hospital. Xafladdan oo si weyn loo
soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay
marti shaaf ka kala socotay gobolada Hiiraan,
Mudug iyo dhammaan degmooyinka uu ka kooban
yahay gobolka Galgaduud.
Furitaankii shirkan ayaa waxa ugu horreyntii
halkaas hadallo warbixin ah ka soo jeediyay
Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Mr.
Cali Cumr Tarabi oo ka warbixiyay
xaaladda guud ee Isbitaalka, sidoo kale waxa
halkaas warbixinta caafimaad ee sannadka halkaas
ku soo bandhigay Kalkaaliye Sare C/Qaadir
Xirsi Rooble, si qoto dheerna u faahfaahiyay
howlaha guud ee uu isbitaalku qabtay muddadii
sannadka ahayd ee uu isbitaalkani furnaa.
Sidoo kale waxa halkaas hadal aad u qiimo
badan ka soo jeediyay agaasimaha Isbitaalka
Dr. Cabaas Max’ed Warsame, waxana uu
sharraxaad dheer ka bixyay sida loogu guulaystay
Aasaaskii Isbitaalkan, oo haddii ay dadku
isku dayaan inay wax samaysan karaan, taa
oo uu dhakhtarku ku macneeyay in saanad ka
hor aysan jirin wax Isbitaalka ah, balse hadda
ay leeyihiin dadka gobolada dhexe Isbitaal
iyo waliba daryeel caafimaadba.
 |
Dr. Cabaas ayaa waxa uu ku nuux nuuxsaday
kana cawday dadka bukaanka ah qaarkii oo uu
ku eedeeyay ayagoon sheegin cudurka haya ama
sida lo ohayo uu qofku amrayo dhakhtarka ama
ka codsanayo in uu Raajo u diro ama dawada
noocaas ah ha laysiiyo leh, taasoo uu ku tilmaamay
dhakhratku inay tahay wacyigelinta ama baraarujinta
caafimaad ee dadka inay liidato. Dhanka kale,
waxa uu dhakhtarku ka codsaday in ay Haweenku
Nuujiyaan Ubadkooda, haddii kale uusan ilmuhu
ka baxaynin caafimaad darro, waxana uu dhakhtarku
halku dhigga sannadkan ka dhigay inuu noqdo
sannadka Naasnuujinta Caruurta taasoo kaga
codsaday guud ahaan haweenka Soomaaliyeed
gaar ahaan haweenka gobolada dhexe inay qaataan
farriintaas oo ay sannadka dambena kororto
tirade haweenka carruurtooda naaska nuujiya.
Xasan Sheekh Nuur Rooble oo ka mid ah Jaaliyadda
Soomaalida Gobolada dhexe ee deggan dalka
Ingiriiska oo halkaas ka hadlayay ayaa waxa
uu si aad ah ugu cel celiyay in dadka deggan
gobolda dhexe ay soo sameeyaan soo jiidasho
ay Soomaalida kale kula noolaadaan gobolka
uusannan noqon meel Qabiil kaligii deggan
yahy. Dh anka kale waxa uu ka codsaday kuna
adkeeyay dadkii halkaas isugu yimid in ay
sameeyaan Qaaraan lacag loogu aruurinayo dadka
bukaanka ah ee jiifa Isbitaalka si looga dhigo
raashin, halkaasoo ay dadkii halkaas isugu
yimidna ay ka oggolaadeen.
 |
Haddaba intiisa aan ku sugnaa gudaha isbitaalka
ayaa waxan halkaas ku arkay gabar Soomaaliyeed
oo Isbitaalkan ku dhashay 4 gabdhood oo mataano
ah, waalidiinta mataanahan oo lakala yiraahdo
Nuur Warsame Fiidow iyo Jamaad Cabdi Siyaad
oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay inay
ka yimaadeen dhulka baadiyaha ah ee agagaarka
Guriceel oo ay markii ay Jamaad Foolatay ay
dhashay gabarta ugu horreysa ay si aad ah
u dhiigbaxday kaddibna loola soo cararay Isbitaalkan,
oo ay markaas 24 saac dabadeedna ay dhashay
saddexda gabdhood ee kale.
Waalidiinta carruurtan oo ay ka muuqato dhibaatooyin
badan ayaa waxay ii sheegeen inay si weyn
ugu qanacsan yihiin daryeelkii caafimaad iyo
waliba gurmadkii ay ka heleen Isbitaalkan.
Qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa
ii sheegay inay hooyad caruurtan ay ku shuubeen
Dhiig, kana daaweeyn cudurka maleriayada oo
six xun u hayay Jamaad cabdi, ugu dambeyntiina
ay ku guuleysteen inay si buuxda uga daweeyaan.
Guud ahaan xafladdii manta ayaa ku dhammaatay
jawi wanaagsan oo farxadeed
Aadan Xasan Bashiir
Hiiraan Online
Guriceel, Galgaduud
|