Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News



BAAFIN: Yaa Garanayo Wiilkaan Soomaaliyeed ee ku Jira Isbiltaal ku yaala magaalada Houston

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Mareykanka waxaan ka codsaneynaa in ay gacan ka geystaan helitaanka eheladii iyo qaraabadii wiil Soomaaliyeed oo ku jira Isbitaalka Ben Taub General Hosipital oo ku yaala magaalada Houston ee gobolka Taxes.

Wiilkan Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Cabdullahi Maxamuud ama (Maxamuud Cabdullahi) oo da'diisa lagu qiyaasay 25-30 jir, dhererkiisana lagu qiyaasay ilaa iyo 6' 4'', foolashiisuna yara dheer yihiin. Sawirka keliya oon ka helnay Cusbitaalka uu jiifo waa kan halkaan ka muuqda oo aan ka sii sawirnay kaar aan ka helnay "Wallet"kiisa. Wiilkan Soomaaliyeed ayaa waxa uu hadda ku jiraa waxa loo yaqaano "Deep Coma" ilaa bishan Jan 12keedii waxayna dhaqaatiirta iyo Booliskaba diideen in warbixin faahfaahsan ka bixiyaan ilaa iyo inta laga helayo eheladiisii. Cid taqaana oo ehel ama qaraabo la ahna waan ka waaynay magaalada Houston, Inkastoo aanu maqalnay in gabar walaashiis ah waqti hore ay deganaan jirtey magaalada Houston. Laakiin ma hayno gabadhaas. Waxaaynu maqalnay inay u guurtay Gobolka Ohio gaar ahaan magaalada Columbus.

Ciddii garaneysa wiilkaas Soomaaliyeed, fadlan deg-deg ha ula xiriiraan Isbitaalka
Ben Taub General Hospital
Main Number (713) 873-2000
Patient Information
(713) 873-2200

Wixii faahfaahin ah waxaad kala soo xiriiri kartaan walaalihiin jooga magaalada Houston, oo kala ah:
Sharmaarke Xaashi --------- Tel: (832) 455-5896
Mustafa Jaamac -------------- Tel: (281) 830-3143


Waxaa warbixintaan Baafinta ah (Jazakallah Kheyran) noo soo diray
Sharmaarke Xaashi
oo runtii xil gaar iska saaray sidii wiilkaan loogu raadin lahaa eheladiisa. Waxaa Sharmaarke lagala xiriiri karaa:
E-mail: [email protected]

 






 

Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online