Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News





Wararka Maanta Isniin - April 04, 2005










· Lix Wiil oo Soomali ah oo maanta dalka Sacuudiga Seef Qoorta looga jaray
· Dadka magaalada Beledweyne oo maanta cabsi soo wajahday kadib markii ay ku soo dhawaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah
· Sarkaal ka tirsan RRA-da Shaargaduud oo ku hanjabay in ay Baydhabo dagaal iyo nabad ku geli doonaan
· Ilaalada Madaxweynaha Puntland oo Xabsiga u taxaabtay Milkiilaha Idaacadda Midnimo ee magaalada Boosaaso
· Dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya oo ka wada hadlay U gargaaridda Agoonta, Hub ka dhigista Maleeshiyooyinka iyo wax ka qabashada sunta lagu aasay Badda Soomaaliya
· HAQDHAQAAQ BALLAARAN OO LAGU DOONAYO IN BURCADDA LOOGA SIFEEYO WADDADA DHEER EE MARTA GOBOLKA HIIRAAN OO KA BILLOWDAY GUDAHA BELED WEYNE












Lix Wiil oo Soomali ah oo maanta dalka Sacuudiga Seef Qoorta looga jaray

Isniin, April 04, 2005 (HOL)@20:30GMT: Lix Wiil oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay si burcadnimo ah u dhici jireen Tagaasida ka shaqeysa Gudaha Magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta Seef Qoorta looga jaray kadib markii sidaas lagu xukumay.

Wiilashan oo soo dhameystay xabsi lix sanadood ah oo lagu xukumay ayaa la sheegay in aysan wax shaqo ah ku lahayn dembiga lagu soo eedeeyay, wuxuuna Cabdi Nuur Maxamed Wehliye oo ka mid ah wiilasha qoorta laga jaray sheegay intii uu noolaa in xukunkooda uu ku dhacay sabab la xiriirta iyagoo aanan garaneyn Luuqadda Carabiga ah oo markaasina ay iska saxiixeen qoraal af-carabi ku qoran oo la soo hordhigay, kaasi oo ay suulka ku saxiixeen, waxaana loo maleeyay in ay maalintaas qoor gooyadooda saxiixeen, dembi aysan gelinna ay saxiixeen in ay ku lug lahaayeen.

Fal dembiyeedyada ceynkan oo kale ah ayaanan ahayn kuwo dil lagu muteysto haddii sharci kasta loo eego, waaba haddii ay galeene, waxaase yaabka yaabkiis ah in Dowaldda Sacuudiga oo la sheego in ay ku dhaqanto Shareecada Islaamka ay xukunkan ku riddo Dad Muslim ah oo dembi laawayaal ah.

Eheladda wiilashan qoorta laga gooyay oo aan qaarkood xiriir dhinaca isgaarsiinta Taleefoonka ah wada yeelanay intii ay noolaayeen Wiilashooda ayaa noo sheegay in aysan Ilmahooda wax lug ah ku lahayn dembiga lagu soo eedeeyay, iyagoo xiligaasina Muqdisho ka sameeyay dibadbaxyo ay ku dalbanayeen in la sii daayo, hayeeshee taasi ma suuroobin, waxaana maanta dhegahooda ku soo dhacay dhawaq ay ka naxeen oo ah in la qoor gooyay Wiilashadoodii.

Wiilashan oo markoodii hore ka kala tegay Gobollada Bay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Deegaanada Puntland ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Nuur Maxamed Wehliye, Cali Shiikh Yuusuf, C/fataax Cali Xasan, Xuseen Aadan Haaruun, Cabdalla Xasan iyo wiil kale oo uusan magaciisa noo suurtagelin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Dadka magaalada Beledweyne oo maanta cabsi soo wajahday kadib markii ay ku soo dhawaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah

Isniin, April 04, 2005 (HOL)@20:30GMT: Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dadweynaha magaaladaas ay cabsi weyn ka muujiyeen ciidamo Itoobiyaan ah oo 25km u soo jirsaday magaaladaas.

Idaacadda IQK oo soo xiganeysay Wariye Daahir Shire oo ah Saxafi ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dhaqdhaqaaq ciidan kii ugu ballaarnaa maanta laga dareemay gudaha magaalada, iyadoo gawaarida dagaalka iyo maleeshiyooyinkii saarnaaba la geliyay heegan sare, waxaana qof walba uu isu diyaariyay difaacidda magaalada, laakin waxay arrintu qabowday markii la maqlay in ciidamada Itoobiyaanka ah ay dib uga laabteen halkii markii hore ay yimaadeen.

Waa markii ugu horeysay oo ay magaalada ku soo dhawaadaan ciidamo Itoobiyaan ah iyadoo horay loo ogaa in ay ku egyihiin xuduudda. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo maamulka Gobolka Hiiraab toona.

Dhinaca kalena, gawaari gaareysa 9 gaari oo u badan kuwa waa weyn ee xamuulka ayaa weli ku xayiran gudaha magaalada Beledweyne, iyadoo beryahaana ay socotay dadaal la xiriira sidii lagu sii deyn lahaa gaadiidkaas, waxaana howshan waday guddi ka yimid degmada Guri Ceel iyo xubno Reer Beledweyne ah oo uu ku jiro Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, kuwaasi oo ku dadaalaya sidii loo sii deyn lahaa gaadiidkaas

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Sarkaal ka tirsan RRA-da Shaargaduud oo ku hanjabay in ay Baydhabo dagaal iyo nabad ku geli doonaan

Isniin, April 04, 2005 (HOL)@20:30GMT: Shiikh Mukhtaar Maxamed C/raxmaan oo ka tirsan saraakiisha RRA-da, garabka Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka ah Col. Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha Talaadada iyo Arbaca ama Khamiista ay ku sii jeedaan magaalada Baydhabo oo horay looga soo saaray.

Sarkaalkan oo ahaa Milkiilihii gaari Tikniko ah oo dhowaan lagu gubay magaalada Baydhabo , isla markaana uu dagaalkii ka dhacay Baydhabo ka bilowday gubitaanka gaarigaas ayaa ku hanjabay in dagaal iyo nabad wixii lagala horyimaado ay ku geli doonaan magaalada Baydhabo, isagoo xaqiijiyay in ay wataan hub iyo ciidamo ku filan oo xitaa ay ku jiri karaan kuwo Itoobiyaan ah.

Shiikh Mukhtaar Maxamed C/raxmaan ayaa intaasi ku daray in maleeshiyooyinkooda iyo kuwa Sh. Aadan Madoobe ay saakay subaxnimadii dhoolatus ku mareen dariiqyada magaalada Xudur, si ay isugu diyaariyaan weerar uu ku tilmaamay mid lagu xoreynayo Magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale Wasiirradii iyo Xildhibaanadii beryahaanba ku sugnaa Gobolka Bakool ayaa maanta waxay booqdeen Tuulooyin ka tirsan gobolkaas, iyagoo kala hadlay dagaalka ay ku qaadi doonaan magaalada Baydhabo iyo sidii ay taageero uga heli lahaayeen dadweynaha gobolka Bakool.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Ilaalada Madaxweynaha Puntland oo Xabsiga u taxaabtay Milkiilaha Idaacadda Midnimo ee magaalada Boosaaso

Isniin, April 04, 2005 (HOL)@20:30GMT: Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ilaalada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ay maanta xabsiga u taxaabeen C/shakuur Mire Aadan oo ah Milkilaha Idaacadda Midnimo ee magaalada Boosaaso oo horayna u soo ahaa Madaxii Hay’adda Naisha ee maamulka Puntland u qaabilsan dhinaca Dayactirka Waddooyinka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ilaaladu ay C/shakuur ka qafaasheen subaxnimadii hore ee saakay xarunta Idaacadda Midnimo ee magaalada Boosaaso. C/naasir Mire oo ay walaalo yihiin C/shakuur Mire ayaa HOL u sheegay in la yaab uu ku noqday xariga loo geystay walaalkiis maadaama uu ahaa la taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Puntland.

C/naasir Mire waxaa uu sheegay in ay dhici karto in walaalkiis loo xiray arrimo siyaasad ku lug leh waayo ayuu yiri C/shakuur waxaa uu dhaliili jiray siyaasadda madaxweynaha Puntland Jen. Cadde, isagoo weliba taageersanaa mowqifka dadka Soomaaliyeed ee ku wajahan in aan ciidamo ka socda dalalka safka hore la geynin Soomaaliya.

C/naasir Mire Aadan waxaa uu sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo fal dembiyeedyo lagu hayo, kuwaasi oo aanan la soo xirin, isla markaana aan maxkamad la soo taagin, inkastoo uu ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto magacyada mas’uuliyiintaas oo uu sheegay in ay Wasiirro ka yihiin maamulka Puntland.

Warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan xariga C/shakuur ayaa sheegaya in ay dacwad ku soo oogtay Hay’adda Hanti dhowrka ee Maamul Goboleedka Puntland, taasoo loo maleynayo in ay la xiriirto maareyn xumo lacageed oo ah xiligii uu madaxda ka ahaa Hay’adda Naisha, inkastoo aanu jirin ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay maamul goboleedka Puntland oo ku saabsan xariga ninkaa odayga ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee C/shakuur Mire Aadan ayaa wasiir ku xigeenka Warfaafinta ka ahaa maamulka hore ee Puntland ee uu madaxweynaha ka ahaa Col. C/llaahi Yuusuf, inkastoo uu muddooyinkan dambe mucaaradsanaa siyaasadaha madaxweyne C/llaahi Yuusf iyo Jen. Cadde.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya oo ka wada hadlay U gargaaridda Agoonta, Hub ka dhigista Maleeshiyooyinka iyo wax ka qabashada sunta lagu aasay Badda Soomaaliya

Isniin, April 04, 2005 (HOL) @21:00GMT: Raiisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka KMG, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Inj. Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa shalay kulan aad muhiim ah oo saameynayay sidii wax looga qaban lahaa sunta ay soo saartay dulgariirki Sunaamida iyo wax u qabashada Caruurta agoonta ah ee hore ay Hay'adda Xarameyn gacanta ku haysay la yeeshay agaasimaha guud ee Hay'adda masuulka ka ah Hay'adaha Samafalka iyo maalgalinta ee Qadaafi Al sayid Saalax Cabdisalaam Saalax.

Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa La-taliyaha Raiisul wasaaraha ee dhinaca Carabta Cabdulqaadir Xasan Yabarow, wuxuu Agaasimaha Guud Al-sayid Saalax
kulankaasi ku cadeeyay in Dowladda Liibiya ay wax ka qabaneyso, ayna u qorsheysay Dhaqaale arrinta Sunta ay soo saartay Tsunami oo dalka Soomaaliya Badaheeda iyo dhulkeeda lagu xabaalay.

Al-sayid Saalax Cabdisalaam wuxuu intaa raaciyay in ay wax ka qabashada arrintaasi la kaashan doonaan Qubaro caalami ah oo aqoon gaar ah u leh, dadka ku waxyeeloobayna lagula tacaali doonaan dhinaca caafimaadka.

Sida HOL soo gaarsiiyay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) oo la socda wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Dalka Liibiya, Agaasimaha guud wuxuu ku xigeenka Ra'iisul Wasaaraha u
balanqaaday inay xafiis ka furan doonaan dalka Soomaliya ayna la shaqeyn doonaan dowlad, isagoo balanqaaday in ay la wareegi doonaan caruurta agoonta
ah oo ay u fidin doonaan waxbarsho iyo daryeelka kale ee ay u baahan yihiin, taasoo uu caddeeyay inay noqon doonaan waxyaabaha ay sida dhaqsiinyaha ah wax uga qaban doonaan halka ay wajiga labaad uu qorshaha ugu jiro inay wax u qabtaan haweenka iyo ciidamada dhallinyarada ah ee Maleeshiyooyinka sidii ay hubka isaga dhigi lahaa looguna abuuri lahaa mihnado ay ku shaqeystaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




DHAQDHAQAAQ BALLAARAN OO LAGU DOONAYO IN BURCADDA LOOGA SIFEEYO WADDADA DHEER EE MARTA GOBOLKA HIIRAAN OO KA BILLOWDAY GUDAHA BELED WEYNE.

 

Dadaal ballaaran oo lagu doonayo in burcaddan jidgooyada ka sameysatay wadda dheer ayaa maalmahan ka socday gudaha Beled weyne. Howshan oo ah mid baaxad weyn oo ay hormuud ka yihiin dhalliyrao reer Beled weyne ah oo ka kala yimid waddama Yurub iyo America oo ayagu si gaar ah booqasho ugu yimid dadkooda ayaa waxay ii sheegeen inaan arrimahan indhaha laga qabsan Karin oo ay waajib tahay in talaabo deg deg ah laga qaado arrimaha ammaan daro ee ka siidaraya.

 

Waxa Masaajidada lagu arkayay maalmihii la soo dhaafay dad safar ah oo xiliyada salaadda la tukado kaddib ka istaaga masaajirdka, kana codsada dadka Muslimiinta ah inay u soo dhiciyaan dharkooda oo lagu iibinayo meel aan masaajidka saas uga sii fogayn, laguna iibinayay dhar isugu jiray kuwa raga iyo dumarkaba, sida Macwisyo, iyo xijaabyada haweenku xirtaan oo kala nooc ah oo aan indhahayga saaray waliba dhowr jeer, balse waxa duruufo amaan daro ee jira aawgeed ii saamixi waayay inaan sawiro ka soo qaado.

 

Haddaba dhallinyaradan oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada reer Beled weyne ayaa waxay tashi badan la sameeyeen Ugaasyada, Odyaasha dhaqanka iyo wax garadka bal sidii ay howl galkoodan uga mira dhalin lahaayeen, waxayna heleen dad badan oo si mutadawacnimo ah ula shaqeeynaya una badan ganacsaada Beled weyne.

 

Intaas kaddib, waxa dhallinyaradan si cad u sheegeen inaysan wax siyaasad ah, ama maamul gobol aysan hunguriyaynin, basled uu damqiyay dhibaatada laxaadka leh ee amman darro oo maanta ka taagan gobolka, waxayna ugu horreyntii ka codsadeen dadka ay ku sheegeen inay ka dambeeyeen jidgooyinka sida aadka ah isugu dhow dhow oo ah qaar ka mid ah maamulada la sheego inay ka jiraan Gobolka, taasoo sababtay in lagu fashilmo sugidda ammaanka gobolka, gaar ahaan Beled weyne.

 

Waxa jiray codsi ay ula tageen dhallinayadan in bal marka hore ay la hadlaan raggan maamulada sheeganaya oo ay ka soo qaataan ciidamada halkaas ka jira, si loo ogaado inta ay la egtahay awooda burcaddu "Waaba haddii ay burcd cidna ka amar qaadanin ay wadda jirto" Arrintan ayaa haddaba waxa si cara leh uga jawaabay Mr. C/Kariin Faarax Laqanyo oo isgu madax ka ah maamulka midland, horeyna u sheegay inuu hantidiisa ku bixiyay inuu dib ugu dhiso gobolka, waxan uu arrinkaas loola yimid sheegayna inay qeyb ka tahay dulmi lagu doonayo ina lgu burburiyo maamulkisa, oo ay ka dambeeyaan qolyo uu ku sheegay inay yihiin AL-ITIXAAD.

 

Dhanka kale warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Guddoomiyaha Aminga iyo Amaanka ee Maamulkii Gobolka Mr. Shariif Fidhig ayaa waxay tibaaxayaan inuu sheegay in uu ciidamadiisa kala soo bixi doono waddada haddii uu marka hore Mr. Laqanyo iyo ciidankiis Midland ay sidaas yeelaan.

 

Sidoo kale, waxa saakay dib ugu soo laabtay magaaladan Beled weyne Mr. Laqanyo oo ay la socdeen ilaaladiisa, kana yimid meelo ka mid ah dalka Ethiopia oo uu maalmahan dambe isaga daba noqonayay. Gawaarida uu watay oo ahaa kuwa dagaalka oo uu isgu leeyahay ayaa waxa ka muuqatay culeys farabadan waxayna dadku micneeyeen inay hub iyo rasaas ay ku raran yihiin oo uu kala yimid Ethipia. Wax yar kadidb markii uu gaaray halka xarunta u ah Midland ayaa waxa la mqalayay dhawaqa rasaas xooggan oo cirka loo ridayo socotayna muddo ku dhow 15-20 daqiiqadood ah, taasoo ay markale dadku ku macneeyeen siyaabo kala duwan oo uu qofwalabana sheegayay waxa ay la tahay.

 

Aadan Xasan Bashiir

Hiiraan Online

Beled weyne

[email protected]






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online