Arab News



Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka "Canada" oo ku bannaanbaxaday safaaradda Sacuudiga ee magaalada Ottawa

Jimco, April 29, 2005(HOL) Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Canada ayaa si lixaad leh isugu soo baxay bannaanbax loo soo horjeedo dilkii lixdii dhallinyaro ee soomaaliyeed ee bishii April 4teed surka looga jiray dalka Sacuudiga.

Bannaabaxaan oo si xoog leh loo soo agaasimay iskana kaashadeen dhammaan Ururada Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ayaa wax uu ka hor dhacay Safaaradd Sacuudiga ay ku leedahay magaalada Ottawa.

In kastoo uu da'yey roob lixaad leh, haddana waxba uma dhimmin bannaanbixii waxaana halkaas ka muuqatay qiiro iyo qayladhaamo ba'an.

Bannaanbaxaan oo ka soo qaybgaleen dhallinyaro, culumaaudiin, aqoon yahano iyo madaxda Ururada kala duwan ee Soomaaliya. Dadweynihii ka soo qaybgalay bannaanbaxaas oo watay Boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo ay ka mid yihiin " We Demand Answers Now", " The Beheading of the six(6) Somalis by the Saudi Government was Injustice", "Saudi Kingdom of Killers" iyo qoraalo kale oo aad ka arkidoontaan sawirada laga soo qaaday bannaanbax.

Halkaan ka dhageyso warbixinta Bannaabaxa - Cabdulkaidr Guled

Lix dhallinyaro ah oo magacyadooda la kala yiraahdo Cali Sheikh Yuusuf, CabdulFatarr Cali Xassan, Cabdallah Adam Cabdullah, Xuseen Haroon Maxamed, Cabdi-Nuur Maxamed Wali iyo Cabdullahi Xasan Cabdul ayaa Bisha Apriil 4teed qoorta looga gooyey ayaga oo lagu eedeeyey howlo burcadnimo ah. Falkaan ayeey aad uga xumaadeen Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadda waxayna u arkeen in dilkooda uusan waafaqsaneyney Shareecada Islaamka iyo qawaaniinta caalimiga.

Halkaan ka fiirso sawiradii laga soo qaaday bannaanbax

The Saudi Executions: Un-Islamic and Extra-judicial Killing
FAIR REACTION ON 6 SOMALI BEHEADING CASE IN SAUDI JUSTICE SYSTEM






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online