Gen. Maxamad Xaashi Gaani oo ka mid ahaa xildhibaanada 275-ka ah ee dhawaan lagu dhisay Dalkan Kenya ayaa Maalintii Isniinta Meeydkiisa laga soo saaray Halka uu deganyahay oo ah Mbagathi, sida ay HOL u xaqiijiyeen qaar ka mid Xildhibaanada Somaliyed lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeeysay geerida Marxuumkan amaba wax xanuun ah oo hore, Booliska Dalkan Kenya ayaa wada Baaritaan si loo xaqiijiyo sababta ka dambeeysay geerida Marxuumka hadiiba ay sababi jirto.
Tan iyo markii la dhisay golaha Baarlamaanka KMG ayaa waxaa Baarlamaanka ka geeriyooday sedax Marxuum, Marxuum Faarax oo 15-kii Sebtemper ku geeriyooday Nairobi, Marxuum Xassan Cabdulle Qalaad oo 29-kii Sebtemper ku geriyooday Wadanka Imaaraadka Carabta Walow anan la dhaarin Marxuum Qalaad, Marxuum Maxamad Xaashi Gaani oo 18-ka October ku geeriyooday Magaalada Nairobi, Marxuumadaan oo dhamaantood kala dambeeyey oo kaliya wax ka yar 15, cisho ilaahey ha u wada naxartiistee.
Gen. Gaani waxaa aad loogu xasuustaa dhibaatooyinikii ka dhacay waqooyiga Soomaaliya markii uu halkaas ka ahaa Taliyaha Ciidaanka Soomaaliyeed ee qaybtii 26naad ee dowladdii Maxamed Siyad Bare.
Maryan Maxamuud (Qalanjo)
Hiiraan Online.
E-mail: Qalanjo@hiiraan.com .
|